{"id":67723,"date":"2022-04-25T20:56:52","date_gmt":"2022-04-25T20:56:52","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67723"},"modified":"2022-04-25T20:58:31","modified_gmt":"2022-04-25T20:58:31","slug":"kenya-ma-fulisay-heshiiskii-ay-la-gashay-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/04\/25\/kenya-ma-fulisay-heshiiskii-ay-la-gashay-somaliland\/","title":{"rendered":"Kenya Ma Fulisay Heshiiskii Ay La Gashay Somaliland?"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa Benson Mwaliko u magacaabay qunsulka cusub ee dowladda Kenya u joogi doona magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.<\/p>\n<p>Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dowladda Kenya ayaa sannadkii hore afar sarkaal oo uu ku jiro Benson Mwaliko u dirtay magaalada Hargeysa, isagoo xilligaa ku magacawnaa madaxa xafiiska ilaaliya cilaaqaadka labada dhinaca, laakiin xilligan ayuu Madaxweyne Uhurru Kenyatta si rasmiya ugu soo Magacaabay Qunsulka Kenya u fadhiyaya Somaliland.<\/p>\n<p>Qunsulka Kenya u soo Magacowday Somaliland, ayaa ka qayb ka ah heshiis Madaxweyneyaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Kenya Uhurru Kenyatta ku galeen Magaalada Nairobi sannadkii 2020, heshiiskaas oo ay ka mid ahayd in Kenya ay xafiis diblumaasiyadeed ka furanayso Somaliland, sidoo kalena kor u qaadayso meeqaamka Xafiiska Somaliland ku leedahay Nairobi.<\/p>\n<p>Heshiiskaas waxa kale oo ka mid ahaa in Diyaaradda Kenya Airways inay duulimaadyo ka bilowdo Somaliland, balse qodobkaas ayaan weli fulin, inkasta oo ay sannadkii hore Hargeysa yimaaddeen saraakiil ka mid ah hay&#8217;adda Kenya u qaabilsan duulimaadyada, kuwaasi oo qiimayn ku sameeyay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, qunsulka Kenya ayaa ku shaqayn doono Xafiis diblumaasiyadeed oo Kenya sannadkii hore ka furatay Magaalada Hargeysa.<\/p>\n<p>Somaliland waxa ku nool oo ka shaqaysta illaa 10,000 oo Kenyaan ah.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa Benson Mwaliko u magacaabay qunsulka cusub ee dowladda Kenya u joogi doona magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dowladda Kenya ayaa sannadkii hore afar sarkaal oo uu ku jiro Benson Mwaliko u dirtay magaalada Hargeysa, isagoo xilligaa ku magacawnaa madaxa xafiiska ilaaliya cilaaqaadka labada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67724,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67723","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/Snapshot_109.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hCj","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67723","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67723"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67723\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67725,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67723\/revisions\/67725"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67724"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67723"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67723"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67723"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}