{"id":6750,"date":"2015-02-24T10:26:24","date_gmt":"2015-02-24T10:26:24","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6750"},"modified":"2015-02-24T10:26:24","modified_gmt":"2015-02-24T10:26:24","slug":"somaliland-iyo-jabuuti-oo-ku-kala-aragti-duwan-goaanka-lagu-xidhay-xuduudka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/24\/somaliland-iyo-jabuuti-oo-ku-kala-aragti-duwan-goaanka-lagu-xidhay-xuduudka\/","title":{"rendered":"Somaliland iyo Jabuuti Oo Ku Kala Aragti Duwan Go&#8217;aanka Lagu Xidhay Xuduudka"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/bcefe2daec5c990af16f04c29ad40c71_L.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-6756\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/bcefe2daec5c990af16f04c29ad40c71_L-300x94.jpg?resize=300%2C94\" alt=\"bcefe2daec5c990af16f04c29ad40c71_L\" width=\"300\" height=\"94\" \/><\/a><\/p>\n<p>Hargeysa(AN)Wasiiir-ku-xigeenka Amniga wasaaradda Daakhiliga Somaliland iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa siyaabo kala fog uga hadlay Tuhunnada amni ee lagu xidhay xuduudka Somaliland iyo Jabuuti oo xidhan tododaabkan.<\/p>\n<p>Xukumadda Somaliland ayaa aaminsan in Jabuuti dhankeeda ka xidhay xuduudka iyadoo aan wax xidhiidh ah kala samayn Somaliland, balse Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku macneeyay adkaynta amaanka xuduudka oo labada dhinac isla Ogyihiin.<\/p>\n<p>Cali Maxamed Cilmi, wasiir-xigeenka Amniga Somaliland, ayaa sheegay in arrinta xidhistu la xidhiidho tuhunno Jabuuti qabto maadaama dhawaan la qarxiyay Somalia, waxaanu meesha ka saaray in go\u2019aan la isla Ogyahay lagu xidhay xuduudka \u201cArrinkaasi wuxuu ahaa mid xaggooda ka yimid oo nabadgalyadooda ayay taxadar u samaynayaan, laakiin, muu ahayn arrin laga wada hadlay\u201d ayuu yidhi Wasiirka oo Saylac kula hadlay saxaafadda Somaliland.<\/p>\n<p>Dhanka kalena Madaxweynaha Jabuuti oo VOA-da la hadlayay ayaa sheegay in arrintu tahay adkaynta amaanka xuduudka balse aanay ahayn xidhis rasmi ah \u201cMa Ogi, mana jirto xidhis ee kaantarool baa jira, lama hakine waa in hagaag loo baadho, waana wax ay Somaliland iyo dadkayaguba isla Ogyihiin\u201d ayuu yidhi Madaxweyne Geelle, waxaanu intaas raaciyay in tuhunka la qabaa la xidhiidho Al-shabaab.<\/p>\n<p>Wasiir-ku-xigeenka amniga Somaliland oo maalmihii u dambeeyay Jabuuti joogay ayaa sheegay inay laamaha amaanka jabuuti isla afgarteen in xayiraada laga qaado Baabuurta Xamuulka Bulshada sida, lana sii daynayo gaadiidka khudaarta iyo Caanaha sida.<\/p>\n<p>Dhanka kalena Xogo wargeyska Waaheen Baahiyay ayaa sheegaya in labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti iska kaashanayaan sidii baadhis xeel dheer loogu samayn lahaa Tuhunka ah amni darro ku soo foodleh Jabuuti. Xogaha ayaa sheegaya in saraakiisha sare ee Boolisku halkaasi baadhis u joogaan kuna samayn doonaan baadhis qoto dheer tuhunnada jira.<br \/>\n<!--EndFra--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)Wasiiir-ku-xigeenka Amniga wasaaradda Daakhiliga Somaliland iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa siyaabo kala fog uga hadlay Tuhunnada amni ee lagu xidhay xuduudka Somaliland iyo Jabuuti oo xidhan tododaabkan. Xukumadda Somaliland ayaa aaminsan in Jabuuti dhankeeda ka xidhay xuduudka iyadoo aan wax xidhiidh ah kala samayn Somaliland, balse Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku macneeyay adkaynta amaanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6756,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6750","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1KS","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6750","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6750"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6750\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6750"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6750"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6750"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}