{"id":67381,"date":"2022-03-29T15:49:37","date_gmt":"2022-03-29T15:49:37","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67381"},"modified":"2022-03-29T15:49:37","modified_gmt":"2022-03-29T15:49:37","slug":"madaxweynaha-somaliland-oo-ka-qaybgalay-aas-qaran-oo-loo-sameeyey-marxuum-cabdiqaadir-xaashi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/29\/madaxweynaha-somaliland-oo-ka-qaybgalay-aas-qaran-oo-loo-sameeyey-marxuum-cabdiqaadir-xaashi\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Cabdiqaadir Xaashi."},"content":{"rendered":"<div dir=\"auto\">Hargeysa-29-03-2022-(Arabsiyonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa galabta ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Baqiic ee Waqooyiga caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee dalka.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan, madax katirsan hay\u2019adaha madaxa bannaan ee qaranka, xildhibaanno, madaxda dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa oo uu hormuud u ahaa maayarka caasimadu, siyaasiyiin, ehelka marxuumka iyo boqollaal katirsan shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo kamid ahaa hormuudka ganacsiga Huteellada casriga ee Somaliland ka hanaqaaday.<\/div>\n<div dir=\"auto\">Aaska qaran ee loo sameeyey marxuumka, ayaa waxa hadallo tacsi loogu dirayo ehelka, laguna sheegayo wanaaggii iyo samo-falkii marxuumka, ka jeediyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo ay aqoon isu lahaayeen marxuumka, kuwaas oo ku dheeraaday sidii uu caanka ugu ahaa garab istaagga dadka jilicsan iyo samo-falkaba.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo goobta jinaasada ka hadlay, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi ka baxay, waxana uu ku sifeeyey addoon wanaag badan iyo samo-fal hormarsaday.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Madaweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey hal-abuure ganacsi oo maskax furnaa, xilli duruufo adagi jiraanna ku dhiirraday inuu dalkiisa maalgashado,\u201cCabdiqaadir Xaashi wuxuu ahaa nin hal-abuur leh oo ganacsiga Ilaahay u fududeeyey, weliba muddadaa soddonka sanno ah ee dalka lagu soo noqday hal-abuur weyn iyo Hudheello waaweyn abuuray, intaasna garab waday samo-fal badan oo dadka danyarta ah,\u201d ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, ayaa kamid ahaa mulkiilihii huteellada Maansoor ee ka dhisan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, waxana uu dhawaan ku geeriyooday dalka India oo caafimaad ahaan loo geeyey, maantana dalka la keenay, laguna aasay.<\/div>\n<div dir=\"auto\">Wa-bilaahi Tawfiiq<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Arabsiyonews.com<\/div>\n<div dir=\"auto\">Hargeysa Office<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa-29-03-2022-(Arabsiyonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa galabta ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Baqiic ee Waqooyiga caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee dalka. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan, madax katirsan hay\u2019adaha madaxa bannaan ee qaranka, xildhibaanno, madaxda dawladda Hoose [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67383,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-67381","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/maxresdefault-47.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hwN","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67381","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67381"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67381\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67382,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67381\/revisions\/67382"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67383"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67381"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67381"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67381"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}