{"id":68074,"date":"2022-05-19T20:26:02","date_gmt":"2022-05-19T20:26:02","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=68074"},"modified":"2022-05-19T20:33:24","modified_gmt":"2022-05-19T20:33:24","slug":"xisbiyada-qaranka-waa-ixtiraamaynaa-waa-soo-dhawaynaa-waxkasta-oo-wax-lagu-wanaajinayomadaxweynaha-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/05\/19\/xisbiyada-qaranka-waa-ixtiraamaynaa-waa-soo-dhawaynaa-waxkasta-oo-wax-lagu-wanaajinayomadaxweynaha-somaliland\/","title":{"rendered":"\u201cXisbiyada qaranka waa ixtiraamaynaa, waa soo dhawaynaa waxkasta oo wax lagu wanaajinayo\u201dMadaxweynaha Somaliland."},"content":{"rendered":"<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Hargeysa &#8211; (Arabsiyonews):=Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay munaasibad lagu xusayay 18 May, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu soo afjaro khilaafka kala fogeeyay xukuumaddiisa iyo mucaaradka.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweyne Muuse Biixi oo ka jawaabayay soo jeedin uga timid guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaalif Axmed, oo madaxweynaha kula taliyay in uu u guntado xalinta khilaafaadka, iyo sixida waxa qaldan, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu sameeyo si kasta oo wax ku hagaagayaan.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Waxaanu yidhi.&#8221;Qaranku wixii uu ku wanaagsanaanayo oo dhan ayaan ka shaqaynayaa, talada qofkii ii baahaniba wuu i helayaa, xisbiyada qarankana waa ixtiraamaynaa, walaalayaalow shaydaanka iska naara ayaanu leenahay, waa soo dhawaynaa waxkasta oo wax lagu wanaajinayo&#8221;<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Khilaafka u dhexeeya xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka ah, oo salka ku haya furista urrurada siyaasada oo mucaaradku aanay ku niyad samayn, ayaa keenay in mucaaradka iyo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ay kala fogaadaan.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Muddo warbaahinta hadalo xanafleh laysku marinayay kadib, madaxweynaha Somaliland ayaa 16 bishan May axsaabta mucaaradka u fidiyay gogol, kadib dhex dhexaadin ay sameeyeen qaar kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, waxaana loo balamay in shirar lagu xalinayo khilaafaadka la yeesho 18 May kadib.<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Arabsiyonews.com<\/div>\n<div dir=\"auto\">Hargeysa Office<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa &#8211; (Arabsiyonews):=Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay munaasibad lagu xusayay 18 May, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu soo afjaro khilaafka kala fogeeyay xukuumaddiisa iyo mucaaradka. Madaxweyne Muuse Biixi oo ka jawaabayay soo jeedin uga timid guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaalif Axmed, oo madaxweynaha kula taliyay in uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":68075,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-68074","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/282215964_338649751742134_7638152198136802705_n-1.jpg?fit=571%2C400&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hHY","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68074","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=68074"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68074\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":68076,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/68074\/revisions\/68076"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/68075"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=68074"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=68074"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=68074"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}