{"id":69412,"date":"2022-09-05T14:56:01","date_gmt":"2022-09-05T14:56:01","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=69412"},"modified":"2022-09-05T15:16:53","modified_gmt":"2022-09-05T15:16:53","slug":"xoghayaha-guud-ee-cusub-ee-xisbiga-kulmiye-oo-xilkii-la-wareegay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/09\/05\/xoghayaha-guud-ee-cusub-ee-xisbiga-kulmiye-oo-xilkii-la-wareegay\/","title":{"rendered":"Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE oo Xilkii la Wareegay"},"content":{"rendered":"<div class=\"l7ghb35v kjdc1dyq kmwttqpk gh25dzvf jikcssrz n3t5jt4f\">\n<div dir=\"auto\">Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Guddoomiye ku-xigeeka 1aad KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee xisbiga iyo Xoghayihii hore.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"l7ghb35v kjdc1dyq kmwttqpk gh25dzvf jikcssrz n3t5jt4f\">\n<div dir=\"auto\">Xaflad kooban oo xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE loogu sameeyey maanta xilka wareejinta labada Xoghaye, waxa ka qaybgalay xubnaha sarsare ee hoggaanka xisbiga oo ay ka mid yihiin; Guddoomiye ku-xigeenka 1aad, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, Ku-xigeenka labaad Md. Axmed Cabdi Xuseen, ku-xigeenka 3aad Md. Xuseen Aadan Cadde, Ku-xigeenka 4aad, ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga, ahna Wasiir-ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Md. Maxamuud Jaamac Warfaa, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Dhexe ee xisbiga Md. Cali Maxamed Cali, Xoghayaha Garabka Haweenka ee heer Qaran Marwo Sahra Saleebaan Cawil, Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo uu ka mid yahay Wasiirka Horumarinta Beeraha Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Md. Cabdixakiin Siciid Bustaale, Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga Md. Liibaan Ismaaciil Buraale, Guddoomiyeyaasha xisbiga KULMIYE ee Gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sanaag, xubno ka kala tirsan tirsan golayaasha Dhexe iyo Fulinta ee xisbiga, haweenweynaha xisbiga, garabka dhallinyarada iyo marti sharaf kale.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"l7ghb35v kjdc1dyq kmwttqpk gh25dzvf jikcssrz n3t5jt4f\">\n<div dir=\"auto\">Xoghayihii hore ee xisbiga KULMIYE Md. Ibraahim Axmed Raabbi oo xafladda xil-wareejinta hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo Xoghayaha cusub, isla markaana xilka ay la kala wareegayaan ka mid yahay hannaanka dimuqraadiyadda ee ka dhex jirta xisbiga KULMIYE. Waxa kaloo uu u mahadceliyey guud ahaan bahwaynta KULMIYE ee ay soo wada shaqeeyeen oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha Qaranka, ahna Guddoomiyaha xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga.<\/div>\n<div dir=\"auto\">Xoghayaha cusub ee xilka la wareegay Md. Faysal Cabdiraxmaan Madar, ayaa isna dhankiisa uga mahadceliyey Xoghihii hore xilka uu ku wareejiyey iyo sida hoggaanka, hawl-wadeennada iyo taageerayaasha xisbigu ugu soo dhaweeyeen xilka uu u igmaday Guddoomiyaha xisbigu.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><strong>Xoghayihii hore ee xisbiga KULMIYE Md. Ibraahim Axmed Raabbi<\/strong><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><iframe loading=\"lazy\" title=\"Xoghayihii Hore Ee Xisbiga KULMIYE Mudane Ibraahin Raabi Oo Xilkii KU Wareejiyey Xoghayaha Cusub\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/i-qs63ZmJaE\" width=\"640\" height=\"360\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"l7ghb35v kjdc1dyq kmwttqpk gh25dzvf jikcssrz n3t5jt4f\">\n<div dir=\"auto\">Xoghaye Faysal waxa uu ballanqaaday inuu dadaal badan ku bixin doono gudashada waajibaadkiisa shaqo, isla markaana uu xoogga saari doono sidii uu u sii dardargelin lahaa hawlaha shaqo ee xisbigu ugu diyaargaroobayo doorashooyinka soo socda.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><strong>Nuxurka Khudbaddi Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye<\/strong><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><iframe loading=\"lazy\" title=\"Xoghayaha Cusub Ee Xisbiga KULMIYE Mudane Faysal C\/raxmaan Oo La Wareegay Xilkii Xoghayaha Xisbiga\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/MruHHvrZT2w\" width=\"640\" height=\"360\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><strong>Nuxurka Khudbaddi Wasiirka Maxamed Kaahin\u00a0<\/strong><\/div>\n<div dir=\"auto\"><iframe loading=\"lazy\" title=\"Wasiir Maxamed Kaahin Oo Xilkii ukala Wareejiyey Xoghayihii Hore Iyo Hoghayaha Cusub Ee KULMIYE\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/leaCNzdPnp4\" width=\"640\" height=\"360\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Arabsiyonews.com<\/div>\n<div dir=\"auto\">Hargeysa Office<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Guddoomiye ku-xigeeka 1aad KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee xisbiga iyo Xoghayihii hore. Xaflad kooban oo xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE loogu sameeyey maanta xilka wareejinta labada Xoghaye, waxa ka qaybgalay xubnaha sarsare ee hoggaanka xisbiga oo ay ka mid [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":69414,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-69412","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/09\/305181187_413673277573114_9160354314823430624_n.jpg?fit=1080%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-i3y","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69412","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69412"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69412\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69418,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69412\/revisions\/69418"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69414"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69412"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69412"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69412"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}