{"id":67581,"date":"2022-04-14T19:33:19","date_gmt":"2022-04-14T19:33:19","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67581"},"modified":"2022-04-14T19:37:41","modified_gmt":"2022-04-14T19:37:41","slug":"baarlamaanka-canada-oo-bilaabay-olole-dhaqaale-loogu-ururinayo-suuqa-waaheen-iyo-somaliland-oo-ka-hadashay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/04\/14\/baarlamaanka-canada-oo-bilaabay-olole-dhaqaale-loogu-ururinayo-suuqa-waaheen-iyo-somaliland-oo-ka-hadashay\/","title":{"rendered":"Baarlamaanka Canada Oo Bilaabay Olole Dhaqaale loogu ururinayo Suuqa Waaheen iyo Somaliland oo ka hadashay"},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dalka Canada, ayaa kulan la qaatay isbahaysi ay ku midoobeen jaaliyadda Somaliland oo ku hawlan taageerada dib-u-dhiska Suuqa Waaheen oo ku shuf-beelay dab xooggan oo qabsaday suuqaas 1-dii bishan April.<\/p>\n<p>Guddigan oo lagu magacabay Isbahaysiga Canada ee Dib-udhiska Suuqa Waaheen, ayaa shalay iyo maanta kulamo kala duwan la qaatay Xildhibaan Marie-France Lalonde iyo mudane Garnett Genuis oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Canada.<\/p>\n<p>Xildhibaan Marie-France Lalonde oo laga soo doorto magaalada Orl\u00e9ans oo ka tirsan Gobolka Ontario, ayaa Salaasadii shalay kulan qaadatay\u00a0<a href=\"https:\/\/twitter.com\/HargeisaMarket\">Guddi ka kooban Jaaliyadda Somaliland iyo muwaadiniin u dhashay dalka Canada<\/a>, kuwaas oo isu-xil-qaamay olole taageero dhaqaale loogu ururinayo dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.<\/p>\n<p>Waxa ay xildhibaanku sheegtay inay arrimo muhiim ah oo ku saabsan taageerada dib-u-dhiska Suuqa Waaheen kaga hadleen kulankaas, sida ay ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka.<\/p>\n<blockquote class=\"twitter-tweet\">\n<p dir=\"ltr\" lang=\"fr\">Un honneur de rencontrer des leaders de la communaut\u00e9 somalilandaise et d&#8217;\u00e9changer avec eux sur les d\u00e9fis que vit le Somaliland principalement suite \u00e0 l&#8217;incendie du march\u00e9 <a href=\"https:\/\/twitter.com\/HargeisaMarket?ref_src=twsrc%5Etfw\">@hargeisamarket<\/a>. Great conversation with representatives of the Canadian Alliance to Rebuild Hargeisa Market <a href=\"https:\/\/t.co\/uQXsxRtoJY\">pic.twitter.com\/uQXsxRtoJY<\/a><\/p>\n<p>\u2014 MFLalonde (@mflalonde) <a href=\"https:\/\/twitter.com\/mflalonde\/status\/1513904498896478217?ref_src=twsrc%5Etfw\">April 12, 2022<\/a><\/p><\/blockquote>\n<p><script async src=\"https:\/\/platform.twitter.com\/widgets.js\" charset=\"utf-8\"><\/script><\/p>\n<p>\u201cSharaf bay ii tahay inaan la kulmo madaxda jaaliyadda Somaliland oo aan ka-wada-hadalnay Caqabada soo wejahay Somaliland kaddib gubashadii Suuqa Hargeysa,\u201d sidaas ayay tidhi xildhibaan MF Lalonde oo intaas ku dartay inay arrimo muhiim ah ka-wada-hadleen Guddiga Canadian Alliance to Rebuild Hargeisa Market.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Xildhiban Garnett Genuis oo maanta la la kulmay Guddiga jaaliyadda Somaliland ee isu-xil-qaamay taageerada dib-u-dhiska Suuqa Waaheen, ayaa ballan-qaaday inuu Dowladda Canada u gudbin doono warbixin ku saabsan xidhiidhka labada waddan iyo sidii Dowladda dalkaasi uga qayb-qaadan lahayd taageerada Dib-u-dhiska Suuqa ugu weyn Somaliland.<\/p>\n<p>Mudane Garnett oo laga soo doorto degmada Sherwood Park ee gobolka Alberta, ayaa arrintan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<blockquote class=\"twitter-tweet\">\n<p dir=\"ltr\" lang=\"en\">Great to meet with <a href=\"https:\/\/twitter.com\/HargeisaMarket?ref_src=twsrc%5Etfw\">@HargeisaMarket<\/a> this morning. I will be submitting a written question to the government about the Canada-Somaliland relationship and supporting the rebuilding of the Hargeisa Market. <a href=\"https:\/\/twitter.com\/hashtag\/cdnpoli?src=hash&amp;ref_src=twsrc%5Etfw\">#cdnpoli<\/a> <a href=\"https:\/\/twitter.com\/hashtag\/Somaliland?src=hash&amp;ref_src=twsrc%5Etfw\">#Somaliland<\/a><\/p>\n<p>\u2014 Garnett Genuis (@GarnettGenuis) <a href=\"https:\/\/twitter.com\/GarnettGenuis\/status\/1514240402005667845?ref_src=twsrc%5Etfw\">April 13, 2022<\/a><\/p><\/blockquote>\n<p><script async src=\"https:\/\/platform.twitter.com\/widgets.js\" charset=\"utf-8\"><\/script><\/p>\n<p>\u201cSharaf bay ii ahayd inaan la kulmo Guddiga Dib-u-dhiska Suuqa Hargeysa. Waxa aan dawladda u gudbin doonaa su\u2019aal qoraal ah oo ku saabsan Xidhiidhka Canada iyo Somaliland iyo taageerada dib u dhiska Suuqa Hargeysa,\u201dsidaas ayuu yidhi Xildhibaan Garnett.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd, ayaa bogaadiyey Guddiga Jaaliyadda Somaliland ee Canada ee dalkaas ka bilaabay ololaha dhaqaalaha loogu ururinayo dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.<\/p>\n<p>Dr Ciise Keyd oo ah muwaadin haysta dhalashada dalka Canada, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan uga mahad-celinayaan dowladdaCanada taageerada dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan aad ugu hanweynahay jaaliyadaha reer Somaliland ee hormuudka ka ah qaadhaan ururinta. Waan ka mahadcelineynaa taageerada Canada,\u201d sidaas ayuu Wasiir Ciise Keyd ku yidhi qoraal\u00a0<a href=\"https:\/\/twitter.com\/DrEssaKayd\/status\/1513929865149435912\">uu soo dhigay bartiisa Twitterka<\/a>.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<blockquote class=\"twitter-tweet\">\n<p dir=\"ltr\" lang=\"en\">Today, the Canadian Alliance to rebuild Waaheen market meet with the Hon. <a href=\"https:\/\/twitter.com\/mflalonde?ref_src=twsrc%5Etfw\">@mflalonde<\/a> to discuss the challenges facing those affected by the fire &amp; Somaliland. I am proud of the Somaliland Diaspora who have been leading the fundraising. We appreciate the support Canada.<\/p>\n<p>\u2014 Dr Essa Kayd (@DrEssaKayd) <a href=\"https:\/\/twitter.com\/DrEssaKayd\/status\/1513929865149435912?ref_src=twsrc%5Etfw\">April 12, 2022<\/a><\/p><\/blockquote>\n<p><script async src=\"https:\/\/platform.twitter.com\/widgets.js\" charset=\"utf-8\"><\/script><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dalka Canada, ayaa kulan la qaatay isbahaysi ay ku midoobeen jaaliyadda Somaliland oo ku hawlan taageerada dib-u-dhiska Suuqa Waaheen oo ku shuf-beelay dab xooggan oo qabsaday suuqaas 1-dii bishan April. Guddigan oo lagu magacabay Isbahaysiga Canada ee Dib-udhiska Suuqa Waaheen, ayaa shalay iyo maanta kulamo kala duwan la qaatay Xildhibaan Marie-France [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67582,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67581","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/canadaaa.jpg?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hA1","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67581","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67581"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67581\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67584,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67581\/revisions\/67584"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67582"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67581"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67581"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67581"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}