{"id":67421,"date":"2022-03-31T15:52:19","date_gmt":"2022-03-31T15:52:19","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67421"},"modified":"2022-03-31T15:52:19","modified_gmt":"2022-03-31T15:52:19","slug":"facebook-ma-waxay-ka-jawaabtay-dacwad-somaliland-u-gudbisay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/31\/facebook-ma-waxay-ka-jawaabtay-dacwad-somaliland-u-gudbisay\/","title":{"rendered":"Facebook, Ma Waxay Ka Jawaabtay Dacwad Somaliland U Gudbisay ?"},"content":{"rendered":"<p>Nairobi (Arabsiyo) &#8211; Shirkadda META ee uu hoos tago Facebook, ayaa shaqada ka joojisay Shaqaale ka hawl-galayay Xafiiska Facebook ee Bariga Afrika oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.<\/p>\n<p>Daniel Motaung oo ka mid ah shaqaalaha la caydhiyey ayaa dacwad liddi ku ah go&#8217;aanka Shirkadda Facebook ay shaqada kaga caydhiyey ka furtay maxkamad ku taalla Nairobi.<\/p>\n<p>Shaqaalaha shaqada laga caydhiyey, ayaa Heshiis kula jiray shirkad xarunteedu tahay Magaalada San Fransisco ee dalka Maraykanka, taasi oo lagu magacaabo SAMA oo Facebook kala Shaqaysa Kala-haadinta Xogta lagu baahiyo barta F (Content Moderatio).<\/p>\n<p>Warka ayaa Intaa ku daraya In Shaqaalaha Shirkadda Meta ee Facebook hoos tago shaqada ka caydhisay ay ku jiraan Dad Soomaali ah, kuwaasi oo Shirkadda uga hawl-galayey Nairobi, Kenya.<\/p>\n<p>Illaa hadda si rasmiya looma oga sababta shaqada looga caydhiyey Hawl-wadeennada Soomaalidu ku jirto ee Facebook uga hawl-galayey Xaruntiisa Nairobi, balse arrintan ayaa ku soo beegmaysa laba Maalmood ka dib, markii Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Suufi uu sheegay inay xidhiidh la sameeyeen Shirkadda Facebook, ka dib markii la jabsaday Bogga Guud ee Wasaaraddu ku leedahay Facebook, laguna baahiyey muuqaallo aan wanaagsanayn, sidaasi darteed Tallaabada uu Facebook ku caydhiyey Shaqaalahoodii bariga Afrika qaarkood, ayaa noqon karta mid jawaab u ah dacwadda Somaliland u gudbisay Shirkadda Facebook, maaddaama oo xubnaha la eryey qaabilsanaayeen la socodka waxyaabaha lagu baahiyo Bogagga Facebook iyo weliba ka hor-tagga baahinta qoraallada, sawirrada iyo Muuqaallada anshaxa ka baxsan isla-markaana baahintoodu ka hor imanayso siyaasadda guud ee shirkadda Facebook<\/p>\n<p><!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_220331_184800_232.sdocx--><\/p>\n<h2><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office<\/strong><\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Nairobi (Arabsiyo) &#8211; Shirkadda META ee uu hoos tago Facebook, ayaa shaqada ka joojisay Shaqaale ka hawl-galayay Xafiiska Facebook ee Bariga Afrika oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Daniel Motaung oo ka mid ah shaqaalaha la caydhiyey ayaa dacwad liddi ku ah go&#8217;aanka Shirkadda Facebook ay shaqada kaga caydhiyey ka furtay maxkamad ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67422,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-67421","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/download-25.jpeg?fit=276%2C183&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hxr","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67421","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67421"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67421\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67423,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67421\/revisions\/67423"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67422"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67421"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67421"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67421"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}