{"id":67859,"date":"2022-05-07T19:48:21","date_gmt":"2022-05-07T19:48:21","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67859"},"modified":"2022-05-07T19:55:11","modified_gmt":"2022-05-07T19:55:11","slug":"somaliland-oo-markii-ugu-horeysay-yeelatay-xeerka-aataarta-qadiimiga-oo-casriga-laas-geel-na-hab-casriya-u-dhijitaal-gareynaysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/05\/07\/somaliland-oo-markii-ugu-horeysay-yeelatay-xeerka-aataarta-qadiimiga-oo-casriga-laas-geel-na-hab-casriya-u-dhijitaal-gareynaysa\/","title":{"rendered":"SOMALILAND Oo Markii Ugu Horeysay Yeelatay Xeerka Aataarta Qadiimiga Oo Casriga,"},"content":{"rendered":"<blockquote><p>\u201cDiyaarinta xeerkani waxa aanu u marney waddo dheer oo cilmi badhis ku sameyney sida ugu haboon ee loo ilaalin karo dhaxalka waddan uu leeyahay\u201dDr. Sada Mirre<\/p><\/blockquote>\n<p>Hargeysa(Arabsiyonews) Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland oo kaashanaysa Hay\u2019adda Dhaxalka Geeska (Horn Heritage Organization) ayaa si wada-jira u soo diyaarisay Xeerka qabyo-qoraalka Aataarta qadiimiga ee \u201cSomaliland Heritage ACT\u201d oo lagu maamuli doono Aataarta qadiimiga ee ku duugan dalka.<br \/>\nXeerka qabyo qoraalka Aataarta qadiimiga ee Somaliland Heritage ACT oo mari-doona nidaamka xeerarka dalka lagu maamulo,kaas oo marka la ansixiyo wax ka tari doona ilaalinta iyo daryeelida Aataarta Somaliland hoddanka ku tahay.<br \/>\nMunaasibadii loo sameeyey wareejinta xeerka qabyo-qoraalka Aataarta qadiimiga Somaliland ee ay soo diyaarisay hay\u2019adda dhaxalka Geeska, \u201cHorn Heritage Organization\u201d, oo ay ku wareejisay Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa maalintii khamiistii ee ay bishu ahayd 4 May 2022 lagu qabtay xarunta Wasaaradaasi ee Magaalada Hargeysa.<\/p>\n<p>Madaxa hay\u2019adda dhaxalka Geeska, (Horn Heritage Organization) Dr. Sada Mire, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay qabyo qoraalka Xeerka Aataarta qadiimiga oo dhammeystiran ay ku wareejisay Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska waxaanay tidhi\u201cAnnaga Sharaf ayay noo tahay hawl nagu qaadatay muddo tobban sannadood ah oo ahayd sameynta Xeerka Aataarta qadiimiga \u2018Somaliland Heritage Act\u2019 oo aan aan la wadnay Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland inaan maanta Xeerkii Aataarta qadiimiga oo qabyo-qoraala oo dhammeystiran ku wareejino.Diyaarinta xeerkani waxa aanu u marney wado dheer oo cilmi badhis ku sameyney sida ugu haboon ee loo ilaalin karo dhaxalka waddan ee aynu leenahy.waxa aanu kaashaney aqoon-yahano xeel dheer u leh sharciga iyo ilaalinta taariikhda iyo dhaqanka Afrika iyo umadaha islaamka ah.\u201d<\/p>\n<p>\u201cWasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland ayaa ka shaqeyn doonta hirgelinta Xeerkan qabyo qoraalka Aataarta qadiimiga Somaliland.Xeerkani waa xeerkii ugu horeeyay ee dhaxalka dhaqanka ee Aataarta qaadimiga Somaliland loo sameeyo. Xeerkani waa mid la jaaqaadaya shuruucda iyo baaqyada caalamiga ah oo aaney lahayn waddano waa-weyn oo cilmi iyo dhaqaale-ba inaga hayn baddan weli. Ingiriisku (British) xitaa muu sameyn xeer arrimahan khuseeya.\u201dAyey tidhi Dr. Sada Mirre.<\/p>\n<p>Garyaqaan Mustafe Maxamed Daahir oo ka mida garyaqaanada Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland, ayaa sheegay qiimaha uu xeerkani u leeyahay Somaliland, iyo sida aynu ugu baahnayn, waxaanu yidhi\u201cXeerkan Aataarta qadiimiga Somaliland qaranku uu u baahna, dunida kale ee inaga horeysaaba sidaa ayay xeerar ugu sameysataa ciddii ku gafta, qaabka loo ilaalinayo, qaabka loo diwaan-geliyo iyo qaabka loo kaydinayo iyo ciddii wax yeesha ama dhibaataysa Aataarta qadiimiga iyadana talaabada sharci ee laga qaadayo ayuu runtii xeerku macno ahaan ka hadlayaa\u201d<\/p>\n<p>Guddoomiyaha guddi Hoosaadka khayraadka dabiiciga ee Golaha Wakiillada Somaliland Mubaarig Muuse Ismaaciil \u201cDhalaal\u201d ayaa u mahad-celiyay hay\u2019adda dhaxalka Geeska, \u201cHorn Heritage\u201d iyo Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Somailand inay sameeyaan xeerka qabyo qoraalka Aataarta qadiimiga Somaliland, kaas oo aan qaadan doono oo aan soo akhriyi doono guddi ahaan inta aanu qabyo qoraalka Xeerka Aataartu aanu gaadhin Golaha Wakiillada Somaliland.<\/p>\n<p>Agaasimaha Waaxda Aataarta qadiimiga ee Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Ayaanle Cabdiraxmaan Ibraahim oo hakaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyay Madaxa hay\u2019adda dhaxalka Geeska, (Horn Heritage Organization) Dr. Sada Mire \u201cXeerkanina waxaan rajaynaynaa Inuu u gudbi doono oo ay ansixin doonaan Golaha Wakiillada Somaliland iyo Golaha Wasiiraduba marka uu gaadho, waana Xeer qiimo weyn qaranka u leh\u201d.<\/p>\n<p>Agaasimha Guud ee Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Xamse Xamud Guuleed ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii qabyo qoraalka Xeerka Aataarta qadiimiga uu sharci rasmiya u noqon lahaa, waxaanu yidhi \u201cXeerka Aataarta qadiimigu waa Xeer aad u muhiima, maah xeer uu qaranki lahaa, Maanta Xukuumadddii, Hay\u2019adda dhaxalka Geeska, \u201cHorn Heritage\u201d iyo Golihii Wakiilladu-ba way joogaan,waxay muujinaysa muhiimada uu xeerkani qabyo-qoraalkiisu na ina horyaalo, insha ALLAAHU waanu ka shaqqeyn doonaa sidii uu u noqon lahaa Sharci dhammeystiran, Waayo inaga ayaa ku liibaani doona dalkeenuna hore ayuu u socon doonaa. Cidkasta oo ku lug yeelataa qabyo qoraalka xeerka Aataarta qadiimiga waanu la kaashan doonaa, hadafka guud waxa weeyaan inuu qaranka Somaliland uu horumaro,\u201d<\/p>\n<p>Muddadii uu socdey sameynta xeerkani waxa wax ku kordhin, dhimis iyo dib-u-eegis ku sameynayey aqoonyahano, masuuliyiin, sharciyaqaano reer SOMALILAND ah si xeerku noqdo mid aan ka hor imanin Dastuurka Jamhuuriyadda, dhaqanka, Diinta iyo sharciyada inoo yaal. Maantana ay sii ambaqaadi doonto Wasaaradu wada tashi buuxa oo lagu dhameystirayo sharcigan.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Dhaxalka Geeska (Horn Heritage Organization) ayaa mar kale dib u daah-furtay Matxafka foogaan Araga ee dhijitaalka oo mabda\u2019iisu yahay uruurinta iyo ilaalinta Aasaarta qadiimiga ah, dhaqanka, xirfadaha, kal-tiriska, iyo teknoolajiyadda ay soo hindiseen umadda Geeska Afrika muddo qarniyo taxan.<br \/>\nMatxafkani waa xarun wax lagu kaydiyo hidaha iyo dhaxalka dhaqanka Gees-ka Africa (Somaliland, Ethiopia, Soomaaliya, Kenya iyo Djibouti).<\/p>\n<p>Ururka Horn Heritage Organization waxa u suurto-gashay inuu noqdo ururkii ugu horeeyay ee Laas-Geel ka dhiga dhijjitaal sannadkii 2013, noqdana ururkii ugu horeeyey ee Somaliland ka dhisa matxafka foogaan Araga ee dhijitaalka ee Somaliland iyo Geeska Afrika.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u201cDiyaarinta xeerkani waxa aanu u marney waddo dheer oo cilmi badhis ku sameyney sida ugu haboon ee loo ilaalin karo dhaxalka waddan uu leeyahay\u201dDr. Sada Mirre Hargeysa(Arabsiyonews) Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland oo kaashanaysa Hay\u2019adda Dhaxalka Geeska (Horn Heritage Organization) ayaa si wada-jira u soo diyaarisay Xeerka qabyo-qoraalka Aataarta qadiimiga ee \u201cSomaliland Heritage [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67860,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67859","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/02ca59d1-0e17-453f-b73f-ac879a600d6f.jpg?fit=1080%2C607&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hEv","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67859","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67859"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67859\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67863,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67859\/revisions\/67863"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67860"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67859"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67859"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67859"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}