{"id":68350,"date":"2022-06-07T15:46:26","date_gmt":"2022-06-07T15:46:26","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=68350"},"modified":"2022-06-07T15:46:26","modified_gmt":"2022-06-07T15:46:26","slug":"taiwan-waa-albaabka-aqoonsiga-somaliland-safiirka-taiwan-u-jooga-hargeysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/06\/07\/taiwan-waa-albaabka-aqoonsiga-somaliland-safiirka-taiwan-u-jooga-hargeysa\/","title":{"rendered":"&#8220;Taiwan waa albaabka aqoonsiga Somaliland..&#8221; Safiirka Taiwan U jooga Hargeysa."},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Warbaahinta laga leeyahay dalka Maraykanka ee ABC, ayaa War-bixin ka qoray waxyaabaha kelifay in Dawladda Taiwan xidhiidh diblumaasiyadeed la samaysato Somaliland.<\/p>\n<p>ABC oo Waraysiyo la yeeshay Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland Allen C Lou iyo Xubno kale oo ka mid ah Laamaha Dawladda Somaliland, ayaa sheegay in Taiwan ay Somaliland xidhiidh la samaysatay ka dib markii ay guul-darro siyaasadeed kala kulantay Dalal ay hore xidhiidh ula lahayd, kuwaasi oo intay xidhiidhka u jareen xidhiidh saaxiibtinimo la yeeshay Shiinaha oo ka soo horjeeda Madax-banaanida Taiwan.<\/p>\n<p>Intii uu socday Waraysiga lala yeeshay Safiirka Taiwan u fadhiya Hargeysa, ayaa la waydiiyey tirada dadka reer Taiwan ee ku sugan Somaliland, waxaanu ku jawaabay &#8220;Taasi waa sir\u201d ayuu yidhi Allen C Lou oo la weydiiyay tirada shaqaalaha Taiwan ee ku sugan Hargeysa oo ah caasimadda Somaliland ee Geeska Afrika.<\/p>\n<p>ABC wuxuu War-bixintiisa ku sheegay inay Taiwan ka go&#8217;an tahay in ay aqoonsato dawladnimada dhabta ah ee Somaliland.<\/p>\n<p>isbahaysiga Taipei ee dawladdan aan la aqoonsan ee Somaliland ayaa si joogto ah u soo dhismayey ilaa bishii Ogosto 2020.<\/p>\n<p>ABC wuxuu ka warramay halka uu ka soo bilaabmay go&#8217;aanka Taiwan ay xidhiidhka kula yeelatay Somaliland &#8220;Go&#8217;aanka ah in Allen C Lou noqdo wakiilkeeda Somaliland, ayaa daba socday bilo dib-u-dhacyo diblomaasiyadeed oo Taiwan kala kulantay\u00a0 xulafadeedii hore, sida Solomon Islands iyo Kiribati, kuwaasi oo bilaabay inay ka tagaan oo ay door bidaan Shiinaha. Taasi Waxay xilligaa dhirbaaxo xun ku noqotay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-Wen iyo wasiirkeeda arrimaha dibadda Dr Joseph Wu. Waxaanu Wasiirka arrimaha dibeddu xilligaa soo bandhigay inuu iscasilo isaga oo aqoonsan guul-darrooyinkan diblomaasiyadeed ee aadka u xun. Laakiin taa beddelkeeda, Madaxweyne Tsai wuxuu ku amray Wu inuu helo hal abuur. Wuuna ka yeelay, sidaa darteed Allen C. Lou oo ah Wakiilka Taiwan ee Somaliland waxaa loo arkaa inuu yahay nin udub dhexaad u ah diblomaasiyadda Taiwan &#8220;Ku boorinta Wu ee shaqadiisu waa inuu Taipei ka caawiyo sidii ay u heli lahayd waa cusub oo dublamaasiyadda Taiwan ee Afrika ah &#8220;Wasiirka Arrimaha dibedda Taiwan Dr. Wu, wuxuu igu amray inaan halkan u imaado si aan xidhiidh ula yeesho Somaliland,&#8221; ayuu yidhi Allen C. Lou.<\/p>\n<p>War-bixinta ABC ayaa lagu sheegay in Taiwan ay aaminsan tahay inay noqon karto jidka Aqoonsiga Somaliland.<\/p>\n<p>Ambassador Allen wuxuu sheegay in Taiwan ay Somaliland ka caawin karto inay rumowdo riyadeeda ugu fog ee aqoonsiga &#8220;Taiwan waa albaabka aqoonsiga Somaliland,&#8221; ayuu yidhi Safiirka Taiwan u jooga Hargeysa..<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Warbaahinta laga leeyahay dalka Maraykanka ee ABC, ayaa War-bixin ka qoray waxyaabaha kelifay in Dawladda Taiwan xidhiidh diblumaasiyadeed la samaysato Somaliland. ABC oo Waraysiyo la yeeshay Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland Allen C Lou iyo Xubno kale oo ka mid ah Laamaha Dawladda Somaliland, ayaa sheegay in Taiwan ay Somaliland xidhiidh la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":68351,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-68350","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/Snapshot_581.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hMq","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68350","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=68350"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68350\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":68352,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68350\/revisions\/68352"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/68351"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=68350"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=68350"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=68350"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}