{"id":67677,"date":"2022-04-22T10:34:48","date_gmt":"2022-04-22T10:34:48","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67677"},"modified":"2022-04-22T10:34:48","modified_gmt":"2022-04-22T10:34:48","slug":"farmaajo-doorashooyinka-ceelwaaq-iyo-garbahaarey-waa-sharci-darro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/04\/22\/farmaajo-doorashooyinka-ceelwaaq-iyo-garbahaarey-waa-sharci-darro\/","title":{"rendered":"Farmaajo: &#8220;Doorashooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey waa sharci darro&#8221;"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sharci-darro ku tilmaamay \u201cdoorashooyinka isbarbar socda\u201d ee magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.<\/p>\n<p>Doorashada Ceelwaaq oo maanta billaabatay ayaa waxaa go\u2019aamiyey guddiga doorashada heer federaal 14-kii April, ayaga oo sheegay in Garbahaarey \u201caan doorasho lagu qabin karin sababo amni dartood,\u201d waxaana go\u2019aankaas soo dhoweeyey ra\u2019iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.<\/p>\n<p>Hase yeeshee, isla maalinkaas ayaa xubno dhowr ah oo ka tirsan guddiga ay sheegeen inay kasoo horjeedaan go\u2019aanka, ayaga maalmihii xigayna billaabay isku day ay doorasho ugu qabanayaan Garbahaarey.<\/p>\n<p>Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Farmaajo ayaa lagu yiri \u201cWareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. \u201c<\/p>\n<p>Farmajao ayaa wareegtadan oo lagu socodsiiyay Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka ku faray in la xushmeeyo heshiiskii 17-kii September 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1-dii October 2020 iyo 27-kii May 2021.<\/p>\n<p>\u201cQof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17-ka September 2020,\u201d ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.<\/p>\n<p>\u201cSidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17-ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11-aad sharci wax ka baddalaya xeerkii baarlamanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in \u201cwax ka baddalka\u201d Heshiiskii 17-kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, wuxuuna ugu baaqay inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16-ka ah ee ku astaysan Garbahaareey.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Muqdisho Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sharci-darro ku tilmaamay \u201cdoorashooyinka isbarbar socda\u201d ee magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey. Doorashada Ceelwaaq oo maanta billaabatay ayaa waxaa go\u2019aamiyey guddiga doorashada heer federaal 14-kii April, ayaga oo sheegay in Garbahaarey \u201caan doorasho lagu qabin karin sababo amni dartood,\u201d waxaana go\u2019aankaas soo dhoweeyey ra\u2019iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha maamulka Jubaland [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67678,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67677","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/Polish_20220422_133006513.jpg?fit=720%2C540&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hBz","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67677","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67677"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67677\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67679,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67677\/revisions\/67679"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67678"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67677"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67677"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67677"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}