{"id":69761,"date":"2022-10-06T23:15:59","date_gmt":"2022-10-06T23:15:59","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=69761"},"modified":"2022-10-06T23:15:59","modified_gmt":"2022-10-06T23:15:59","slug":"madaxweyne-biixi-oo-soo-wada-isku-shaandhayn-sal-ballaadhan-iyo-isbeddelka-ay-ku-keenayso-siyaasadda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/10\/06\/madaxweyne-biixi-oo-soo-wada-isku-shaandhayn-sal-ballaadhan-iyo-isbeddelka-ay-ku-keenayso-siyaasadda\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Biixi Oo Soo Wada Isku-shaandhayn Sal ballaadhan Iyo Isbeddelka ay ku keenayso siyaasadda"},"content":{"rendered":"<div class=\"xkh2ocl x78zum5 xdt5ytf x1h91t0o x13a6bvl xcrg951 x1r145dm\" role=\"none\">\n<div class=\"x78zum5 xh8yej3\" role=\"none\">\n<div class=\"x1cy8zhl x78zum5 xdt5ytf x193iq5w x1n2onr6\">\n<div class=\"x78zum5 xh8yej3\" role=\"none\">\n<div class=\"x1y1aw1k xn6708d xwib8y2 x1ye3gou x1n2onr6 x6ikm8r x10wlt62 x1tlxs6b x1g8br2z x1gn5b1j x230xth x1mzt3pk x13faqbe x14ctfv x1okitfd x1vjfegm\" role=\"none\" data-testid=\"solid-message-bubble\">\n<div class=\"x9f619 x1n2onr6 x1ja2u2z __fb-light-mode\" role=\"none\">\n<div class=\"x1yc453h x126k92a x6prxxf x1fc57z9 xzsf02u\" dir=\"auto\" role=\"none\">Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu wadaa inuu 72-ka Saacadood ee soo socda uu isku-shaandhayn ballaadhan ku sameeyo Xukuumaddiisa. Ma jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Madaxtooyada isla-markaana lagu caddeeyay qorshaha isku-shaandhaynta ee Madaxweynuhu damacsan yahay, balse ilo xog-ogaal ah, ayaa Warbaahinta Arabsiyo News u sheegay in Madaxweynuhu uu isku-shaandhayntii ugu ballaadhnayd ku samaynayo Xukuumaddiisa. Isku-shaandhaynta ayaa la sheegay inay saamayn doonto Wasiirrrada, Wasiir ku-xigeennada, Agaasimeyaasha guud iyo Badhasaabbada Gobolladii uu dhawaan safarka ku soo maray. Warku wuxuu intaa ku darayaa, in Madaxweynuhu uu Xukuumaddiisa ka caydhin doono Wasiirrada xilligan ugu tunka weyn qaarkood, kuna beddeli doono Wejiyo cusub oo saamayn muuqata ku leh deegaannada ay ka soo jeedaan, halka uu Xukuumadda dib ugu soo celin doono Siyaasiyiin hore Xilal Wasiirnimo uga soo qabtay,;kuwaasi oo sida la tilmaamay uu Madaxweynuhu uga maarmi waayay shaqada siyaasadda. Ilo-wareedyadu waxay Tibaaxayaan, in Madaxweynuhu uu shaqada ka saarayo Wasiirro Magac ku dhex leh Xukuumaddiisa, balse aan xilligan xaasaasiga ah saamayn muuqata ku dhex lahayn deegaannadooda, taasi oo ah sababta ay shaqooyinkooda ku waayi doonaan. Sidoo kale, Wasiirrada Xukuumadda qaarkood, ayaa iyadoo uu Madaxweynuhu eegayo Takhasusaadkooda wuxuu ka beddeli doonaa Wasaaradaha ay Xilligan joogaan, waxaanu geyn doonaa Wasaarado ku habboon, si aqoontoodu wax ugu kordhiso Hay&#8217;adaha loo beddelayo, arrintaasi oo qayb ka ah qorsheyaasha Madaxweynaha ee ah in Qof walba loo diro shaqada uu wax ka garanayo. Isku-shaandhayntan oo imanaysa, ka dib markii Golaha Guurtida Somaliland ay muddo-kordhin 2 sanadood ah u sameeyeen Madaxweynaha, ayaa saamayn doonta Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha iyo Hay&#8217;adaha Madaxa-banaan ee Qaranka Waxa kale oo isku-shaandhayntan oo iskugu jirta Xil ka qaadis, isku-beddel iyo Magacaabista Masuuliyiin cusub, ay saamayn doontaa Badhasaabbada Gobolladii uu dhawaan Madaxweynuhu socdaalka ku soo maray, kuwaasi oo sida ilo-wareedyadu tibaaxayaan uu qaarkood saluugay habka Maamulkooda. Ugu dambayntii, Isku-shaandhayntan oo la xusay in Madaxweynuhu u samaynayo inuu dib ugu dardar-geliyo Xukuumaddiisa, maaddaama oo ay jiraan culaysyo siyaasadeed oo xilligan kaga imanaya dhinaca Xisbiyada Mucaaradka ee diiddan Doorashada Ururrada siyaasadda, ayaa la saadaaliyey inay wax muuqda ka beddesho hanaanka siyaasadeed ee Dalka isla-markaana ay horseeddo in dadka deegaanno aan wakhtigan la dhacsanayn hoggaaminta Madaxweynuhu ay dhankiisa u soo dabcaan, taageeradoodana kala noqdaan Xisbiyada Mucaaradka ah oo xilligan Dadka reer Somaliland badankoodu u arkaan kuwo Sharci-diid ah oo doonaya inay dalka geliyaan qas aan loo baahnayn.<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x1iyjqo2 x1r8uery\" role=\"none\"><\/div>\n<div role=\"none\"><\/div>\n<div role=\"none\">Arabsiyonews.com<\/div>\n<div role=\"none\">Hargeysa Office<\/div>\n<div class=\"xkh2ocl x78zum5 xdt5ytf x1h91t0o x13a6bvl xcrg951 x1r145dm\" role=\"none\">\n<div class=\"x78zum5 xh8yej3\" role=\"none\">\n<div class=\"xkh2ocl x78zum5 xdt5ytf x1h91t0o x13a6bvl x193iq5w x1iyjqo2 xcrg951\" role=\"none\">\n<div class=\"x1iyjqo2 x1r8uery\" role=\"none\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"xkh2ocl x78zum5 xdt5ytf x1h91t0o x13a6bvl x193iq5w x1c4vz4f xcrg951\" role=\"none\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"xkh2ocl x78zum5 xdt5ytf x1h91t0o x13a6bvl x193iq5w x1c4vz4f xcrg951\" role=\"none\">\n<div class=\"x2lah0s x78zum5 xdt5ytf x1ll7btr xl56j7k x1iyjqo2 x1n2onr6 x1n327nk x1t2a60a\" aria-hidden=\"true\">\n<div class=\"x6s0dn4 x1ll7btr x78zum5 x1q0g3np\" role=\"none\">\n<div class=\"x6s0dn4 x1ll7btr x78zum5 x1q0g3np\" role=\"none\">\n<div>\n<div class=\"x1i10hfl x1qjc9v5 xjbqb8w xjqpnuy xa49m3k xqeqjp1 x2hbi6w x13fuv20 xu3j5b3 x1q0q8m5 x26u7qi x972fbf xcfux6l x1qhh985 xm0m39n x9f619 x1ypdohk xdl72j9 x2lah0s xe8uvvx xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x2lwn1j xeuugli xexx8yu x4uap5 x18d9i69 xkhd6sd x1n2onr6 x16tdsg8 x1hl2dhg xggy1nq x1ja2u2z x1t137rt x1o1ewxj x3x9cwd x1e5q0jg x13rtm0m x1q0g3np x87ps6o x1lku1pv x78zum5 x1a2a7pz\" tabindex=\"0\" role=\"button\" aria-expanded=\"false\" aria-haspopup=\"menu\" aria-label=\"React\">\n<div class=\"x1mh8g0r x11i5rnm xvy4d1p xxk0z11 x78zum5 x14yjl9h xudhj91 x18nykt9 xww2gxu x2lah0s xc26acl x6s0dn4 xl56j7k x2b8uid x1ypdohk x15vn3sj x1n2onr6\">\n<div class=\"x17rw0jw x17z2i9w x197sbye x4gyw5p x1o7uuvo\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div>\n<div class=\"x1mh8g0r x11i5rnm xvy4d1p xxk0z11 x78zum5 x14yjl9h xudhj91 x18nykt9 xww2gxu x2lah0s xc26acl x6s0dn4 xl56j7k x2b8uid x1ypdohk x15vn3sj x1n2onr6\">\n<div class=\"x1i10hfl x1qjc9v5 xjbqb8w xjqpnuy xa49m3k xqeqjp1 x2hbi6w x13fuv20 xu3j5b3 x1q0q8m5 x26u7qi x972fbf xcfux6l x1qhh985 xm0m39n x9f619 x1ypdohk xdl72j9 x2lah0s xe8uvvx xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x2lwn1j xeuugli xexx8yu x4uap5 x18d9i69 xkhd6sd x1n2onr6 x16tdsg8 x1hl2dhg xggy1nq x1ja2u2z x1t137rt x1o1ewxj x3x9cwd x1e5q0jg x13rtm0m x1q0g3np x87ps6o x1lku1pv x78zum5 x1a2a7pz\" tabindex=\"0\" role=\"button\" aria-label=\"Reply\">\n<div class=\"x17rw0jw x17z2i9w x197sbye x4gyw5p x1o7uuvo\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div>\n<div class=\"x1i10hfl x1qjc9v5 xjbqb8w xjqpnuy xa49m3k xqeqjp1 x2hbi6w x13fuv20 xu3j5b3 x1q0q8m5 x26u7qi x972fbf xcfux6l x1qhh985 xm0m39n x9f619 x1ypdohk xdl72j9 x2lah0s xe8uvvx xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x2lwn1j xeuugli xexx8yu x4uap5 x18d9i69 xkhd6sd x1n2onr6 x16tdsg8 x1hl2dhg xggy1nq x1ja2u2z x1t137rt x1o1ewxj x3x9cwd x1e5q0jg x13rtm0m x1q0g3np x87ps6o x1lku1pv x78zum5 x1a2a7pz\" tabindex=\"0\" role=\"button\" aria-expanded=\"false\" aria-haspopup=\"menu\" aria-label=\"More\">\n<div class=\"x1mh8g0r x11i5rnm xvy4d1p xxk0z11 x78zum5 x14yjl9h xudhj91 x18nykt9 xww2gxu x2lah0s xc26acl x6s0dn4 xl56j7k x2b8uid x1ypdohk x15vn3sj x1n2onr6\">\n<div class=\"x17rw0jw x17z2i9w x197sbye x4gyw5p x1o7uuvo\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"xkh2ocl x78zum5 xdt5ytf x1h91t0o x13a6bvl x193iq5w x1iyjqo2 xcrg951\" role=\"none\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu wadaa inuu 72-ka Saacadood ee soo socda uu isku-shaandhayn ballaadhan ku sameeyo Xukuumaddiisa. Ma jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Madaxtooyada isla-markaana lagu caddeeyay qorshaha isku-shaandhaynta ee Madaxweynuhu damacsan yahay, balse ilo xog-ogaal ah, ayaa Warbaahinta Arabsiyo News u sheegay in Madaxweynuhu uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":69762,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-69761","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/10\/Snapshot_1085.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-i9b","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69761","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69761"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69761\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69764,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69761\/revisions\/69764"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69762"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69761"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69761"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69761"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}