{"id":6778,"date":"2015-02-24T11:44:50","date_gmt":"2015-02-24T11:44:50","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6778"},"modified":"2015-02-24T11:44:50","modified_gmt":"2015-02-24T11:44:50","slug":"madaxwaynaha-ruushka-oo-si-jees-jees-ah-uga-jawaabay-qabsashada-crimea-kana-hadlay-heshiiski-minsk","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/24\/madaxwaynaha-ruushka-oo-si-jees-jees-ah-uga-jawaabay-qabsashada-crimea-kana-hadlay-heshiiski-minsk\/","title":{"rendered":"Madaxwaynaha Ruushka Oo Si Jees Jees Ah Uga Jawaabay Qabsashada Crimea Kana Hadlay Heshiiski Minsk"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/150217224210_putin_512x288_n_nocredit-150x150.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-6779\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/150217224210_putin_512x288_n_nocredit-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"150217224210_putin_512x288_n_nocredit-150x150\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a><\/h2>\n<h2>Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay heshiiska nabada ee Minsk, oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, in uu yahay wadada saxda ah ee caadi looga dhigi karo xaalada taagan, taas oo daba socotay bilooyin uu socday dagaal kaas oo midowga Yurub iyo Maraykankaba ay eeda dusha kaga tureen xukuumada Moscow in ay hubaynayso ayna taageerayso falaagada gooni u goosadka.<br \/>\nWaa faaladii ugu dheerayd ee uu bixiyo tan iyo markii la gaadhay heshiiska Minsk laba isbuuc ka hor, kaas oo ay qeyb ka ahaayeen hoggaamiyayaasha Ruushka, Ukraine, Faransiiska iyo Germalka.<br \/>\nMr Putin ayaa ku tilmaamay waxaan dhici karin in colaada ka jirta Ukraine ay isku badasho gacan ka hadal uu Ruushku ku lug yeesho.<\/h2>\n<h2>Waloow wareysi u siiyay telefishanka qaranka ee Ruushka uu sidoo kale ku adkaystay in Ruushka uusan dib ugu celinaynin Crimea gacanta Ukraine, taas oo ay Ruushku qabsatay ku dhawaad hal sano ka hor.<\/h2>\n<h2>Vladimir Putin ayaa kalsooni badan ka muuqatay isla markaana ka jawaabayay su\u2019aalaha ku saabsan colaadda dalka Ukraine isaga oo dhoola caddeynaya.<br \/>\nMadaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in isagu ay u cadahay qaabka nabada ee Ukaraine, taasi oo ah in heshiiskii Minsk lagu gaadhay la dhaqan geliyo.<br \/>\nMr Putin ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiskani uu taageeray gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ay muhiimad gaar ah u leedahay xukuumada Moskow, inkastoo ilaa iyo haatan uusan dhamaan dagaalka ka socda gudaha.<br \/>\nVladimir Putin ayaa si adag u tilmaamay waxa ka soo baxay heshiiska Minsk oo uu sheegay in uu awood dheeraad ah siinaya qeybaha bari ee Ukraine oo hadda ay maamulaan fallaagada gooni u goosadka ee uu Ruusku taageero.<br \/>\nWaxa ay u muuqataa in Moscow ay arrintaasi ku adkeysanayso si ay mustaqbalka u hesho galaangal siyaasadeed oo ay ku yeelato kiev.<br \/>\nArrinta ku saabsan in Ruushka uu ku duulaya Ukarine ayaa Mr Putin waxa uu ku gacan seydhay caddeymaha muujinaya in uu ciidamo u soo diray gudaha Ukraine si ay u taageeraan fallaagada.<br \/>\nWaxa uu sheegay in xukumadda Kiev ay eedahaasi u soo jeedisay Ruushka, si ay u qariso waji-gabaxa ay kala kulantay dagaalka oo ay ceeb u aragtay in wasiiro hore iyo darawalada cagaf-cagafyada ay ka itaal roonaadaan ciidamadeeda milatariga.<br \/>\nWaxa uu ku jees jeesayay arrinta gobolka Crimea oo Ruushka uu dalkiisa ku darsaday sanadkii la soo dhaafay.<br \/>\nMr Putin ayaa kula taliyay madaxweynaha Ukraine in uu xoogga saaro sidii uu dalkiisa uga badbaadin lahaa burburka dhaqaale ee soo wajahay halka uu wacadka ku mari lahaa in uu dhulkaasi dib u soo ceshado.<br \/>\nInkastoo caalamku uu cambaareeyay isla markaana cuna-qabatayn lagu soo rogay ayaa Vladamir Putin waxa uu mar kale caddeystay in dadka reer Crimea ay u codeeyeen in ay ku biiraan Ruushka, sidaasi awgeedna caalamka ku aqbalay.<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay heshiiska nabada ee Minsk, oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, in uu yahay wadada saxda ah ee caadi looga dhigi karo xaalada taagan, taas oo daba socotay bilooyin uu socday dagaal kaas oo midowga Yurub iyo Maraykankaba ay eeda dusha kaga tureen xukuumada Moscow in ay hubaynayso [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6779,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6778","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1Lk","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6778","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6778"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6778\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6778"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6778"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6778"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}