{"id":68294,"date":"2022-06-02T22:09:52","date_gmt":"2022-06-02T22:09:52","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=68294"},"modified":"2022-06-02T22:09:52","modified_gmt":"2022-06-02T22:09:52","slug":"dawladda-itoobiya-oo-soo-celisay-damaceeda-badda-cas-ee-somaliland-kulaalayso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/06\/02\/dawladda-itoobiya-oo-soo-celisay-damaceeda-badda-cas-ee-somaliland-kulaalayso\/","title":{"rendered":"Dawladda Itoobiya Oo Soo Celisay Damaceeda Badda Cas Ee Somaliland Kulaalayso"},"content":{"rendered":"<p>Addis Ababa (Arabsiyonews) &#8211; Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa mar kale ku celisay in ay kaalin mug leh ka qaadanayso Hindisaha Badda Cas ee lagula dagaallamayo budhcad-badeedda gobolka Bariga Afrika.<\/p>\n<p>Taliyaha Ciidammada Booliska ee Dawladda dhexe ee Itoobiya General Demelash Gebremichael ayaa ka qayb galay shir ay soo qaban qaabisay INTRPOL oo lagu qiimaynayay hirgalinta Hindisaha Badda Cas, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee Fanna.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiinta Hay\u2019adda Hindise-sharciyeedka Badda Cas ayaa warbixin ka siiyay General Demelash howlaha ay wadaan Dawladaha ku midaysan mashruucan.<\/p>\n<p>General Demelash, ayaa dhankiisa bogaadiyay doorka Hindisaha Badda Cas ee horumarinta iskaashiga iyo ka hortagga budhcad-badeedda badda ee gobolka Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in Itoobiya ay aad ugu dadaalayso sidii ay wax uga qaban lahayd ka ganacsiga hubka sharci-darrada ah, isagoo intaa ku daray in Itoobiya ay sanadka 2023-ka la wareegi doonto xilka guddoomiyaha ururka iskaashiga booliska bariga Afrika ee Magaciisa loo soo gaabiyo (EAPCCO), waxaanu ballan-qaaday inay ka go\u2019an tahay inay Itoobiya ahaan hormuud ka noqdaan la dagaallanka budhcad-badeedda badda ee gobolka.<\/p>\n<p>Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaan illaa hadda ka mid ahayn Dawladaha ku midaysan Ilaalinta amniga badda cas, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Masar, Jabuuti, Sucuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p>Laakiin, Itoobiya oo ka mid ah Dalalka aan badda lahayn ee ku yaalla Gobolka Geeska Afrika, ayaa dedaal ugu jirta sidii ay uga mid noqon lahayd Dawladaha ku midaysan ilaalinta amniga Badda Cas, maaddaama oo baddaas tahay marinka ugu muhiimsan ee ay maraan Maraakiibta alaabooyinka Qaada ee iskaga kala gudba dalalka dunida.<\/p>\n<p>Badda Cas ee Dawladahani u midoobeen sugidda amnigeeda, ayaa in ka badan 800KM oo ka mid ah waxa maamusha Somaliland, laakiin illaa hadda kama mid ah Dawladahan u midoobay sugidda amnigeeda, taasna waxa loo aanaynayaa inaan weli la aqoonsan Madax-banaanideeda.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo hore arrintan uga hadlay, ayaa sheegay inaan Cidna Somaliland arrimaha baddeeda soo faro-gelin karin.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Addis Ababa (Arabsiyonews) &#8211; Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa mar kale ku celisay in ay kaalin mug leh ka qaadanayso Hindisaha Badda Cas ee lagula dagaallamayo budhcad-badeedda gobolka Bariga Afrika. Taliyaha Ciidammada Booliska ee Dawladda dhexe ee Itoobiya General Demelash Gebremichael ayaa ka qayb galay shir ay soo qaban qaabisay INTRPOL oo lagu qiimaynayay hirgalinta Hindisaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":68296,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-68294","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/maxresdefault-7.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hLw","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68294","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=68294"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68294\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":68297,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68294\/revisions\/68297"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/68296"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=68294"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=68294"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=68294"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}