{"id":69126,"date":"2022-08-16T17:24:30","date_gmt":"2022-08-16T17:24:30","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=69126"},"modified":"2022-08-16T17:24:30","modified_gmt":"2022-08-16T17:24:30","slug":"raila-odinga-oo-ku-gacan-sayray-natiijada-doorashada-sheegay-tallaabo-uu-qaadayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/08\/16\/raila-odinga-oo-ku-gacan-sayray-natiijada-doorashada-sheegay-tallaabo-uu-qaadayo\/","title":{"rendered":"Raila Odinga oo ku gacan sayray natiijada doorashada, sheegay tallaabo uu qaadayo"},"content":{"rendered":"<p>Nairobi:-Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa diiday oo \u201cwaxba kama jiraan\u201d ku tilmaamay natiijada doorashadii madaxweyne ee dhacday 9-kii August ee shalay la shaaciyey in looga adkaaday.<br \/>\nOdinga oo shir jaraa\u2019id maanta ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in dimoqraadiyadda Kenya ay wajaheyso qalalaase shirci oo fog.<br \/>\nHadallada Odinga ayaa yimid daqiiqado kadib markii afar xubnood oo ka mid ah toddobada xubnood ee guddiga doorashada ay sheegeen inay ku adkeysanayaan go\u2019aankii ay shalay ku diideen natiijada doorashada, ayaga oo sheegay in hanaanka tirinta codadka uu ahaa \u201cmid mugdi uu ku jiro.\u201d<br \/>\n\u201cAragtideena waxay tahay in natiijada doorashada ee uu ku dhowaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ay tahay waxba kama jiraan ayna qasab tahay in lagu baabi\u2019iyo sharci maxkamad,\u201d ayuu yiri Odinga oo markii shanaad u tartamay madaxweyne.<br \/>\nIsaga oo u hadlaya kooxda guddiga doorashada ee diidan natiijada ayaa guddoomiye ku-xigeenka guddiga Juliana Cherera waxay maanta sheegtay in natiijada guusha siisay William Ruto si khaldan loo xisaabiyey.<br \/>\nDhinaca Kale Raila oo weerar ku qaaday guddoomiyaha guddiga doorashada<br \/>\nKhuburada falanqeysa siyaasadda, ayaa sheegay in haatan wixii ka danbeeya la filayo in dacwad loo gudbiyo Makamadda Sare ee Kenya, taasoo daba socota diidmadii guud ee Raila Odinga, ee natiijada madaxtinimada.<br \/>\nWaxey haystaan kooxda Raila illaa iyo isniinta, oo ah toddobo maalmood, kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada.<br \/>\nOdinga ayaa hadda ka baxay shirka jaraa\u2019id ee uu ku qabtay magaalada Nairobi, isagoo eedayn kulul u jeediyay guddoomiyaha guddiga doorashada, Wafula Chebukati.<br \/>\nWuxuu ku eedeeyay inuu doorashada u maamulo sidii kaligii talis iyo caga jugleyn.<br \/>\n&#8220;Si loogga fogaado shakiga, waxaan rabaa in aan ku celiyo: Waxaan si buuxda oo aan gabasho lahayn u diidnay natiijadii madaxtinimo ee uu shalay ku dhawaaqay [gudoomiyaha guddiga doorashada] Mr Chebukati,&#8221; ayuu yiri Odinga.<br \/>\nWaxa uu sidoo kale ku eedeeyey guddoomiyaha doorashada inuu caga jugleyn ku hayo murashaxiinta doorashada, ee ay is khilaafeen.<br \/>\nGuddoomiyaha guddiga, Chebukati ayaa shalay sheegay in Ruto uu helay 50.49% codadka, halka Odinga uu ka helay 48.5%, sidaasna Ruto ku guuleystay.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Laamaha ammaanka ugu sarreeya ee Kenya, ayaa u xaqiijiyay muwaadiniinta in dalku ammaan yahay, iyadoo cabsi laga qabay inay dhacaan rabshado la xiriira oorashada.<br \/>\nMas\u2019uuliyiinta ayaa dadka Keenyaanka ah ka codsaday inay dib u bilaabaan howlahooda ganacsi, iyadoo la siiyey mudnaanta koowaad amniga.<br \/>\nWalaac iyo walwal ayaa ku baahday dalka Kenya oo idil, kadib qalalaasihii ka dhashay ku dhawaaqista natiijadii madaxtinimo ee Isniintii.<br \/>\nGuddiga ka talo bixinta amniga qaranka ee dalka Kenya, ayaa qaaday tallaabooyin, si ay u xaqiijiyaan inaaney dib dambe u dhici doonin cabsidii laga qaaday rabshado ka dhashay khilaafkii ka dhashay ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxtooyada.<br \/>\nKooxda ayaa sheegtay in xaaladda amni ee dalka ay tahay mid la isku halleyn karo, kadib markii ay qiimeyn bilow ah ku sameeyeen subaxnimadii Talaadada oo maanta ah ammaanka guud, mas\u2019uuliyiintuna ay qaadeen tallaabooyin lagu hubinayo in dalka uu nabad yahay.<br \/>\nRabshado ayaa laga soo warinayaa magaalada caasimadda ah ee Nairobi iyo magaalada Kisumu ee galbeedka Kenya, kadib markii dibadbaxayaal ay kasoo horjeesteen xaqiijinta in, William Ruto, uu ku guuleystay doorashadii 9-kii bishan Ogosto ee sanadkan 2022-ka ka dhacday dalka Kenya.<br \/>\nDoorashooyinkii hore ee madaxtinimo ee lagu tartamay, ayaa waxaa ka dhashay rabshado galaaftay nolosha dad badan iyo burbur hantiyeed.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Nairobi:-Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa diiday oo \u201cwaxba kama jiraan\u201d ku tilmaamay natiijada doorashadii madaxweyne ee dhacday 9-kii August ee shalay la shaaciyey in looga adkaaday. Odinga oo shir jaraa\u2019id maanta ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in dimoqraadiyadda Kenya ay wajaheyso qalalaase shirci oo fog. Hadallada Odinga ayaa yimid daqiiqado kadib markii afar xubnood [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":69127,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-69126","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/odinga.png?fit=989%2C617&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hYW","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69126","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=69126"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69126\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":69128,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/69126\/revisions\/69128"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/69127"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=69126"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=69126"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=69126"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}