{"id":67802,"date":"2022-05-01T20:54:58","date_gmt":"2022-05-01T20:54:58","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67802"},"modified":"2022-05-01T20:54:58","modified_gmt":"2022-05-01T20:54:58","slug":"xildhibaannada-baarlamaanka-iyo-jaaliyadda-somaliland-oo-dawladda-kanada-culays-ku-saaraya-dhismaha-suuqa-waaheen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/05\/01\/xildhibaannada-baarlamaanka-iyo-jaaliyadda-somaliland-oo-dawladda-kanada-culays-ku-saaraya-dhismaha-suuqa-waaheen\/","title":{"rendered":"Xildhibaannada Baarlamaanka Iyo Jaaliyadda Somaliland Oo Dawladda Kanada Culays Ku Saaraya Dhismaha Suuqa Waaheen."},"content":{"rendered":"<p>Ottawa (Arabsiyonews) &#8211; Xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee Kanada,\u00a0 ayaa kulan la yeeshay Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Dalkaasi, si ay ugala hadlaan sidii Dawladda dhexe ee Kanada ay Gurmad dhaqaale ah uga geysan lahayd dib u dhiska Suuqii gubtay ee Waaheen ee Magaalada Hargeysa.<\/p>\n<p>Guddiga Jaaliyadda Somaliland ee Kanada ee ka shaqaynaya ururrinta dhaqaalaha dib loogu dhisayo suuqa Waaheen, ayaa waxay ugu baaqeen Xukuumadda Ottawa inay bixiso 10-milyan oo dollar ah, si loogu taageero dedaallada dib-u-dhiska ee Suuqa Waaheen oo ahaa kii ugu weynaa Somaliland.<\/p>\n<p>Dabkan oo kacay 1-dii bishan April, ayaa waxa ku baa&#8217;bay illaa 2000 Meherado Ganacsi, waxaana ku dhaawacmay 28 qof, iyadoo warbixin ay soo saareen guddida heer qaran ee loo xilsaaray hawshan ay ku qiyaaseen inuu ka dhashay khasaare dhan US$ 1.5- bilyan illaa US$ 2-bilyan.<\/p>\n<p>Suuqani waxa uu ahaa ku dhawaad \u200b\u200bkala badh dhaqaalaha Magaalada, sida ay sheegeen masuuliyiinta Somaliland.<\/p>\n<p>Canab Maxamed oo ka mid ah Guddiga Jaaliyadda Somaliland ee Kanada ee dib u dhiska suuqa Waaheen u ururinaya dhaqaalaha, ayaa warqad u dirtay wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Kanada Harjit Sajjan, ayaa sheegtay inay jeclaan lahayd inay aragto Kanada oo gacan ka geysata dib u dhiska suuqa Waaheen &#8220;Waxaan si dhab ah u rajeynayaa in Canada ayna fursadda ay ku ifin karto indhaha dadka,&#8221; ayay ku tidhi wareysi ay siisay Globe and Mail siisay.<\/p>\n<p>Wasiirka Horumarinta Kanada Mr. Sajjan oo bayaan soo saaray isagoo ka jawaabaya warqadda Xildhibaanku u dirtay wuxuu ku sheegay in dowladda Kanada ay ilaa hadda bixisay 30,000 oo dollarka Mareykanka ah iyadoo la mariyey ururada bisha cas iyo Laanqeyrta Cas (IFRC).<\/p>\n<p>Wuxuu ku sheegay Wasiirku in Lacagtaasi ka timid Sanduuqa Gargaarka Degdegga ah ee Musiibooyinka Kanada.<\/p>\n<p>Ms. B\u00e9liard-Joseph oo ah Afhayeenka Wasiirka oo bayaanka la wadaagtay Warbaahinta ayaa sheegtay in dawladda Kanada sii wadayso gargaarka ay ugu Talo-gashay dib u dhiska suuqa Waaheen\u00a0 &#8220;Dawladdu way sii wadi doontaa inay qiimeyso haddii taageero dheeraad ah loo baahan yahay..&#8221; ayay raacisay.<\/p>\n<p>Laakiin, Marwo Canab Maxamed ayaa dhaleeceysay lacagta ay bixisay dowladda inay tahay mid aan ku filneyn, iyadoo ugu baaqday inay ugu yaraan la mid noqoto lacagaha ay ururinayaan bulshooyinka maxalliga ah ee Kanada, lacagahaas oo la marinayo Islamic Relief oo ah hay\u2019ad samafal oo ka dhisan magaalada Hargeysa.<\/p>\n<p>Garnett Genuis, oo ah xildhibaan muxaafid ah, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu kulamo la yeeshay qaybaha bulshada Somaliland, isla markaana uu xukuumadda wax ka waydiiyey qorshaheeda ku aaddan taageerada dib u dhiska suuqa.<\/p>\n<p>Horraantii sanadkan, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud waxa uu booqasho ku tagay Ottawa, London iyo Washington isagoo waydiistay in loo aqoonsado dal gaar ah Somaliland iyo in si toos ah mucaawinad loo siiyo Somaliland\u00a0 halkii ay Soomaaliya u soo mari ahayd.<\/p>\n<p>Mr. Kayd waxa uu Globe and Mail u sheegay in maadaama aan Somaliland loo aqoonsanayn dal madax-bannaan, aanay ku tiirsanaan karin daymaha Baanka Adduunka iyo Hay\u2019adda Maaliyadda Adduunka.<\/p>\n<p>Sidaas oo kale Xildhibaan Genuis waxa uu sheegay inuu ka codsaday dawladda Kanada inay caddayso mawqifkeeda ku wajahan maqaamka siyaasadeed ee Somaliland.<\/p>\n<p>&#8220;Somaliland way ka mahad-naqaysaa dhammaan caawimada (Adduunka)..&#8221; Ayuu yidhi Wasiir Kayd, balse waxa uu intaas ku daray in loo baahan yahay taageero wakhti dheer ah &#8220;Waxaan la tacaaleynaa masiibo si xun u saameyn doonta kumanaan iyo kumanaan qof oo horeyba loo arkay inay nugul yihiin..&#8221;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ottawa (Arabsiyonews) &#8211; Xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee Kanada,\u00a0 ayaa kulan la yeeshay Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Dalkaasi, si ay ugala hadlaan sidii Dawladda dhexe ee Kanada ay Gurmad dhaqaale ah uga geysan lahayd dib u dhiska Suuqii gubtay ee Waaheen ee Magaalada Hargeysa. Guddiga Jaaliyadda Somaliland ee Kanada ee ka shaqaynaya ururrinta dhaqaalaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67803,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67802","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/05\/adbd9d0b-b080-4fd7-a075-d7de51637a41.jpg?fit=1080%2C607&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hDA","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67802","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67802"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67802\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67804,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67802\/revisions\/67804"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67803"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67802"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67802"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67802"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}