{"id":68366,"date":"2022-06-08T15:10:38","date_gmt":"2022-06-08T15:10:38","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=68366"},"modified":"2022-06-08T15:10:38","modified_gmt":"2022-06-08T15:10:38","slug":"guddiga-diiwaangelinta-ururrada-siyaasadda-oo-hoggaan-cusub-doortay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/06\/08\/guddiga-diiwaangelinta-ururrada-siyaasadda-oo-hoggaan-cusub-doortay\/","title":{"rendered":"Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Oo Hoggaan Cusub Doortay"},"content":{"rendered":"<p>Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ee Somaliland, ayaa maanta doortay hoggaanka sare ee guddigaas, kaddib markii maanta la dhaariyey saddex xubnood oo toddobaadkan ay ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland.<br \/>\nGuddiga oo maanta yeeshay fadhigoodii u horreeyey, waxa ay iska dhex-doorteen guddoomiyaha, guddoomiye ku-xigeenka, Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddiga oo ay isla maantaba ansixiyeen.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ayaa loo doortay Siciid Maxamed Cilmi Siraadle, guddoomiye ku-xigeenka guddigana waxa loo doortay Maxamuud Ismaaciil Xasan Bade, Xoghayaha Guddiga loo doortay Aadan Geeddi Qayaad halka Afhayeenka Guddiga loo doortay Mukhtaar Cabdi Jaamac.<\/p>\n<p>Toddobada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda, ayaa si rasmi ah maanta u dhammeystirmay, kaddib markii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Arbacada maanta uu madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey saddex xubnood oo ka hadhsanaa toddobada xubnood ee Guddiga diiwaangelinta ururrada iyo ansixinta Axsaabta Siyaasadda, kuwaas oo Isniintii toddobaadkan helay kalsoonida xildhibaannada golaha Wakiillada oo hore u diiday inay ansixiyaan saddexdan, kaddib markii dabayaaqadii bishii hore Golaha Wakiillada la horgeeyey toddobada xubnood. Haseyeeshee, Afar xubnood oo ka mid ah ayaa xilligaas ku guulaystay kalsoonida codadka mudaneyaasha Golaha Wakiillada.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Madaxweynaha Qaranka hortiisa ku dhaariyey saddexda xubnood, waxaanu Guddoomiyuhu xubnaha mid mid gacanta ugu saaray kitaabka Qur\u2019aanka kariimka ah, isla markaana ku dhaariyey inay si caddaalad iyo dhexdhexaad ah howsha Qaran ee loo igmaday u gudan doonaan.<br \/>\nSaddexda xubnood ee maanta la dhaariyey, ayaa kala ah Siciid Maxamed Cilmi, Mukhtaar Cabdi Jaamac iyo Maxamuud Axmed Obsiiye, waxa hadallo dar-daaran ah u jeediyey madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Eebbe uga baryey inuu hawshooda u fududeeyo, waxana uu kula dardaarmay inay degdeg ugudo galaan shaqada ballaadhan ee sugaysa.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ee Somaliland, ayaa maanta doortay hoggaanka sare ee guddigaas, kaddib markii maanta la dhaariyey saddex xubnood oo toddobaadkan ay ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland. Guddiga oo maanta yeeshay fadhigoodii u horreeyey, waxa ay iska dhex-doorteen guddoomiyaha, guddoomiye ku-xigeenka, Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddiga oo ay isla maantaba ansixiyeen. Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":68367,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-68366","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/Snapshot_610.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hMG","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68366","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=68366"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68366\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":68368,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68366\/revisions\/68368"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/68367"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=68366"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=68366"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=68366"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}