{"id":69482,"date":"2022-09-13T19:35:35","date_gmt":"2022-09-13T19:35:35","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=69482"},"modified":"2022-09-13T19:35:35","modified_gmt":"2022-09-13T19:35:35","slug":"william-ruto-oo-loo-dhaariyey-madaxweynaha-kenya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/09\/13\/william-ruto-oo-loo-dhaariyey-madaxweynaha-kenya\/","title":{"rendered":"William Ruto oo loo dhaariyey madaxweynaha Kenya"},"content":{"rendered":"<p>NAIROBI \u2014 William Ruto ayaa loo dhaariyey madaxweynaha cusub ee Kenya, xaflad ka dhacday garoonka weyn ee Moi International Sports Center Stadium ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi.<br \/>\nMadaxweynaha cusub ayaa loo dhaariye xilkaasi wax yar ka hor 1-dii duhurnimo, waxaana uu noqonayaa madaxweynihii shanaad ee soo mara Kenya.<br \/>\nWilliam Ruto, hoggaamiyaha xisbiga UDA, ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday 9-kii bishii Ogosto ee aynu soo dhaafnay.<br \/>\nWaxaa sidoo kale isna maanta xilka loo dhaariyey madaxweyne ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.<br \/>\nRuto ayaa doorashada kaga adkaaday Raila Odinga oo markii shanaad xilkaas u tartamay, islamarkaana haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degay Uhuru Kenyatta.<br \/>\nRuto ayaa waxa sugaya shaqooyin ay ka mid yihiin mideynta shacabka Kenya, wax ka qabashada sicir-barar xooggan oo dalka ka taagan iyo sugidda amniga.<br \/>\nKahor dhaarinta, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii dadweyne ay isku dayeen inay xoog ku galaan halka xafladdu ka dhaceysay.<br \/>\nMuuqaallo ay baahiyeen taleefishinada ayaa muujiyey tobanaan qof oo isku dul dhacaya, mid ka mid ah albaabada laga galo garoonka.<br \/>\nDadku Waxay Ku Dhalaan Lacag La.aan<br \/>\ndhinaca kale .<br \/>\nQoraallo uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu Ruto ku sheegay inuu xafiiskiisa xaafadda Karen ee magaalada Nayroobi shirar kula yeeshay madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame, dhigiisa Congo Felix Tshisekedi, hoggaamiyaha Mozambique Filipe Nyusi, wakiilka dowladda Shiinaha ee arrimaha Afrika Liu Yuxi iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.<br \/>\nWaxaa uu xusay in Kenya ay ka mahadcelinayso xidhiidhka saaxiibtinnimo ee ka dhexeya jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.<br \/>\nRuto ayaa sheegay in iskaashigan uu horseeday fursado dhaqaale iyo kuwo bulsho oo ay ka faa\u2019iidayaan shacabka labada dhinac.<br \/>\nWaxaa uu intaasi ku daray inay ka go\u2019an tahay sare u qaadidda iskaashiga Kenya kala dhexeya Shiinaha ee dhanka kaabayaasha horumarineed , wax soo saarka beeraha , tacliinta iyo arrimo kale.<br \/>\nSidoo kale William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenya ay sii wadi doonto doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato nabadgalyada iyo xasiloonida gobolka si loo dardargeliyo horumarka dhaqaale ee qaaradda Afrika.<br \/>\nRuto waxaa uu tilmaamay in maamulkiisa uu sii xoojin doono xiriirka dalka kala dhexeya Mozambique iyo Israa\u2019iil ee dhanka wax soo saarka , tiknolojiyadda iyo amniga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>NAIROBI \u2014 William Ruto ayaa loo dhaariyey madaxweynaha cusub ee Kenya, xaflad ka dhacday garoonka weyn ee Moi International Sports Center Stadium ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Madaxweynaha cusub ayaa loo dhaariye xilkaasi wax yar ka hor 1-dii duhurnimo, waxaana uu noqonayaa madaxweynihii shanaad ee soo mara Kenya. William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga UDA, ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":69483,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-69482","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/09\/Snapshot_719.png?fit=1080%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-i4G","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69482","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69482"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69482\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69486,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69482\/revisions\/69486"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69483"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69482"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69482"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69482"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}