{"id":68143,"date":"2022-05-23T18:20:00","date_gmt":"2022-05-23T18:20:00","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=68143"},"modified":"2022-05-23T18:20:00","modified_gmt":"2022-05-23T18:20:00","slug":"madaxweynaha-maraykanka-oo-si-cad-u-sheegay-inay-awood-milatari-ku-difaacayaan-taiwan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/05\/23\/madaxweynaha-maraykanka-oo-si-cad-u-sheegay-inay-awood-milatari-ku-difaacayaan-taiwan\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Maraykanka oo Si Cad u sheegay inay Awood Milatari ku Difaacayaan Taiwan"},"content":{"rendered":"<p>Tokyo:-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu awood Milatari ku difaacayo Dalka Taiwan haddii Duullaan Milatari kaga yimaaddo Dalweynaha Shiinaha.<br \/>\nHadalka Biden ka soo yeedhay oo gebi ahaanba baal-marsan siyaasadda Maraykanka ee ku wejahan xidhiidhka Shiinaha, waxa markiiba xaraaraddiisa dejiyey afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka oo sheegay inaanay waxba iska beddelin siyaasadda Washington.<br \/>\nWaa Markii saddexaad muddo dhowr bilood ah ee madaxweynaha Maraykanku si cad u sheego in Maraykanku tallaabo milatari qaadayo haddii Shiinuhu Awood ku muquuniyo Taiwan, waxaana saddexda jeerba ka daba-hadley Aqalka Cad oo sheegay inaanay waxba iska beddelin Siyaasadda Maraykanka ee ku wejahan midnimada Shiinaha oo aamisan in Taiwan qayb ka tahay dhulweynaha Shiinaha.<br \/>\nMadaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Ra\u2019iisal-wasaaraha Japan oo si wada-jir ah shir-jaraa\u2019id ugu qabtay magaalada Tokyo, ayaa su\u2019aal laga weydiiyey haddii Maraykanku tallaabo Milatari qaadayo haddii Shiinuhu weerar ku qaado Taiwan.<br \/>\nMid ka mid ah suxufiyiinta ayaa madaxweynaha Maraykanka weydiiyey su\u2019aal u dhignayd:- \u201cDagaalka ka soo socda Ukraine waxaad go\u2019aansateen inaydaan farogelin milatari ku yeelan sababo badan oo muuqda awgeed. Ma idiin qorsheysan tahay inaad tallaabo Milatari qaataan oo difaacdaan Taiwan haddii ay tanoo kale dhacdo?\u201d<br \/>\nWaxaanu Mr Biden ku jawaabay, \u201cHaa, Taasi waa ballan-qaadkii aanu galnay. Waanu aaminsanahay Siyaasadda midnimada Dalweynaha Shiinaha oo aanu saxeexnay, laakiin waxaanu yeelayno maaha fekerka odhanaya xoog hala isku muquuniyo,\u201d Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo tan iyo markii la doortay booqashadii u horeysay ku tagay qaaradda Eeshiya.<br \/>\nDalweynaha Shiinaha ayaa inta badan sheegta in jasiiradda Taiwan qayb ka tahay dalweynaha Shiinaha, in kasta oo Taiwan leedahay dowlad iyo calan madax-bannaan isla markaana aqoonsi ka haysta waddamo tiro badan oo Somaliland ka mid tahay.<br \/>\nMaraykanka ayaa taageero milatari oo dhinacyo kala duwan u fidiya Taiwan oo dadka ku nool lagu qiyaaso 23 Milyan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tokyo:-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu awood Milatari ku difaacayo Dalka Taiwan haddii Duullaan Milatari kaga yimaaddo Dalweynaha Shiinaha. Hadalka Biden ka soo yeedhay oo gebi ahaanba baal-marsan siyaasadda Maraykanka ee ku wejahan xidhiidhka Shiinaha, waxa markiiba xaraaraddiisa dejiyey afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka oo sheegay inaanay waxba iska [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":68144,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-68143","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/biden-1.webp?fit=696%2C392&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hJ5","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68143","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=68143"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68143\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":68146,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68143\/revisions\/68146"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/68144"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=68143"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=68143"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=68143"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}