{"id":6749,"date":"2015-02-24T10:22:53","date_gmt":"2015-02-24T10:22:53","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6749"},"modified":"2015-02-24T10:22:53","modified_gmt":"2015-02-24T10:22:53","slug":"gudoomiye-cirro-oo-soo-bandhigay-dhibaatooyin-somaliland-cagaha-la-gali-karto-haddii-muddo-kordhin-sharci-darro-ah-loo-sameeyo-madaxweyne-siilaanyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/24\/gudoomiye-cirro-oo-soo-bandhigay-dhibaatooyin-somaliland-cagaha-la-gali-karto-haddii-muddo-kordhin-sharci-darro-ah-loo-sameeyo-madaxweyne-siilaanyo\/","title":{"rendered":"Gudoomiye Cirro Oo Soo Bandhigay Dhibaatooyin Somaliland Cagaha La Gali Karto Haddii Muddo Kordhin Sharci Darro Ah Loo Sameeyo Madaxweyne Siilaanyo"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/04e3608e0a2c5bf59d9e87f81ff11be3_L.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-6751\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/04e3608e0a2c5bf59d9e87f81ff11be3_L-300x200.jpg?resize=300%2C200\" alt=\"04e3608e0a2c5bf59d9e87f81ff11be3_L\" width=\"300\" height=\"200\" \/><\/a><\/p>\n<p>Hargeysa(AN)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa soo bandhigay dhibaatooyin ay suuro gal tahay in Somaliland cagaha la gasho haddii doorashada dib loo dhigo ama muddo kordhin sharci darro ah loo sameeyo Xukumadda.<\/p>\n<p>Qoraal uu arrintan ka soo saaray wuxuu ku yidhi Mudane Cabdiraxmaan cirro Sidan:-<\/p>\n<p>\u201cCawaaqibka ka dhasha Muddo kordhin aan Sharci ahayn Oo Loo Sameeyo Madaxweyne Siilaanyo waxay keenaysaa:-<\/p>\n<p>1.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Khilaaf siyaasi ah oo aan la mahadin, iyo in dib loogu noqdo Jahwareerkii sannadihii 2008-2009;<\/p>\n<p>2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Khatar horleh oo soo wajahda Midnimada Somaliland, taas oo ku soo biirta xaaladda imikaba ka jirta Galbeedka iyo Bariga Somaliland, iyo in dadku ka aamin baxaan Hay\u2019addaha ugu sarreeya dawladda, taasina ay keenayso in Somaliland wajahdo caqabadaha ka jira Gobolkan aan xasiloonayn;<\/p>\n<p>3.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Waxay keenaysaa Shaki ay qaadaan Saaxibada Somaliland ee ay ka go\u2019an tahay hirgalinta geedi socodka Dimuqraadiyadda;<\/p>\n<p>4.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Haddii dib loo dhigo Doorashada Somaliland ee 26-06-2015, waxay ku fidi kartaa doorashada 2016-ka ee Dawladda federalka ah ee Somalia, taasina waxay keeni kartaa cawaaqib aan dan u ahayn Somaliland mustaqbalkeeda.\u201d<\/p>\n<p>Gudoomiye Cirro ayaa dhawaan soo bandhigay Mawqifka Xisbigiisu ka taagan yahay doorasho dib loo dhigo waxaanu sheegay inay doonayaan in Golaha wakiilada iyo Xukumaddaba\u00a0 la kala diro markay gaadho 26-ka June.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa soo bandhigay dhibaatooyin ay suuro gal tahay in Somaliland cagaha la gasho haddii doorashada dib loo dhigo ama muddo kordhin sharci darro ah loo sameeyo Xukumadda. Qoraal uu arrintan ka soo saaray wuxuu ku yidhi Mudane Cabdiraxmaan cirro Sidan:- \u201cCawaaqibka ka dhasha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6751,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6749","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1KR","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6749","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6749"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6749\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6749"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6749"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6749"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}