{"id":69587,"date":"2022-09-25T20:21:56","date_gmt":"2022-09-25T20:21:56","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=69587"},"modified":"2022-09-25T20:23:37","modified_gmt":"2022-09-25T20:23:37","slug":"maraykan-ah-oo-ka-hadlay-dib-u-dhaca-doorashada-madaxtooyada-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/09\/25\/maraykan-ah-oo-ka-hadlay-dib-u-dhaca-doorashada-madaxtooyada-somaliland\/","title":{"rendered":"Maraykanka Oo Ka Hadlay Dib U Dhaca Doorashada Madaxtooyada Somaliland."},"content":{"rendered":"<p>USA (Arabsiyonews) &#8211; Safiirkii Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Harooyinka waaweyn ee Afrika Ambassador J. Petter Pham, ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid doorashada Madaxtooyada Somaliland. Ambassador J. Petter Pham,<\/p>\n<p>ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay dib u dhaca doorashada ku yimid, haddana uu ku niyadsan yahay in Somaliland leedahay oo ay qabato doorashooyin loo maro Habka &#8216;Qof iyo Codka ah&#8217;, kaasi oo ay kaga duwan tahay Soomaaliya oo doorasho caynkaas ah ay ugu dambaysay sannadkii 1969-kii. Ambassador Pham oo qoraal ku baahiyey boggiisa Twitter-ka, ayaa qoray &#8220;Guddiga doorashooyinka Somaliland oo dhismihiisa uu muddo bilo ah dib u dhigay Barlamanka oo uu Gacanta ku hayo Mucaaradku, waxay soo jeediyeen Jadwalka cusub ee dorashada..&#8221;<\/p>\n<p>Dr. J. Petter Pham wuxuu sheegay inay wax laga xumaado tahay dib u dhaca ku yimid doorashada &#8220;Sugitaanku waa wax laga xumaado..&#8221; ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in inkasta oo doorashadu dib u dhacday, haddana Somaliland leedahay isla-markaana qabsato doorashooyin Qof iyo cod ah &#8220;Ugu yaraan Somaliland waxay leedahay oo ay qabsataa doorashooyin Hal Qof iyo Hal Cod ah, taasi oo ay kaga duwan tahay Soomaaliya oo Muwaadiniinteedu doorasho Caynkaas ah codkooda dhiibteen ama ugu dambaysay sannadkii 1969..&#8221; ayuu yidhi. Ugu dambayn, Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Sabtidii Shalay shaaciyey in doorashada Madaxtooyada ay ku qaban karaan oo keliya muddo 9 bilood gudahood ah. Go&#8217;aankaas oo Xisbiyada Mucaaradka ahi soo dhaweeyeen, ayaa dhabbada u xaadhay muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddiisa, laakiin Muddo-kordhintaas oo uu Golaha Guurtidu go&#8217;aankeeda leeyahay, ayaanay ku niyadsamayn inta badan Waddamada Beesha caalamka ee Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo horumarinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.<\/p>\n<div class=\"fb-video\" data-allowfullscreen=\"true\" data-href=\"https:\/\/www.facebook.com\/arabsiyomedia\/videos\/2313492698803685\" style=\"background-color: #fff; display: inline-block;\"><\/div>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>USA (Arabsiyonews) &#8211; Safiirkii Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Harooyinka waaweyn ee Afrika Ambassador J. Petter Pham, ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid doorashada Madaxtooyada Somaliland. Ambassador J. Petter Pham, ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay dib u dhaca doorashada ku yimid, haddana uu ku niyadsan yahay in Somaliland leedahay oo ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":69588,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-69587","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/09\/muf.png?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-i6n","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69587","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69587"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69587\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69591,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69587\/revisions\/69591"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69588"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69587"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69587"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69587"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}