{"id":68161,"date":"2022-05-24T17:42:16","date_gmt":"2022-05-24T17:42:16","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=68161"},"modified":"2022-05-24T17:42:16","modified_gmt":"2022-05-24T17:42:16","slug":"maraykanka-oo-socdaalkii-somaliland-ay-ku-tageen-saraakiisha-milatariy","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/05\/24\/maraykanka-oo-socdaalkii-somaliland-ay-ku-tageen-saraakiisha-milatariy\/","title":{"rendered":"Maraykanka Oo  Socdaalkii Somaliland Ay Ku Tageen Saraakiisha Milatariy"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Harooyinka waaweyn ee Afrika Dr. J. Peter Pham, ayaa ka hadlay socdaal ay dhawaan Somaliland ku yimaaddeen Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee Afrika iyo Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ambassador J. Peter Pham oo si aad ah wax uga qora Arrimaha Somaliland iyo xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay Adduunka intiisa kale la samayso, ayaa sheegay Inay wax wanaagsan tahay in la arko Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee Africom iyo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanu soo jeediyey in xidhiidhka wada-shaqayneed ee Maraykanku la yeelanayo Somaliland uu joogto noqdo.<\/p>\n<p>Dr. J. Peter Pham oo qoraal ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, ayaa yidhi &#8220;Waa wax Wanagsan in la arko Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee Afrika General Stephen Townsend &amp;\u00a0 Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka Ambassador Larry Andr\u00e9 ay la kulmeen Madaxweyne Muuse Biixi. Waa in si joogta ah uu Maraykanku wada shaqayn heersare ah ula yeesho Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ku naaloonaya sharcinimada dimuqraadiga ah, doorashada tooska ah, waa in ay noqotaa wax caadi ah xidhiidhkaasi..&#8221;<\/p>\n<p>Socdaalka ay Somaliland ku yimaaddeen Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee Africom iyo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa ku soo beegmay xilli aad loo hadal-hayo in Maraykanku uu saldhig Ciidan ka samaysanayo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera isla-markaana uu soo wareejinayo Saldhiggiisa Jabuuti.<br \/>\nSarkaalka ugu sareeya hawl-galka Africom ee Maraykanka iyo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa intii ay ku sugnaayeen Somaliland waxay kormeer ku tageen Garoonka diyaaradaha iyo Dekedda Berbera oo dib u cusboonaysiin lagu sameeyay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Harooyinka waaweyn ee Afrika Dr. J. Peter Pham, ayaa ka hadlay socdaal ay dhawaan Somaliland ku yimaaddeen Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee Afrika iyo Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya. Ambassador J. Peter Pham oo si aad ah wax uga qora Arrimaha Somaliland iyo xidhiidhka diblumaasiyadeed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":68162,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-68161","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/Snapshot_413.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hJn","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68161","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=68161"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68161\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":68163,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68161\/revisions\/68163"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/68162"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=68161"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=68161"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=68161"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}