{"id":68381,"date":"2022-06-09T20:40:47","date_gmt":"2022-06-09T20:40:47","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=68381"},"modified":"2022-06-09T20:40:47","modified_gmt":"2022-06-09T20:40:47","slug":"war-bixin-siduu-u-dhacay-mudaharaadkii-mucaaradka-ee-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/06\/09\/war-bixin-siduu-u-dhacay-mudaharaadkii-mucaaradka-ee-somaliland\/","title":{"rendered":"War-bixin: Siduu u dhacay Mudaharaadkii Mucaaradka ee Somaliland"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews):-Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa ka dhacay Mudaharaad Rabshado watay, kaasi oo ay dhigeen Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID.<\/p>\n<p>Mudaharaadkan oo ay hor-kacayeen Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubno kale oo ka mid ah hoggaanka Xisbigaas, ayaa waxay dadkii dhigayey isku dhaceen Ciidammada Booliska oo toddobaadkii u dambeeyay heegan ugu jiray inay ka hor-tagaan.<\/p>\n<p>Ciidammada Booliska ayaa rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmaysiisa u adeegsaday Mudaharaadeyaasha oo doonayey inay u gudbaan Xaafadda Shacabka ee Hargeysa ee ay ku yaallaan xarumaha Dawladda, waxayna xidheen Xubno ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, kuwaasi ka qayb-qaadanayey Mudaharaadka.<\/p>\n<p>Mudaharaadkan Rabshadaha watay oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen illaa 3 xubnood oo WADDANI ka mid ah, ayaa dadweynaha dhigayey waxay ku dalbanayeen in Madaxweynuhu uu doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda ku qabto isla-markaana doorashada ururrada siyaasadda dib loo dhigo.<\/p>\n<p>Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-cirro iyo Guddoomiyaha xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Warbaahinta wada-jir ula hadlay, ayaa cambaareeyay in Boolisku uu rasaas u adeegsaday Mudaharaadeyaasha, waxayna ku dhawaaqeen In mudaharaadku sii socon doono illaa Sabtida Toddobaadka dambe, waxaana hadalladoodii ka mid ah&#8230;.&#8221;<\/p>\n<p>Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed oo iyaguna Mudaharaadka ka Dib Shir-jaraa&#8217;id qabtay, ayaa cambaareeyay Mudaharaadka ay sameeyeen Taageerayaasha Xisbiyada WADDANI iyo UCID, waxayna ku baaqeen wada-hadallo lagu dhameeyo khilaafka doorashada ka taagan..<\/p>\n<p>Wasiir Kaahin oo hadalka ku horreeyay ayaa yidhi&#8230;.&#8221;<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Dibed-baxan oo saamayn ku yeelan kara amniga guud ee Somaliland, illaa haddana aan la ogayn muddada uu sii soconayo, ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka ah ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame, waxaanu Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ugu baaqay in Talada dhulka la dhigo oo si deg-deg ah la iskugu yimaaddo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews):-Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa ka dhacay Mudaharaad Rabshado watay, kaasi oo ay dhigeen Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID. Mudaharaadkan oo ay hor-kacayeen Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubno kale oo ka mid ah hoggaanka Xisbigaas, ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":68383,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-68381","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/maxresdefault-16.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hMV","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68381","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=68381"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68381\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":68382,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68381\/revisions\/68382"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/68383"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=68381"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=68381"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=68381"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}