{"id":67773,"date":"2022-04-30T19:41:34","date_gmt":"2022-04-30T19:41:34","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67773"},"modified":"2022-04-30T19:41:34","modified_gmt":"2022-04-30T19:41:34","slug":"raysal-wasaaraha-itoobiya-oo-loogu-baaqay-inuu-si-dhamaystiro-aqoonsiga-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/04\/30\/raysal-wasaaraha-itoobiya-oo-loogu-baaqay-inuu-si-dhamaystiro-aqoonsiga-somaliland\/","title":{"rendered":"Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Loogu Baaqay Inuu Si Dhamaystiro Aqoonsiga Somaliland."},"content":{"rendered":"<p>Addis Ababa (Arabsiyonews) &#8211; Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya Abiy Axmed, ayaa loogu baaqay inuu dhamaystiro aqoonsiga Somaliland, maaddaama oo uu dhawaan Qunsulkii Hargeysa u joogay Itoobiya ka dhigay Safiir Buuxa.<\/p>\n<p>Professor Beyene Pedros oo khudbad ka jeediyey Jaamacadda Addis Ababa wuxuu ugu baaqay Ra&#8217;iisal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed in uu dhamaystiro aqoonsiga Somaliland isla-markaana uu ku daydo, Ra&#8217;iisal-wasaarahii ka horeeyey ee Melez Zenawi.<\/p>\n<p>Baaqan ayaa salka ku haya Dhukumanti ay Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa hore u soo saartay, kaasi oo muujinayey in Ra&#8217;iisal-wasaarihii Itoobiya Melez Zenawi oo u ololaynayey aqoonsiga Somaliland.<\/p>\n<p>Shir uu Ra&#8217;iisal-wasaarihii hore ee Itoobiya uu la yeeshay Xoghayihii hore ee Maraykanka Phil Carter, ayaa waxa uu Meles u sheegay in uu aqoonsi qayb ah uu siinayo Somaliland, inta kalena looga baahan yahay in Beesha Caalamku buuxiso. Aqoonsigaas oo hadda uu Raysal-wasaare Abiy Axmed fulintiisa bilaabay, maaddaama oo uu Safiir buuxa ka dhigay Qunsulkii u joogay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.<\/p>\n<p>Xilligaa hore, Melez Zenawi, waxa uu sheegay in aqoonsiga ku meel gaadhka ah, ay Somaliland u sahlayso taageerada beesha caalamka, sidoo kalena Somaliland u baahan tahay sidii loogu toosin lahaa habkii loo aqoonsan\u00a0 lahaa.<\/p>\n<p>Waxa kale oo Melez Zenawi uu u sheegay Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda Maraykanka Phil Carter, in marka la helo taageerada Afrikaanka, in markaas ay waajib ku tahay Maraykanka iyo Ingariiska inay qadiyadda Somaliland iyaga oo aqoonsan u gudbiyaan Yurub inteeda kale.<\/p>\n<p>Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa dhawaan safiir buuxa u soo magacaabay Somaliland, taasi oo loo fahmay inay qayb ka tahay fulinta qorshihii uu dhigay Raysal-wasaarihii ka horreeyay.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Professor Beyene Pedros oo arrintan xasuusiyey Raysal-wasaare Abiy Axmed ayaa hadda ka mid ah Jaamacadda Addis Ababa, waxaanu hore uga mid ahaa aqalka Baarlamaanka ee Dawladda Federaalka Itoobiya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews,om<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Addis Ababa (Arabsiyonews) &#8211; Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya Abiy Axmed, ayaa loogu baaqay inuu dhamaystiro aqoonsiga Somaliland, maaddaama oo uu dhawaan Qunsulkii Hargeysa u joogay Itoobiya ka dhigay Safiir Buuxa. Professor Beyene Pedros oo khudbad ka jeediyey Jaamacadda Addis Ababa wuxuu ugu baaqay Ra&#8217;iisal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed in uu dhamaystiro aqoonsiga Somaliland isla-markaana [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67774,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67773","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/Snapshot_132.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hD7","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67773","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67773"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67773\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67776,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67773\/revisions\/67776"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67774"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67773"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67773"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67773"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}