{"id":67633,"date":"2022-04-19T17:56:49","date_gmt":"2022-04-19T17:56:49","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67633"},"modified":"2022-04-19T17:56:49","modified_gmt":"2022-04-19T17:56:49","slug":"qaramada-midoobay-oo-gacan-ka-gaysanaysa-dib-u-dhiska-suuqa-waaheen-ee-hargaysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/04\/19\/qaramada-midoobay-oo-gacan-ka-gaysanaysa-dib-u-dhiska-suuqa-waaheen-ee-hargaysa\/","title":{"rendered":"Qaramada Midoobay oo gacan ka gaysanaysa dib u dhiska suuqa Waaheen ee Hargaysa"},"content":{"rendered":"<p>Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee hay\u2019adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan ka gaysanayso dib u dhiska mudada dhow iyo mudada dheer ee suuqa Waaheen ee Hargaysa oo 1-2 April uu dabaabiiyay.<\/p>\n<p>Qoraalka Qaramada Midoobay oo lagaga warbixiyay socdaal uu Ku-xigeenka Wakiilka Xoghaya Qaramada Midoobay, ahna Isuduwaha Qaramada Midoobay iyo Xidhiidhiyaha Arrimaha Bani\u2019aadanimo Adam Abdelmoula, ku tagay Hargaysa, ayaa lagu yidhi \u201cQaramada Midoobay waxa ka go\u2019an in ay taageerto dib-u-dhiska muddada dhaw, muddada dhexe iyo muddada fog\u201d.<\/p>\n<p>Adam oo booqasho ku tagay suuqa Waaheen ee gubtay, ayaa sheegay in uu soo arkay xaalad burbur ah oo niyad jabisay, waxaanu sheegay in burburka suuqa soo gaadhay aanu ahayn mid la malayn karo, sida Qaramada Midoobay sheegtay.<\/p>\n<p>\u201cMarkii aan maanta arkay burburka uu sababay dabkii ka kacay suuqa Waaheen waxay igu noqotay xaalad adag oo niyadjab leh. Heerka burburka uu gaadhay iyo saamaynya uu ku yeeshay dadka iyo dhaqaalaha, si dadban iyo si toos ahba, maaha wax la malayn karo. Si ba\u2019an ayuu magaalada u saameeyey\u201d ayuu yidhi Adam.<\/p>\n<p>Adam wuxu sheegay in dib-u-dhiska suuqa Waaheen ee Hargeysa aad muhiim u yahay, sidoo kalena ay muhiimad weyn leeyihiin qorsheyaasha ka-soo-kabashada si wax looga qabto baahiyaha dadka ugu nugul ee dabku saameeyey, ayaa lagu soo gaba gabeeyay qoraalka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee hay\u2019adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan ka gaysanayso dib u dhiska mudada dhow iyo mudada dheer ee suuqa Waaheen ee Hargaysa oo 1-2 April uu dabaabiiyay. Qoraalka Qaramada Midoobay oo lagaga warbixiyay socdaal uu Ku-xigeenka Wakiilka Xoghaya Qaramada Midoobay, ahna Isuduwaha Qaramada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67634,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67633","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/ni.png?fit=782%2C467&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hAR","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67633","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67633"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67633\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67636,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67633\/revisions\/67636"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67634"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67633"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67633"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67633"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}