{"id":68400,"date":"2022-06-11T12:21:11","date_gmt":"2022-06-11T12:21:11","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=68400"},"modified":"2022-06-11T12:21:11","modified_gmt":"2022-06-11T12:21:11","slug":"madaxweynaha-somaliland-oo-golaha-wakiilada-u-gudbiyey-xubnaha-loo-soo-xulay-komishanka-doorashooyinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/06\/11\/madaxweynaha-somaliland-oo-golaha-wakiilada-u-gudbiyey-xubnaha-loo-soo-xulay-komishanka-doorashooyinka\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Somaliland Oo Golaha Wakiilada U Gudbiyey Xubnaha Loo Soo Xulay  Komishanka Doorashooyinka"},"content":{"rendered":"<div class=\"kvgmc6g5 cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Hargeysa(Arabsiyonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ka duulaya dhaqaajinta iyo hirgelinta arrimaha doorashooyinka Qaranka Somaliland waxa uu maanta Golaha Wakiilada Somaliland u gudbiyey wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL\/XM\/GW\/081-875\/062022, kuna taariikhaysan 11\/06\/2022 oo ah Xubnaha Loo Soo Xulay Inay Noqdaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Cusub. Waxaanay u dhignayd sidan;-<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Ujeeddo: Soo-gudbinta Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee Cusub<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Sida aad la socoto, waxa is-wada casilay Xubnihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Sidaas darteed, waxa aan halkan ku soo gudbinayaa toddobada xubnood ee loo soo xulay in ay noqdaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee cusub, si waafaqsan Qodobka 15aad, Faqraddiisa 4aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91\/2020, xubnahaasi oo buuxiyey shuruudaha xubinnimada Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee ku qeexan Qodobka 14aad ee Xeer Lr. 91\/2020.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Sida ku cad Qodobka 13aad, Faqraddiisa 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91\/2020, waxa soo xulaya Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland (3 Xubnood), Golaha Guurtida (2 Xubnood), Axsaabta Siyaasadda ee diiwaan-gashan &#8211; Xisbiga WADDANI iyo Xisbiga UCID (2 Xubnood).<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Haddaba, waxaan halkan kugu soo gudbinayaa xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin ee loo soo xulay Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee cusub:<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">1. Muuse Xasan Yuusuf Madaxweynaha JSL.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">2. Axmed Cismaan Xasan Madaxweynaha JSL.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">3. Xuseen Cabdi Cali Madaxweynaha JSL.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">4. Axmed Yuusuf Maxamed Golaha Guurtida.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">5. Faadumo Ismaaciil Cabdi Golaha Guurtida.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">6. Cabdicasiis Xirsi Warsame Xisbiga WADDANI.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">7. Ibraahim Aadan Cali Xisbiga UCID.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Waxaan rajaynayaa in aad ka gudan doontaan waajibaadkiina dastuuriga ah.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">ALLAA MAHAD LEH<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Muuse Biixi Cabdi<\/div>\n<div dir=\"auto\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ka duulaya dhaqaajinta iyo hirgelinta arrimaha doorashooyinka Qaranka Somaliland waxa uu maanta Golaha Wakiilada Somaliland u gudbiyey wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL\/XM\/GW\/081-875\/062022, kuna taariikhaysan 11\/06\/2022 oo ah Xubnaha Loo Soo Xulay Inay Noqdaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Cusub. Waxaanay u dhignayd sidan;- Ujeeddo: Soo-gudbinta Xubnaha Komishanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":68401,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-68400","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/287133345_576622307157344_2538674513148845383_n.jpg?fit=2048%2C1349&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hNe","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68400","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=68400"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68400\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":68402,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68400\/revisions\/68402"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/68401"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=68400"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=68400"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=68400"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}