{"id":6781,"date":"2015-02-24T11:46:53","date_gmt":"2015-02-24T11:46:53","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6781"},"modified":"2015-02-24T11:46:53","modified_gmt":"2015-02-24T11:46:53","slug":"dagaal-mar-kale-ka-qarxey-guriceel-kadib-markii-waan-waan-socotey-guul-laga-gaari-waayey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/24\/dagaal-mar-kale-ka-qarxey-guriceel-kadib-markii-waan-waan-socotey-guul-laga-gaari-waayey\/","title":{"rendered":"Dagaal mar kale ka qarxey Guriceel kadib markii waan waan socotey guul laga gaari waayey"},"content":{"rendered":"<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-large wp-image-183518\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/guriceel-740x423.jpg?resize=696%2C398\" alt=\"guriceel\" width=\"696\" height=\"398\" \/><\/p>\n<p>Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in maanta oo Salaasa ah markii afaraad dagaal ka qarxey kaas oo u dhexeeya Malayshiyaadka Suufiyiinta ee hoostaga maamulka Ahlu-Sunnah iyo malayshiyo beeleed taageero ka helaaya Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Magaalada waxaa dib uga bilowdey in dadku isaga baxaan si ay uga nabad galaan hubka culus ee labada dhinac isla dhacayaan, magaalada waxaa gacanta ku hayey maalmihii u danbeeyey malayshiyada Suufiyada ee ahlu-Sunnah, kadib markii ay malaysho beeledka taageerada ka helaaya ciidamada Dowladda looga itaal roonaadey.<\/p>\n<div class=\"other-ads\">\n<p>Waan-waan socotey oo xabad joojin hore lagu sameeyey oo uu hormuud ka ahaa Col. Maxamed Axmed Caalin Maxadaxweynihii hore ee Galmudug ayaa la sheegayaa in ay burburtey, kadib markii Ahlu-Sunnah ay sheegeen in Dowladda federaalku ku xadgudubtey xabbad joojintii la gaarey.<\/p>\n<\/div>\n<p>Waa Markii Afaraad oo dagaalo ka dhacaan degmada Guriceel saddexdii bilood ee la soo dhaafey. Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta dhacay oo ahaa mid saacado kooban socday. \u2013 See more at: http:\/\/hiiraan.com\/news\/2015\/Feb\/wararka_maanta24-90342.htm#sthash.Wmbp9bUX.dpuf<\/p>\n<p>Dagaalkan ayaa imaanaya iyada oo qaar kamid ah beelaha dega Galguduud iyo Mudug ay dhigteen gogol nabadeed magaalada Dhuusamareeb si ay uga heshiiyaan colaadihii muddooyinkii danbe ku dhexmartey gobloadaas, si horey loogu dhaqaajiyo maamul u sameynta Galguduud iyo Koonfurta Mudug.<\/p>\n<p>Magaalooyinka Dhuusa mareeb &amp; Guriceel waxaa muddo dheer ka talinaayery malayshiyaadka Suufiyiinta, kuwaas oo dagaal uga saarey Malayshiyaadka Al-Shabaab oo kulahaa Saldhigyada u waaweyn gobolkaas sanadihihii 2004 \u2013 2009. Malayshiyada Suufiyida ee Ahlu-Sunnah ayaa taageero ka heli jirey ciidamada dalka Itoobiya.<\/p>\n<p>Labada dhinac ee dirirtu hadda u dhexeyso magaalada Guriceel ayaa iska lahaa hal cadow oo ah al-Shabaab, kuwaas oo la aaminsan yahay in ay si uun uga faa\u2019iidayaan dagaalka Guriceel.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in maanta oo Salaasa ah markii afaraad dagaal ka qarxey kaas oo u dhexeeya Malayshiyaadka Suufiyiinta ee hoostaga maamulka Ahlu-Sunnah iyo malayshiyo beeleed taageero ka helaaya Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Magaalada waxaa dib uga bilowdey in dadku isaga baxaan si ay uga nabad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6783,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6781","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1Ln","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6781","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6781"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6781\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6781"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6781"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6781"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}