{"id":68449,"date":"2022-06-16T14:53:08","date_gmt":"2022-06-16T14:53:08","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=68449"},"modified":"2022-06-16T14:53:08","modified_gmt":"2022-06-16T14:53:08","slug":"xukuumadda-somaliland-oo-joojisay-mashaariicda-horumarineed-ee-odoroska-miisaanadda-sannadkan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/06\/16\/xukuumadda-somaliland-oo-joojisay-mashaariicda-horumarineed-ee-odoroska-miisaanadda-sannadkan\/","title":{"rendered":"Xukuumadda Somaliland oo Joojisay Mashaariicda Horumarineed ee Odoroska Miisaanadda Sannadkan"},"content":{"rendered":"<p>Fadhigii Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Oo Lagu Go\u2019aamiyey In La Joojiyo Mashaariicda Horumarineed Ee Ku Jira Odoroska Miisaaniyadda Sannadeedka 2022-ka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.<br \/>\nWar-saxaafadeedka oo lagu faahfaahiyey arrimo door ah oo lagaga hadlay fadhiga maanta, ayaa u qornaa Sidan:- \u201cFadhiga 93aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayey ka soo baxeen qodobo muhiim oo diirada lagu saaray arrimo kala duwan oo qaranka dan u ah. Sidoo kale Goluhu waxa uu warbiximo ka dhegeystay Wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Diinta iyo Awqaafta.<br \/>\nUgu horanna waxa golaha war-bixin la xidhiidha amniga qaranka la wadaagay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ku dheeraaday xaalada amni ee dalku inay tahay nabadgelyo ah. Sidoo kale goluhu waxa uu warbixin la xidhiidha arrimaha siyaasada dibeda ka dhegeysteen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud oo muddooyinkii u danbeeyey safaro kala duwan ku soo maray Dalalka Uk iyo France, isagoo wasiirku xusay in safaradaasi ku soo dhammaadeen guul qaranka u soo hooyatay.<br \/>\nWaxa kale oo goluhu warbixin la xidhiidha gubashadii Suuqa weyn ee Waaheen ka dhegeysteen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka iyo Taakulaynta Suuqa Waaheen, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo uu wehelinayey Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Muuse Ibraahin Yuusuf, waxaanu golaha la wadaagay halka uu marayo qorshaha dib-u-dhiska Suuqa waaheen iyo qorshaha dejinta suuqyada ku meel-gaadhka ah ee loo diyaariyey inay ku ganacsadaan dadkii uu saameeyey dabkii Waaheen, taas oo uu xusay in dejinta la bilaabi doono todobadka danbe.<br \/>\nDhinaca kale Goluhu waxa uu qodobbo ka soo saaray Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ay yeesheen Maanta oo Khamiisa taariikhduna ay tahay 16-June-2022-ka.<\/p>\n<p>1. Dood iyo falan-qayn dheer oo socotay ilaa shirkii kan ka horeeyey ka dib Goluhu waxa uu Qabyo-qoraalka Xeerka Madax-dhaqameedka dalka, ay fareen Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay dib u habayn ku soo samayso nuxurka uu Xambaarsan yahay Xeerkaasi, iyada oo Wasaaraddu ka duulaysa dooddii iyo talooyinkii Xubnaha Golaha Wasiirradu soo jeediyeen shirarkii u danbeeyey.<\/p>\n<p>2. Goluhu waxa uu ku dheeraaday xaaladda maceeshada iyo shidaalka ee qiimahoodu kor u sii kacayo marba marka ka danbaysa, kuwaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland ay kala mid tahay bulshada kale ee caalamka ku nool, isla markaana wadan waliba samaynayo isku tashi Qaran. Sidoo kalena ay xaaladdii abaartu wali dalka ka taagan tahay. Sidaa awgeed Goluhu waxa uu go\u2019aamiyey in la joojiso mashaariicda horumarinta ee ku jira odoroska Miisaaniyadda 2022-ka, si loo samayn karo gurmad degdeg ah haddii xaaladuhu sii adkaadaan.\u201d Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.<\/p>\n<p>Xoghayihii hore Afrika Ee Dawlada Maraykanka jANDAAYA fREESA Oo Ka Dhawaajisay Mar Xaladihii Uu Soo Maray Aqoonsiga Somaliland Iyo Dalalkii Afrika Tageersanaa iYO kUWII kASOO hORJJEDAYBA<\/p>\n<p>Safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Larry Andre ayaa sheegay in aysan A.lshabaab u suurtagali karin inay la wareegaan Soomaaliya, si lamid ah Taliban oo la wareegay Afgaanistan.<br \/>\nDanjire Larry Andre oo ka falcelinayay wareysi laga qaaday hoggaamiye ku xigeenka Alshabaab, Mahad Karate, oo sheegay inay rajeynayaan inay la wareegaan xukunka Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay aragti buunbuunin badan.<br \/>\nInkastoo danjiruhu uu sheegay Al-Shabaab ay saameyn ku yeelatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyaga oo u mara lacagaha canshuuraha ee ay ka qaadaan ganacsatada.<br \/>\nWuxuu sheegay in Soomaaliya ay leedahay saaxiibo amni oo ay kamid yihiin, Maraykanka, Turkiga, midowga Afrika iyo dalalka deriska, kuwaas oo uu sheegay inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka difaacaan khatar kasta oo kaga timaada Alshabab.<br \/>\nDanjiraha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inay Soomaaliya leedahay ciidamo awood uleh inay ka difaacaan Alshabaab, kuwaas oo xusay inay haddana fuliyaan howlgallo ka dhan ah Alshabaab.<\/p>\n<p>Ingiriiska oo laga joojiyay dad uu geyn rabay Rwanda<\/p>\n<p>Dawladda ingiriiska ayaa sheegtay in ay si taxadar leh u eegeyso eedeymaha xukun maxkamadeed oo lagu hakiyay duulimaadka kooxdii ugu horeysay ee magangalyo doon ah oo dawladda Ingiriisku gayn lahayd Rwanda habeenkii talaadada.<br \/>\nDiyaaradda oo la filayay in ay qaaddo ilaa iyo 7 ruux oo magan-galyo doon ahaa ayaa soo degtay kadib markii go\u2019aan ay soo saartay maxakamadda xuquuqda aadanaha ee Yurub uu caqabad sharci ku noqday London.<br \/>\nDawladdu waxay sheegtay in qorshahaan dadka lagu geynayo Rwanda uu yahay mid niyad jab ku ah kuwa dadka tahriibiya, laakiin dadka ka soo horjeeda waxay sheegeen in uu yahay mid lacag badan ku kacaya bani\u2019aadanimadana ka baxsan.<br \/>\nWasiirka arimaha gudaha ingiriiska Priti Patel ayaa sheegtay in kuwii laga reebay diyaaradda la saari doono duulimaadka xiga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Fadhigii Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Oo Lagu Go\u2019aamiyey In La Joojiyo Mashaariicda Horumarineed Ee Ku Jira Odoroska Miisaaniyadda Sannadeedka 2022-ka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland. War-saxaafadeedka oo lagu faahfaahiyey arrimo door ah oo lagaga hadlay fadhiga maanta, ayaa u qornaa Sidan:- \u201cFadhiga 93aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":68450,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-68449","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/288546489_580026066816968_5661431107507550496_n.jpg?fit=598%2C296&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hO1","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68449","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=68449"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68449\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":68451,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68449\/revisions\/68451"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/68450"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=68449"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=68449"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=68449"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}