{"id":67930,"date":"2022-05-13T18:38:02","date_gmt":"2022-05-13T18:38:02","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67930"},"modified":"2022-05-13T18:38:02","modified_gmt":"2022-05-13T18:38:02","slug":"madaxweynihii-imaaraadka-carabta-sheekh-khalifa-oo-geeriyooday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/05\/13\/madaxweynihii-imaaraadka-carabta-sheekh-khalifa-oo-geeriyooday\/","title":{"rendered":"Madaxweynihii Imaaraadka Carabta Sheekh Khalifa oo Geeriyooday"},"content":{"rendered":"<p>Dubai:=Madaxweynihii waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta,\u00a0ayaa maanta geeriyooday isagoo da\u2019diisu tahay 73-jir.<br \/>\nSheekh Khalifa ayaa xilka madaxweynaha dalkaas hayay ilaa sannadkii 2004-tii, haseyeeshee waxa uu saaxadda siyaasadda ka maqnaa ilaa 2014-kii xilligaas oo uu ku dhacay xannuunka Faaligga.<br \/>\nSheekh Khalifa ayaa sidoo kale ahaa Maamulaha imaaradda Abu-dhabi oo ka mid ah toddobada Imaaradood ee uu ka kooban yahay Dalka UAE.<br \/>\nHawsha Maamulka talada dalka waxa si ku-meel-gaadh ah gacanta ugu haya Marxuumka walaalkii oo Amiirka iska leh dhaxal-tooyada Imaaradda Abu Dhabi isla markaana ah ku-xigeenka taliyaha Guud ee Ciidamada Milatariga dalka Imaaraadka Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan.<br \/>\nQoyska uu marxuumku ka dhashay oo lagu tilmaamo maal-qabeennada ugu lacagta badan caalamka, ayaa la sheegaa inay haystaan adduun lacageed oo gaadhaya $150bn.<br \/>\nWasaaradda Madaxtooyada ee dalka Imaaraadka, ayaa daboolka ka qaadday 40 maalmood oo baroor-diiq, iyadoo shaqooyinka la fasaxay muddo 3 maalmood ah.<br \/>\nSheekh Khalifa ayaa noqday madaxweynihiii labaad ee dalka Imaaraadka sannadkii 2004-tii, isagoo xilka kala wareegay Aabihii oo ahaa hoggaamiyihii 15aad ee ay yeelato imaaradda Abu Dhabi.<br \/>\nTobankii sanno ee u horreeyey hoggaamintiisa, waxa uu isbeddel ballaadhan ku sameeyey maamulka iyo nidaamka hay\u2019adaha federaalka iyo kuwa imaaradda Abu Dhabi. Haseyeeshee, markii uu faaliggu ku dhacay sannadkii 2004-kii, lama arki jirin in kasta oo uu soo saari jiray digrootin maamul.<br \/>\nMadaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo geerida marxuumka ka hadlay, ayaa ku tilmaamay siyaasi ruug-cadda ahaa oo ka baxay dunida gaar ahaan dalalka Carabta, waxaanu tacsi u diray shacabka iyo dowladda Imaaraadka Carabta.<br \/>\n\u201cMuddadii uu xilka hayey wuxuu door laxaad leh ka qaatay dhismaha iyo horumarka dalkiisa, Somaliland waxay ku xasuusan doontaa xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee hore uga dhaxayn jiray labada dal iyo labada shacbi ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo intii uu talada hayey dib loo ambo qaaday, kana dhasheen horumarada ka socda dalka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu gacanta ku hayo,\u201d sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.<br \/>\nMadaxweyaha Maraykanka Joe Biden, ayaa ka hadlay geerida marxuumka, waxaanu ku tilmaamay saaxiib dhab ah oo Maraykanku leeyahay. \u201cWaxaan xusustiisa ku maamuusi doonnaa annaga oo sii wadi doona xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha iyo shacabka Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta,\u201d sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Maraykanku.<br \/>\nSida uu dhigayo dastuurka dalka UAE, madaxweyne ku-xigeenka dalkaas Sheekh Maxamed Bin Rashid Al-Makhtoum oo ah maamulaha imaaradda Dubai, ayaa si ku-meel-gaadh ah ula wareegi doona xila madaxweynaha dalkaas.<br \/>\nSi loo doorto madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu sharciga dalkaasi dhigayaa inay muddo 30 maalmood gudahood ah shir isugu yimaaddaan golaha Federaalka oo ka kooban maamulayaasha toddobada Imaaradood ee dalkaasi ka kooban yahay.<\/p>\n<p>Arabsiyonws.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dubai:=Madaxweynihii waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta,\u00a0ayaa maanta geeriyooday isagoo da\u2019diisu tahay 73-jir. Sheekh Khalifa ayaa xilka madaxweynaha dalkaas hayay ilaa sannadkii 2004-tii, haseyeeshee waxa uu saaxadda siyaasadda ka maqnaa ilaa 2014-kii xilligaas oo uu ku dhacay xannuunka Faaligga. Sheekh Khalifa ayaa sidoo kale ahaa Maamulaha imaaradda Abu-dhabi oo ka mid ah toddobada Imaaradood ee uu ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67931,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67930","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/uae-prez-died-big.jpg?fit=1248%2C650&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hFE","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67930","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67930"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67930\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67932,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67930\/revisions\/67932"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67931"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67930"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67930"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67930"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}