{"id":68248,"date":"2022-05-31T18:40:30","date_gmt":"2022-05-31T18:40:30","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=68248"},"modified":"2022-05-31T18:40:30","modified_gmt":"2022-05-31T18:40:30","slug":"xidhiidhka-somaliland-iyo-maraykanku-wuxuu-marayaa-marxaladdii-ugu-dambeeyay-safiirka-somaliland-ee-maraykanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/05\/31\/xidhiidhka-somaliland-iyo-maraykanku-wuxuu-marayaa-marxaladdii-ugu-dambeeyay-safiirka-somaliland-ee-maraykanka\/","title":{"rendered":"&#8220;Xidhiidhka Somaliland Iyo Maraykanku Wuxuu Marayaa Marxaladdii Ugu Dambeeyay..&#8221; Safiirka Somaliland Ee Maraykanka"},"content":{"rendered":"<p>Washington (Arabsiyonews) &#8211; Magaalada Washington DC ee Caasimadda dalka Maraykanka, waxa lagu qabtay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusay 31 Guurada ka soo wareegtay markii Somaliland Madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya.<\/p>\n<p>Munaasibadda waxa ka qayb-galay Jaaliyadda Somaliland ee ku nool Gobollada dalka Maraykanka iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Bashiir Sheekh Cumar Good.<\/p>\n<p>Wakiilka Somaliland u fadhiya Magaalada Washington DC Mudane Bashiir Sheekh Cumar Good oo khudbad dheer ka jeediyey Munaasibadda, ayaa si qoto dheer uga warramay Marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay, si gaar ahna wuxuu uga warramay horumarka dhinaca diblumaasiyadda ee Somaliland samaysay, Saaxiibbada ay ku yeelatay Dawladaha waaweyn ee Dunida, sida Maraykanka.<\/p>\n<p>Ambassador Bashiir Sheekh Cumar Good wuxuu sheegay in xidhiidhka Saaxiibtinimo ee Somaliland iyo Maraykanku meel sare gaadhay sanadihii u dambeeyay, xilligana xidhiidhku ka soo gudbay Saaxiibtinimo keliya, balse uu marayo in Maraykanku uu garab galo isla-makaana uu wax la qabsado Somaliland.<\/p>\n<p>&#8220;Somaliland, Maanta saaxiibbo badan bay ku leedahay Maraykanka gudihiisa, sida Congress-ka, Senate-ka iyo Warbaahinta. Imika saaxiibtinimadii waxay u gudubtay inuu Saaxiibku ku taageero oo uu ku garab-galo, taana waxa Markhaatiga ugu weyn ah Safarkii uu Madaxweynuhu halkan Maraykanka ku yimid..&#8221; ayuu yidhi Wakiilka Somaliland ee Maraykanka Bashiir Good.<\/p>\n<p>Safiirku waxa kale oo uu sheegay &#8220;Saaxiibtinimada Maraykanka iyo Somaliland waxay maraysaa marxaladdii ugu dambaysay, taasi oo ah Maraykanka iyo Somaliland ay yeeshaan iskaashi dhinaca Milletariga ah, waxaana arrintaa soo jeediyey Xildhibaannada Golaha Congress-ka, xeerkaa arrintaa ku saabsanaana wuu socdaa..&#8221;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Washington (Arabsiyonews) &#8211; Magaalada Washington DC ee Caasimadda dalka Maraykanka, waxa lagu qabtay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusay 31 Guurada ka soo wareegtay markii Somaliland Madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya. Munaasibadda waxa ka qayb-galay Jaaliyadda Somaliland ee ku nool Gobollada dalka Maraykanka iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Bashiir Sheekh Cumar Good. Wakiilka Somaliland u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":68249,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-68248","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/Snapshot_514.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hKM","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68248","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=68248"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68248\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":68251,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68248\/revisions\/68251"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/68249"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=68248"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=68248"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=68248"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}