{"id":67897,"date":"2022-05-10T17:04:38","date_gmt":"2022-05-10T17:04:38","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67897"},"modified":"2022-05-10T17:04:38","modified_gmt":"2022-05-10T17:04:38","slug":"xasan-cali-khayre-oo-sheegay-inuu-samayn-doono-wax-kasta-oo-saacidaya-dawladnimada-somaliland-haddii-uu-noqdo-madaxweynaha-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/05\/10\/xasan-cali-khayre-oo-sheegay-inuu-samayn-doono-wax-kasta-oo-saacidaya-dawladnimada-somaliland-haddii-uu-noqdo-madaxweynaha-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Xasan Cali Khayre Oo Sheegay Inuu Samayn Doono Wax Kasta Oo Saacidaya Dawladnimada Somaliland, Haddii Uu Noqdo Madaxweynaha Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (Arabsiyonews) &#8211; Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo hadda ka mid ah Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya, ayaa Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed ee ku aaddan hoggaaminta dalka Soomaaliya, haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxweynaha ee qorshaysan inay dhacdo 15-ka bishan May 2022.<\/p>\n<p>Xasan Cali Khayre, ayaa Barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu ku galayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, ku sheegay I\u00a0 haddii Baaralamaanku u doorto Madaxweynaha Soomaaliya uu tixgelin doono Somaliland, sidoo kalena uu fududayn doono wax kasta oo xagga Soomaaliya kaga xidhma.<\/p>\n<p>Xasan Cali Khayre wuxuu sheegay in haddii uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya uu bilaabi doono Wada-hadalladii Somaliland, isla-markaana uu bixin doono Garowshiiyo kasta, waxaanu yidhi &#8220;Waxaan bixin doonaa Garawshiyaha ugu sareeya ee Walaalaheena Somaliland, Waxaanan fududayn doonaa wax walba oo Saacidayaa Dawladnimadooda..&#8221;<\/p>\n<p>Khayre waxa kale oo uu sheegay &#8220;Waxaan Bilaabaynaa Wada-hadallo dhab ah oo aanu la galno Walaalaheen Somaliland, waxaanu fududayn doonaa wax walba oo saacidaya Dowladnimadooda,\u00a0 si ay u dareemaan inaynu Walaalo nahay..&#8221;ayuu yidhi Musharax Madaxwayne Xasan Cali Khayre, waxaanu intaa intaa ku daray in Midnimada Soomaaliya u baahan tahay in laga badheedho arrimaha Masiiriga ah iyo naf-hurid.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Xasan Cali Khayre ayaa muddo 4 sanadood ah la soo shaqeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo Magacaabay.<\/p>\n<p>Afartii sanadood ee u dambeeyay waxa Madaxweyne Farmaajo uu dagaal-siyaasadeed la galay Somaliland, waxaanu ka joojiyey dhaqaale badan oo Hay&#8217;adaha Lacagta adduunku u soo mariyeen Somaliland, lacagahaas oo badhkood uu Raysal-wasaaraha hadda xilka haya Maxamed Xuseen Rooble uu u soo daayey Somaliland, ka dib markii uu gubtay Waaheen oo ahaa suuqii ugu weynaa Somaliland.<br \/>\nSidoo kale, muddadaa Dawladda Soomaaliya waxay xidhiidhka u jartay Dawlado badan oo Somaliland xidhiidh la samaysay, sida Kenya, Gini, halka ay Taiwan oo xafiis-diblumaasiyadeed ku leh Hargeysana ku eedeeyeen inay lid ku tahay Midnimada dhuleed ee dalkii la isku odhan\u00a0 jiray &#8216;Jamhuuriyadda Soomaaliya&#8217;.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (Arabsiyonews) &#8211; Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo hadda ka mid ah Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya, ayaa Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed ee ku aaddan hoggaaminta dalka Soomaaliya, haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxweynaha ee qorshaysan inay dhacdo 15-ka bishan May 2022. Xasan Cali Khayre, ayaa Barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67899,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-67897","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/maxresdefault-14.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hF7","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67897","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67897"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67897\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67898,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67897\/revisions\/67898"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67899"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67897"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67897"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67897"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}