{"id":6758,"date":"2015-02-24T10:36:57","date_gmt":"2015-02-24T10:36:57","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6758"},"modified":"2015-02-24T10:36:57","modified_gmt":"2015-02-24T10:36:57","slug":"madaxwaynaha-somaliland-oo-ka-hadlay-ahmiyadda-hagaajinta-madaarradu-dalka-ugu-fadhiyaan-dawladda-kuwait-na-uga-mahadceliyey-terminaalka-cusub-ee-garoonka-berbera","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/24\/madaxwaynaha-somaliland-oo-ka-hadlay-ahmiyadda-hagaajinta-madaarradu-dalka-ugu-fadhiyaan-dawladda-kuwait-na-uga-mahadceliyey-terminaalka-cusub-ee-garoonka-berbera\/","title":{"rendered":"Madaxwaynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Ahmiyadda Hagaajinta Madaarradu Dalka Ugu Fadhiyaan, Dawladda Kuwait-na Uga Mahadceliyey Terminaalka Cusub Ee Garoonka Berbera"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/image13-150x150.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-6760\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/image13-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"image13-150x150\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a><\/h2>\n<h2>Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dawladda Kuwait ugu Mahad celiyey Maalgelinta horumarinta Madaarrada diyaaradaha ee Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Madaarka Hargeysa iyo ka Berbera oo la casriyeeyay.<br \/>\nMadaxwayne Axmed Siilaanyo oo shalay xadhigga ka jaray dhismaha Terminal Casriya oo loo hirgaliyey Madaarka diyaaradaha ee Magaalada Berbera, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan ku faanayaan horumarka laga sameeyay Madaarrada dalka, gaar ahaan ka Berbera oo ah garoonka ugu dhabaha dheer madaarrada dalalka Bariga Afrika.<\/h2>\n<h2>Madaxwaynaha Somaliland oo markii uu xadhigga ka jaray dhismaha Terminaalkaasi oo loogu Magac daray \u201cKuwait Terminal, Berbera International Airport\u201d ayaa waxa uu hadal ka jeediyay Munaasibad ballaadhan loo sameeyay furitaankaasi.<\/h2>\n<h2>Madaxweynaha oo ka hadlaya ahmiyadda Madaarka Berbera dalka ugu fadhiyo ayaa yidhi \u201cAad baan ugu faraxsannahay inaan ka qayb-galo furitaanka dhismaha Terminalka cusub ee dawladda Kuwait inoo dhistay. Ternimalkani ahmiyad weyn ayuu dadkeena iyo dalkeena u leeyahay, waana mid qiimo iyo qaayo leh oo macno weyn inoogu fadhiya oo caalami ah\u201d<br \/>\nMadaxwaynaha Somaliland, wuxuu sheegay in Madaarka Berbera ee la casriyeeyay uu wax weyn ka tarayo dhaqdhaqaaqa duulimaadyada diyaaradaha ka shaqeeya Somaliland \u201cWuxuu wax weyn ku soo kordhinayaa dhaqdhaqaaqa iyo duulimaadyada dalkeena ka socda, waanu mid aynu ku faaneyno\u201d ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray \u201cDawladda Kuwait iyo cid kasta oo gacan ka geysatayba waxaan leeyahay aad iyo aad baad u mahadsan tihiin\u201d<br \/>\nMadaxwaynuhu waxa kale oo uu sheegay inay xukuumad ahaan ku dedaalayaan in wixii waajib ku ah ee la xidhiidha horumarinta dalka ay u qabtaan sida ugu fiican \u201cInnagu waxaynu ku dedaalaynaa in wixii xil ah ee inagu waajiba aynu wanaajinno oo aynu qabanno, markaa wixii xil ah ee dadka iyo dalka innagaga soo beegma waa inaynu si buuxda u fulinno\u201dayuu yidhi.<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dawladda Kuwait ugu Mahad celiyey Maalgelinta horumarinta Madaarrada diyaaradaha ee Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Madaarka Hargeysa iyo ka Berbera oo la casriyeeyay. Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo shalay xadhigga ka jaray dhismaha Terminal Casriya oo loo hirgaliyey Madaarka diyaaradaha ee Magaalada Berbera, ayaa sheegay inay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6760,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6758","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1L0","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6758","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6758"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6758\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6758"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6758"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6758"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}