{"id":6853,"date":"2015-02-25T11:53:57","date_gmt":"2015-02-25T11:53:57","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6853"},"modified":"2015-02-25T11:53:57","modified_gmt":"2015-02-25T11:53:57","slug":"malaha-waad-garanaysaan-madaxwayne-siilaanyo-iyo-ragga-ku-xeeran-ma-nihin-rag-ku-tagaya-hanjabaaddawasiirka-madaxtooyada-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/25\/malaha-waad-garanaysaan-madaxwayne-siilaanyo-iyo-ragga-ku-xeeran-ma-nihin-rag-ku-tagaya-hanjabaaddawasiirka-madaxtooyada-somaliland\/","title":{"rendered":"\u201cMalaha Waad Garanaysaan Madaxwayne Siilaanyo Iyo Ragga Ku Xeeran, Ma Nihin Rag Ku Tagaya Hanjabaadda\u201dWasiirka Madaxtooyada Somaliland"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/image271-150x150.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-6857\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/image271-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"image271-150x150\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a><\/h2>\n<h2>Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka jawaabay dhawaaqyo ka soo yeedhay xisbiyada Mucaaradka ah, kaasi oo nuxurkiisu ahaa in haddii doorashada lagu qaban waayo wakhtiga loo asteeyay la kala diro xukuumadda iyo Golaha wakiilada isla-markaana la dhiso dawlad ku meel-gaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa.<\/h2>\n<h2>Wasiirka Madaxtooyada oo shalay ka hadlayey Munaasibad lagu soo gabogabeeyay shir lagu qabtey Magaalada Burco ayaa sheegay in xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo dalka ku timid nidaam sharci ah iska-markaana ay dalka ku hoggaamin doonto hab sharci ah, haddii doorashadu wakhtigeeda ku dhici waydo. Waxaanu wasiirku xusay in Madaxwayne Siilaanyo iyo Wasiirrada la shaqeeyaa aanay ahayn kuwa kursiga kaga tagaya hanjabaadda Mucaaradka ka soo yeedhaysa.<\/h2>\n<h2>Wasiirka oo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi \u201cMucaaradka hadalka iyo qaylada dheer bixinaya ee sheegaya haddii 26-ka June 2015-ka doorashadu dhacaya, ee sheegaya in dawlado kale la samaynayo. Waxaan leeyahay sharci ayaanu ku nimid waxaanuna sugaynaa wakhti doorasho, waxaanuna ka sugaynaa komiishanka, wixii ka soo baxana waanu u hoggaansamaynaa oo waanu ku qanacannahay, waayo tartan diyaar ayaanu u nahay daqiiqaddii kasta oo uu ku beegmo\u2026.\u201d<\/h2>\n<h2>Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa kale oo uu sheegay \u201cHaddii doorashadu dhici waydo 2-ka June. ma jiro nin Suurta afuufayaa, mana jirto hanjabaad iyo handadaad aanu kursiga kaga tageyno. Madaxweynaha si sharciya ayaa loo doortay, xukuumadduna si sharciya ayay ku joogtaa, si sharciya ayaanuna ku sii joogaynaa haddii ay doorashadu dhici waydo, waxaanu leenahay cidda ay u taallo ayay u taallaa, mar walbana annagu doorashada diyaar ayaanu u nahay, mana jirto baqo aanu ka qabno cid kale oo naga helaysa, waayo waxaanu is muujiney oo isa soo bandhignay markii Madaxwaynuhu uu safarka ku maray bariga iyo galbeedka dalka, ILAAHAY mahaddiina dadka taageeradooda waanu haysanaa, waanuna ku kalsoonahay meel kasta oo ay joogaan. Nin kasta oo doonaya inuu kursiga dalka hanto waxaanu leenahay dariiqeeda u soo mar oo tacabkeeda u mar, maalintaad naga hesho waanu kugu galbinaynaa, laakiin ha ku tashan (Hanjabaad) waayo malaha Siilaanyo waad garaneysaa, Ragga ku xeeranna waad garanaysa, ma nihin rag ku tagaya hanjabaadda\u2026\u201d ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray \u201cWaxaanu ku kalsoonahay in dadkayagu nagu dooran doonaan waxaanu qabanay iyo wixii la noo dhiibay sida aanu uga soo baxnay. Waxaad maqasheen dad intay wax ay sheegaan garan waayeen yidhaahda dalku halkuu marayo waad arkaysaan. Dalku wuxuu marayaa bash bash iyo barwaaqo ee sheeg waxaad sheegayso. Cidba naguma haysato inaanu dalka horumarinay oo wax aan laga qabanin aanu ka qabanay. Waxa xaqiiqo ah in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu fuliyey wuxuu dadka u ballan-qaadey, waxa xaqiiqo in Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ay dalka ka fuliyeen horumar la taaban karo, laakiin ninka nala tartamayow sheeg galdaloolada iyo wixii dhaliil ah ee aad xaq u leedahay, laakiin \u201cXaasha\u201d la isma dafiro, haddiise adigu aad is tidhaahdo dafir, taariikhda, dadka iyo dalkuba na dafiri maayaan\u2026\u201d<\/h2>\n<h2>Wasiirka oo sii hadlaya ayaa farriin u diray shacabka reer Somaliland \u201cDadka reer Somaliland waxaan leeyahay dalka u ilaashada sidii wanaagsanayd ee aad u ilaashan jirteen, qofkii wax qoonsadaana waa inuu kalmaddiisa la gole yimaaddo, waayo dalku waa dal dimuqraadiya, waana laga dhageysanayaa. Dalka gudihiisa wixii carqalado ka yimaadda Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu waxay u darbanayd inay wada hadal iyo is faham ka samayso, in badanna way ka samaysay oo way ku guuleysatay, cid kasta oo wax tabanaysana diyaar baanu u nahay\u201d ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey \u201cWaad ogtihiin markii aanu cid walba oo gudaha gogol u dhignay waxaanu wada hadal u furnay jaarkeena Soomaaliya oo aynu qadiyadeenna meel marsanno, iyaguna tooda ILAAHAY u barakeeyo oo ay dhistaan, ta gudahana sidaas oo kale ayaanu mar walba diyaar ugu nahay.\u00a0 ILAAHAY (SW) waxaanu ka sugaynaa wanaag badan, xukuumaddana waxaanu ka rajeynaynaa in halka ay dalka gaadhsiisay ka sii kordhiso, deegaanka aan ka soo jeedana waxaan leeyahay waxaa idinku filan in Madaxwayne Siilaanyo oo aad doorateen iyo (Xukuumaddiisu) ay dalka horumariyeen oo ay ka qabteen wax aan mugdi iyo madmadow ku jirin. Waxaan leeyahay idinka (deegaankayga) iyo reer KULMIYE iyo inta u qanacsaday dabadeedba miyaanay idinku filayn inaad doorateen Madaxwayne Siilaanyo oo dalkii horumariyey, isagoo ahaa siyaasiyiintii taariikhda ku lahaa dalka, maantana mid la taaban karo ka qabtay\u2026\u201d<\/h2>\n<h2>Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu ka digay in siyaasiyiintu isku dayaan inay dafiraan waxqabadka iyo taariikhda siyaasiyiinta xilka qaranka uga horeysa \u201cAniga iyo siyaasiyiinta ila midka ah Mucaarad ha noqdo ama muxaafid ha noqdee, haddaad is tidhaahdo taariikhda saaxiibadaa Masax taada ayuun baa la masaxayaa, ma masixi kartid ee ha ku lugo\u2019ina ee dacalka qabso tareenka qaranku wada saaran yahay, meelna aynu uga soo wada jeedno isku duubnimada iyo horumarinta qaranka\u2026.\u201dayuu yidhi.<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka jawaabay dhawaaqyo ka soo yeedhay xisbiyada Mucaaradka ah, kaasi oo nuxurkiisu ahaa in haddii doorashada lagu qaban waayo wakhtiga loo asteeyay la kala diro xukuumadda iyo Golaha wakiilada isla-markaana la dhiso dawlad ku meel-gaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa. Wasiirka Madaxtooyada oo shalay ka hadlayey [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6857,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6853","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1Mx","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6853","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6853"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6853\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6853"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6853"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6853"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}