{"id":69805,"date":"2022-10-10T14:36:33","date_gmt":"2022-10-10T14:36:33","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=69805"},"modified":"2022-10-10T14:36:33","modified_gmt":"2022-10-10T14:36:33","slug":"madaxweynaha-jamhuuriyadda-somaliland-oo-daah-furay-wejiga-koowaad-ee-mashruuca-biyo-ballaadhinta-hargeysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/10\/10\/madaxweynaha-jamhuuriyadda-somaliland-oo-daah-furay-wejiga-koowaad-ee-mashruuca-biyo-ballaadhinta-hargeysa\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daah-Furay Wejiga Koowaad Ee Mashruuca Biyo-Ballaadhinta Hargeysa."},"content":{"rendered":"<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Hargeysa-10-10-2022-(Arabsiyonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay wejiga koowaad ee mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa oo ay muddo dheer soo wadday wakaaladda biyaha Hargeysa.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Munaasibadda mashruucan oo lagu qabtay deegaanka Geed-deeble ee waqooyiga Hargeysa oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madaxda wakaaladda biyaha Hargeysa, safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda dawladaha Somaliland saaxiibka la ah, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dedaalka wakaaladda biyaha Hargeysa gelisay sidii uu mashruucani u noqon lahaa mid guulaysta.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Ugu horrayn maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood oo halkaa ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay dedaalka iyo naf-hurnimada ay wakaallada ahaan geliyeen sidii uu mashruucani u guulaysan lahaa, islamarkaana looga guuri lahaa nidaamkii gaboobay ee shiinuhu sameeyeen ee ay Hargeysa ku heli jirtay biyaha, kaas oo loogu talo talay tiro yar oo waqtigaas caasimadda deggenayd.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Maareeye Maxamed Cali Daarood waxa uu sheegay in mashruucani ka kooban yahay ceelal cusub, Beebab cusub oo la dhigay masaafada u dhaxaysa caasimadda iyo deegaanka Geed-deeble, mishiinno iyo qalab cusub oo halkaas lagu rakibay, kuwaas oo dhammaantood casri ah, wax weynna ka taraya sidii loo yarayn lahaa biyo yaraanta ka taagan Hargeysa.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa u mahadnaqay madaxda iyo hawl-wadeennada wakaalladda Biyaha Hargeysa, waxana uu sheegay inay mudan yihiin in lagu ammaano dedaalka ay geliyeen guusha uu maanta mashruucani gaadhay.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta qaranka iyo horumarinta Biyaha, Dr. Axmed Aadan Buuxane iyo Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan) oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa guul ku tilmaamay in wejiga labaad ee mashruuca dib loogu ballaadhinayo biyaha caasimadda Hargeysa maanta la ibo-furo, waxana ay madaxda wakaallada Biyaha ku ammaaneen dedaalkooda midhihiisii la gaadhay.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey madasha, ayaa ugu horrayn horumar weyn oo la gaadhay ku tilmaamay in mashruucani maanta soo gebogeboobo, waxana uu xusay in wax kasta oo loo dedaalaa uu keenayo maxsuul guulaysta oo ujeeddadii laga lahaa laga gaadho.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Maxaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ammaanay cid kasta oo ka qayb qaadatay in dib-u-ballaadhinta Hargeysa guul laga gaadho, isaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay hay\u2019adaha kala duwan ee dawladda ee hawshan ku lugta leh, waxana uu yidhi,\u201cWaxan u mahadnaqayaa dhammaan hay\u2019adda dawladaha ee ka qaybqaatay mashruucan oo faro badan, waxan ammaan u soo jeedinayaa hawlwadeennada wasaaradda biyaha oo hoggaamin la dul joogay wakaallada biyaha, waxana u mahadnaqayaa wakaaladda biyaha iyo maareeyahooda oo dedaal badan sameeyey si hawshan loo hirgeliyo.\u201d<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Intaas kaddib, madaxweynuhu waxa uu kormeer kooban ku sameeyey ceelasha cusub ee biyo-ballaadhinta caasimadda loo diyaariyey, kuwaas oo si habsami leh u shaqayna, isaga oo indhihiisa kusoo arkaya mishiinnada waaweyn ee casriga ah ee biyaha soo tuuraya.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Wa-bilaahi Tawfiiq<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa-10-10-2022-(Arabsiyonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay wejiga koowaad ee mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa oo ay muddo dheer soo wadday wakaaladda biyaha Hargeysa. Munaasibadda mashruucan oo lagu qabtay deegaanka Geed-deeble ee waqooyiga Hargeysa oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madaxda wakaaladda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":69806,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-69805","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/311413401_3354231604903161_4932924120690809088_n.jpg?fit=720%2C463&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-i9T","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69805","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69805"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69805\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69816,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69805\/revisions\/69816"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69806"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69805"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69805"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69805"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}