{"id":67821,"date":"2022-05-05T13:23:04","date_gmt":"2022-05-05T13:23:04","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67821"},"modified":"2022-05-05T13:23:04","modified_gmt":"2022-05-05T13:23:04","slug":"doorasho-saamayn-ku-yeelan-karta-in-ireland-ka-sii-mid-ahaan-karto-uk-oo-dalkaa-ka-bilaabantay-maanta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/05\/05\/doorasho-saamayn-ku-yeelan-karta-in-ireland-ka-sii-mid-ahaan-karto-uk-oo-dalkaa-ka-bilaabantay-maanta\/","title":{"rendered":"Doorasho Saamayn Ku Yeelan Karta In Ireland ka sii Mid ahaan karto UK oo Dalkaa ka bilaabantay Maanta"},"content":{"rendered":"<p>Doorashooyinka gobollada iyo kuwa dowladaha hoose ayaa maanta ka dhacaya dalka UK, kuwaasi oo noqon kara kuwa taariikhi u ah Waqooyiga Ireland, islamarkaana cadaadiska kusii kordhin kara ra\u2019iisul wasaaraha liicaya ee Boris Johnson.Doorashada golaha la kala diray ee Belfast ayey suurta-gal tahay inuu ku guuleysto xisbiga taageera Irish-nimada markii ugu horeysay taariikhda gobolkan.<\/p>\n<p>Natiijada oo la filayo inay soo baxdo Jimcaha, ayaa saameyn weyn oo dastuuri ah ku yeelan kara mustaqballka dalka ka kooban afarta qaran ee UK, ayada guul loo filayo xisbiga Sinn Fein oo ay ka go\u2019an tahay inuu qabto codeyn Waqooyiga Ireland dib loola mideynayo Jamhuuriyadda Ireland.<\/p>\n<p>Codbixiyayaasha ayaa dooranaya golayaasha deegaanka ee Scotland, Wales iyo inta badan England, ayada oo ra\u2019iisul wasaare Johnson uu wajahayo tijaabo ku saabsan taageeradiisa.<br \/>\nNatiijo liidata ayaa dib usoo nooleyn karta qanacsanaan la\u2019aanta xubnaha xisbigiisa ee ku ku saabsan hoggaankiisa kadib fadeexooyin dhowr ah oo hareeyey dhowaan.<br \/>\nJohnson, oo 57 jir ah, ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadii 2019, isaga oo wacad ku maraya inuu UK ka saari doono Midowga Yurub, uuna wax ka beddeli doono sinnaan la\u2019aanta dhaqaale ee bahasan ee ka jirta dalka.<\/p>\n<p>Inkasta oo uu ka dhabeeyey ballanqaadkiisii Brexit, haddana cudurkii Coronavirus ee ka dillaacay caalamka ayaa hakiyey inta badan qorshayaashiisii gudaha dalka.<br \/>\nWaxaa sidoo kale xilkiisa halis geliyey qiimaha nolosha oo sare usii kacaya iyo xaflado uu ku qabtay xafiiskiisa Downing Street xilli dalka uu ku jiray xayiraadaha COVID-19.<br \/>\nGuuldarrooyin xoogan oo xisbigiisa kasoo gaara doorashooyinka maanta ayaa dib usoo nooleyn kara baaqyada xubnaha Conservative-ka ee ku aadan loolan cusub oo looga tuurayo hoggaanka xisbiga iyo xilka ra\u2019iisul wasaraaha.<\/p>\n<p>Doorashada Waqooyiga Ireland ayaa si gaar ah usoo jiidaneysa dareenka, ayada oo ra\u2019yi uruurin dhowr ah ay hoggaanka siisay xisbiga Sinn Dein.<br \/>\nRa\u2019yi uruurintii ugu dambeysay oo ay sameysya Jaamacadda Liverpool ayaa Talaadadii muujisay inuu si dhib la\u2019aan ugu guuleysan doono rubac ka mid ah codadka.<br \/>\nXisbiyada taageera in Waqooyiga Ireland kasii mid ahaado UK ee DUP iyo Alliance Party ayaa kaalinta labaad ku jira.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Doorashooyinka gobollada iyo kuwa dowladaha hoose ayaa maanta ka dhacaya dalka UK, kuwaasi oo noqon kara kuwa taariikhi u ah Waqooyiga Ireland, islamarkaana cadaadiska kusii kordhin kara ra\u2019iisul wasaaraha liicaya ee Boris Johnson.Doorashada golaha la kala diray ee Belfast ayey suurta-gal tahay inuu ku guuleysto xisbiga taageera Irish-nimada markii ugu horeysay taariikhda gobolkan. Natiijada oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67822,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67821","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/todd.png?fit=847%2C495&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hDT","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67821","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67821"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67821\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67823,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67821\/revisions\/67823"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67822"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67821"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67821"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67821"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}