{"id":67981,"date":"2022-05-16T17:27:29","date_gmt":"2022-05-16T17:27:29","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67981"},"modified":"2022-05-16T17:27:51","modified_gmt":"2022-05-16T17:27:51","slug":"raiisul-wasaaraha-itoobiya-iyo-hoggaamiyaha-tplf-oo-hambalyo-u-diray-madaxweynaha-cusub-ee-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/05\/16\/raiisul-wasaaraha-itoobiya-iyo-hoggaamiyaha-tplf-oo-hambalyo-u-diray-madaxweynaha-cusub-ee-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Ra&#8217;iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Hoggaamiyaha TPLF oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya,"},"content":{"rendered":"<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\"><b>Ra&#8217;iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Hoggaamiyaha TPLF ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.<\/b><\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Hambalyada guusha ee labada dhinac ayaa ku soo beegmeysa xilli ay dowladda Itoobiya ciidamadeeda heegan gelisay kaddib markai ay fallaagada TPLF sheegtay iney dagaal kale u diyaar garoobeen dhawaanna ay soo qaadayaan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Abiy Axmed oo bartiisa Twitter-ka farriin hambalyo ah u soo mariyey Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud ayaa sheegay in uu si dhaw ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub, ayna iska kaashan doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo danaha gobolka.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Xasan Sheekh ayaa doorashada madaxweynanimada ee xalay ka dhacday xerada Afisiyoone ee magaalada Muqdisho ka helay 214 cod halka Farmaajona uu helay 110 cod.<\/p>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xiriir dhow la lahaa Ra&#8217;iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa cod aqlabbiyad ah doorashada looga guuleystay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Waxaa codeysay 327 xildhiban ee labada aqal ee baarlamaanka. Doorashadaasi oo ay u tartameen in ka badan 30 murashax oo ku haray wareeggii koowad iyo labaad ee codbixinta ayaa ahayd mid aad u adag.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Arabsiyonews.com<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra&#8217;iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Hoggaamiyaha TPLF ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Hambalyada guusha ee labada dhinac ayaa ku soo beegmeysa xilli ay dowladda Itoobiya ciidamadeeda heegan gelisay kaddib markai ay fallaagada TPLF sheegtay iney dagaal kale u diyaar garoobeen dhawaanna ay soo qaadayaan. Abiy Axmed oo bartiisa Twitter-ka farriin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67982,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67981","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/118193596_3fb41ebd-419b-4792-b380-e170a8b40cfc.jpg.webp?fit=800%2C450&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hGt","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67981","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67981"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67981\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67983,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67981\/revisions\/67983"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67982"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67981"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67981"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67981"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}