{"id":68635,"date":"2022-07-07T18:02:31","date_gmt":"2022-07-07T18:02:31","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=68635"},"modified":"2022-07-07T18:02:31","modified_gmt":"2022-07-07T18:02:31","slug":"raiisul-wasaare-boris-johnson-oo-maanta-is-casilaya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/07\/07\/raiisul-wasaare-boris-johnson-oo-maanta-is-casilaya\/","title":{"rendered":"Ra&#8217;iisul Wasaare Boris Johnson &#8216;oo maanta is-casilaya&#8217;"},"content":{"rendered":"<p><span class=\"dateline\">LONDON \u2014\u00a0<\/span>Boris Johnson ayaa maanta ku dhowaaqi doona inuu iska casilay xilka ra\u2019iisul wasaraaha Britain kadib markii ay ka kala tageen wasiiradiisa iyo xildhibaanada xisbigiisa Conservative-ka, kuwaasi oo sheegay inuusan u qalmin inuu wax sii maamulo.<\/p>\n<p>Ayada oo sided wasiir ay is-casileen labadii saac ee u dambeysay, Johnson oo tabar beelay, islamarkaana cidloobay, ayaa u hoggaansami doona lama huraanka wuxuuna ku dhowaaqi doona inuu is-casilay, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo.<\/p>\n<p>Xafiiskiisa Downing Street ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Johnson uu goor dambe oo maanta ah soo saari doono war-saxaafadeed.<\/p>\n<p>Kadib maalmo uu u dagaalamayey shaqadiisa, Johnson ayaa waxaa faarujiyey waxyar mooyee inta badan xulafadiisa kadib markii fadeexado dhowr ah oo cusub ay jebiyeen rajadoodii aheyd inay taageeraan.<\/p>\n<p>\u201cIs-casilaaddiisa waxay aheyd mid aan la huri doonin,\u201d waxaa sidaas yiri Justin Tomlinson oo ah guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Conservative-ka oo qoraal soo dhigay twitter-ka.<\/p>\n<p>\u201cXisbi ahaan waa inaan si deg deg ah u midownaa oo aan diiradda saarnaa waxa muhiimka ah. Waxaan ku jirnaa waqti adag dhinacyo badan.\u201d<\/p>\n<p>Xisbiga Conservative-ka ayaa hadda dooran doono hoggaamiye cusub, hanaankaas oo qaadan kara laba bilood.<\/p>\n<p>Ma cadda haddii Johnson oo sii hayn doono xilka illaa laga dooranayo qofka noqonaya ra\u2019iisul wasaaraha.<\/p>\n<p>\u201cInuu iska casilo xilka hoggaamiyaha xisbiga ka sokow, ra\u2019iisul wasaaraha waa inuu sidoo kale xafiiska ka tagaa,\u201d waxaa sidsaas yiri Nick Gibs oo ah xildhibaan ka tirsan Conservative-ka.<\/p>\n<p>\u201cKadib markii uu waayey wasiiro badan, wuxuu lumiyey aaminaadda iyo sharci ahaanshada loo baahan yahay sidii uu shaqdiisa usii wato.\u201d<\/p>\n<p>Taageerada Johnson ayaa baaba\u2019day intii lugu guda jiray mid ka mid ah 24-kii saac ee ugu qalaalasaha badnaa taariikhda siyaasadda Britain, taasi oo uu tusaale u yahay wasiirka maaliyadda Nadhim Zahawi, oo xilkaas loo magacaabay Talaadadii un, kaasi oo ra\u2019iisul wasaaraha ugu baaqay inuu is-casilo.<\/p>\n<p>Zahawi iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada ayaa xalay tegay xafiiska Downing Street si ay ugu sheegaan Johnson in watqigiisa uu yimid.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>LONDON \u2014\u00a0Boris Johnson ayaa maanta ku dhowaaqi doona inuu iska casilay xilka ra\u2019iisul wasaraaha Britain kadib markii ay ka kala tageen wasiiradiisa iyo xildhibaanada xisbigiisa Conservative-ka, kuwaasi oo sheegay inuusan u qalmin inuu wax sii maamulo. Ayada oo sided wasiir ay is-casileen labadii saac ee u dambeysay, Johnson oo tabar beelay, islamarkaana cidloobay, ayaa u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":68636,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-68635","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/07\/Snapshot_936.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hR1","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68635","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=68635"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68635\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":68637,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68635\/revisions\/68637"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/68636"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=68635"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=68635"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=68635"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}