{"id":6767,"date":"2015-02-24T10:55:00","date_gmt":"2015-02-24T10:55:00","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6767"},"modified":"2015-02-24T10:55:00","modified_gmt":"2015-02-24T10:55:00","slug":"aljazeera-iyo-the-guardian-oo-kashifay-hayadaha-sirdoonka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/24\/aljazeera-iyo-the-guardian-oo-kashifay-hayadaha-sirdoonka\/","title":{"rendered":"Aljazeera iyo The Guardian oo kashifay Hay\u2019adaha Sirdoonka"},"content":{"rendered":"<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-183497\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/aljazeera-cables.jpg?resize=510%2C288\" alt=\"aljazeera-cables\" width=\"510\" height=\"288\" \/><br \/>\nTelefishinka Aljazeera ayaa habeenimadii Isniinta shaaciyey barnaamijlka (The Spy Cables) oo ah xog sir ah oo laga soo aruuriyey hay\u2019adaha Sirdoonka ee Caalamka, waxaana kamid ahaa sirtan Aljazeera heshay kuwa la xariira sirdoonka dalalka, Maraykanka, UK, Isra\u2019iil, Ruushka iyo Koonfur Afrika.<\/p>\n<p>Sirtan ayaa inta badan ah xog qarsoodi ah oo ay isdhaafsanayeen sirdoonka Koonfur Afrika SSA iyo hay\u2019adaha sirdoonka caalamka intii u dhaxeysay 2006 illaa 2014.<\/p>\n<p>Barnaamijkan Aljazeera ayaa waxaa sidoo kale gacan kasiiyey Jariirada The Guardian ee kasoo baxda dalka Ingiriiska.<\/p>\n<div class=\"other-ads\">\n<p><strong>Beentii Netenyahu ee Iran<\/strong><\/p>\n<\/div>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-183498\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/Netenyahu-Iran.jpg?resize=459%2C344\" alt=\"Netenyahu-Iran\" width=\"459\" height=\"344\" \/>Sirta la heylay waxaa kamid ah Beentii Raysalwasaaraha Maamulka Isra\u2019iil Benjamin Netenyahu uu si ulla kac ah uga sheegay Barnaamijka Nukliyeerka Iran khudbadii uu 2012 ka jeediyey Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p>Netenyahu ayaa caalamka u sheegay sanadkii 2012 in dowlada Iran ay wado sameynta Hubka nukliyeerka oo ay hada dhameystirtay 70% barnaamijkeeda Nukliyeerka, halka sirdoonka Mossad ee Isra\u2019iil ay laftoodu qireen in dowlada Iran aysan hada ku jirin wax la xariira sameynta hubka Nukliyeerka.<\/p>\n<p><strong>Xiriirka CIA iyo Xamaas<\/strong><br \/>\n<img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-183499\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/xamaas-dagaalyahan.jpg?resize=607%2C390\" alt=\"xamaas-dagaalyahan\" width=\"607\" height=\"390\" \/><br \/>\nSirta la shaaciyey ayaa waxaa sidoo kale kamid ah, in Sirdoonka Maraykanka CIA ay si hoose u dooneysay inay xariir la sameyaan kooxda Falastiin ee Xamaas, xili dowlada Maraykanka ay isla xisbiga Xamaas ku dartay diiwaanka kooxaha Argagaxisada tan iyo sanadkii 1997.<\/p>\n<p>CIA ayaa la sheegay inay ka codsatay Sirdoonka Koonfur Afrik SSA inay usoo raadiyaan shaqsiyaad ka tirsan Xamaas oo ay ku shaqeystaan.<\/p>\n<p>Sirdoonka Koonfur Afrika ayaa la sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay hay\u2019adaha sirdoonka ee xisbiyada Xamaas iyo Fatax ee Falastiin.<\/p>\n<p><strong>Hanjabaadii Obama iyo Maxamuud Cabaas<\/strong><br \/>\n<img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-large wp-image-183500\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/Cabaas-Obama-740x493.jpg?resize=696%2C464\" alt=\"President Mahmoud Abbas of the Palestinian Authority visits\" width=\"696\" height=\"464\" \/><br \/>\nSirtan fakatay ayaa waxaa sidoo kale kamid ah xog ay sirdoonka Koonfur Afrika ka hayeen Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo la sheegay inuu khadka talefoonka ugu hanjabay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.<\/p>\n<p>Hanjabaada Obama ayaa la xariirtay ololihii Maxamuud Cabaas ugu jiray in Falastiin ay xubin rasmi ah ka noqoto Qaramada Midoobay, arrintaasi oo uu Maraykanka kasoo horjeeday.<\/p>\n<p>Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay telefishinka Aljazeera iyo jariirada The Guardian ay banaanka soo dhigaan sir badan oo ay ka hayaan hay\u2019adaha sirdoonka dalalka ay ku jiraan Maraykana, Ingiriiska iyo Ruushka<\/p>\n<p><!--EndFragmen--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Telefishinka Aljazeera ayaa habeenimadii Isniinta shaaciyey barnaamijlka (The Spy Cables) oo ah xog sir ah oo laga soo aruuriyey hay\u2019adaha Sirdoonka ee Caalamka, waxaana kamid ahaa sirtan Aljazeera heshay kuwa la xariira sirdoonka dalalka, Maraykanka, UK, Isra\u2019iil, Ruushka iyo Koonfur Afrika. Sirtan ayaa inta badan ah xog qarsoodi ah oo ay isdhaafsanayeen sirdoonka Koonfur Afrika [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6767","post","type-post","status-publish","format-standard","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1L9","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6767","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6767"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6767\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6767"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6767"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6767"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}