{"id":68945,"date":"2022-08-03T14:48:02","date_gmt":"2022-08-03T14:48:02","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=68945"},"modified":"2022-08-03T14:48:02","modified_gmt":"2022-08-03T14:48:02","slug":"cid-kasta-oo-isku-dayda-inay-amniga-dalka-wax-u-dhimaan-iyaga-oo-ku-soo-dhuumanaya-mudaharaad-sharci-darro-ah-tallaabo-ayaa-laga-qaadayaa-wasaaradda-arrimaha-gudaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/08\/03\/cid-kasta-oo-isku-dayda-inay-amniga-dalka-wax-u-dhimaan-iyaga-oo-ku-soo-dhuumanaya-mudaharaad-sharci-darro-ah-tallaabo-ayaa-laga-qaadayaa-wasaaradda-arrimaha-gudaha\/","title":{"rendered":"&#8220;Cid kasta Oo Isku dayda Inay Amniga Dalka Wax U Dhimaan, Iyaga Oo Ku Soo Dhuumanaya Mudaharaad Sharci-darro Ah Tallaabo Ayaa Laga Qaadayaa..&#8221; Wasaaradda Arrimaha Gudaha."},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin, Taliyeyaasha Booliska, Sirdoonka, Maayarka Hargeysa, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex iyo Laamaha kale ee Amniga Dalka, ayaa MAANTA\u00a0 kulan ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha.<\/p>\n<p>Shirkan oo lagaga hadlay adkaynta Amniga Qaranka Somaliland, ayaa laga soo saaray War-saxaafadeed, kaasi oo lagu sheegay in cid kasta oo ku kacda fal lid ku ah amniga Qaranka iyadoo ku dhuumanaysa waxa loogu yeedhay &#8216;Mudaharaad&#8217; laga qaadi doono Tallaabo.<br \/>\nWar-saxaafadeedka laga soo saaray Shirkaasi oo lagu baahiyey bogga Facebook ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan &#8220;Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shir guddoomiyey kulan ku saabsan xoojinta Amniga, Is-xogwaraysi, wada-shaqaynta laamaha kala duwan ee Amniga, maamulka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa iyo Badhasaabka Gobolka, kaasoo ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.<\/p>\n<p>Shirkan muhiimka ah waxaa ka soo qayb galay oo Wasiirka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore, Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed iyo Saraakiisha Ciidan Booliska Somaliland, oo uu horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) iyo Ku-xigeenkiisa.<\/p>\n<p>Sidoo kale, shirkan muhiimka ah waxaa ka soo qayb galay Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, Guddidiisa fulinta iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Caasimadda Hargeysa.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, kulankan waxaa ka soo qayb galay Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Xeebaha Sareeyo Guuto Axmed Hurre Haariye, Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Qaranka Faysal Guhaad Cabdi, Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cilmi Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Khadar\u00a0 Baaruud iyo saraakiil kale oo sar sare.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd adkaynta nabadgelyada, taasoo ah mid ay markasta u xilsaaran yihiin laamaha ammaanka ee kala duwan, iyaga oo hadh iyo habeen u taagan ilaalinta nabadgelyada shacabka iyo guud ahaan Qarankaba.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa faray Hay&#8217;adaha amniga in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo isku dayda in ay waxyeelayso ama khalkhal geliso xasiloonida iyo nabadgelyada Somaliland ku naaloonayso, taasoo ah mid aan ciyaar ku iman ee ku timid dedaal iyo naf hur.<\/p>\n<p>Ugu danbayntii, cid kasta oo isku dayda in ay amniga wax u dhimaan iyaga oo ku soo dhuumanaya Mudaharaad sharci-darro ah tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa, wixii ka yimaaddana waxaa qaadaya masuuliyadeeda ciddii soo abaabushay.<\/p>\n<p>Shacabkana waxaa loogu baaqayaa in ay la shaqeeyaan Ciidamada nabadgelyada, kana fogaadaan cid kasta oo wadda dhibaato lagu waxyeelanayo nabadgelyada iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.&#8221;<br \/>\nKulanka Laamaha amaanku ku yeesheen Hargeysa iyo War-saxaafadeedka digniinta ah ee ka soo baxay, ayaa imanaya Xilli hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ay Taageerayaashooda ugu baaqeen inay Gobollada dalka oo dhan ka sameeyaan Mudaharaaddo, kaasi oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan Qorshaha Xukuumadda ee furista Ururrada siyaasadda, kuna dalbanayaan in doorashada Madaxtooyada lagu qabto wakhtigeeda oo ku astaysan 13-ka 11-aad ee sannadkan 2022.<br \/>\nXisbiyada Mucaaradka Somaliland iyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa xal ka gaadhi kari waayay khilaafka doorashada ee dalka ka taagan, taas ayaana keentay in WADDANI iyo UCID dib u abaabulaan Mudaharaaddo ay doonayaan inay culays ku saaraan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taasi oo lafteeduna abuurtay in laamaha amaanku ay yeeshaan shirkan la xidhiidha adkaynta amniga.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin, Taliyeyaasha Booliska, Sirdoonka, Maayarka Hargeysa, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex iyo Laamaha kale ee Amniga Dalka, ayaa MAANTA\u00a0 kulan ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha. Shirkan oo lagaga hadlay adkaynta Amniga Qaranka Somaliland, ayaa laga soo saaray War-saxaafadeed, kaasi oo lagu sheegay in cid kasta oo ku kacda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":68946,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-68945","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/Maxamed-Kaahin.jpg?fit=960%2C700&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hW1","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68945","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=68945"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68945\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":68948,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68945\/revisions\/68948"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/68946"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=68945"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=68945"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=68945"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}