{"id":67352,"date":"2022-03-27T20:18:21","date_gmt":"2022-03-27T20:18:21","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67352"},"modified":"2022-03-27T20:18:54","modified_gmt":"2022-03-27T20:18:54","slug":"al-shabaab-oo-sheegatay-inay-dishay-25-ka-mid-ah-ciidamada-puntland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/27\/al-shabaab-oo-sheegatay-inay-dishay-25-ka-mid-ah-ciidamada-puntland\/","title":{"rendered":"Al-shabaab Oo Sheegatay Inay Dishay 25 Ka Mid Ah Ciidamada Puntland"},"content":{"rendered":"<p>Puntland (Arabsiyo) &#8211; Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa sheegtay inay 12 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab ay ku dileen weerar ay saaka waaberigii ku soo qaadeen deegaanka Af-urur oo ka tirsan Gobolka Bari.<\/p>\n<p>Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in khasaaraha dhinacooda uu gaadhayo dhimashada shan askari iyo dhaawaca ku dhawaad 10 askari oo ciidanka Daraawiishta ah.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay inay 25 askari iyo saraakiil ciidan ay ku dileen weerarka ay ku qaadeen deegaanka Af-urur.<\/p>\n<p>Al-shabaab Waxay baraha bulshada soo dhigeen sawirrada iyo magacyada qaar ka mid ah askarta iyo saraakiisha ay sheegteen inay dagaalka ku dileen.<\/p>\n<p>Al-shabaab waxay sheegtay inay cagta mariyeen saldhigga Af-urur, isla-markaana ay la wareegeen gaadiid dagaal, balse ma jiraan warar madax bannaan oo arrintaas xaqiijiyay. Inkastoo mid ka mid ah madaafiicda ay ku soo tuureen saldhigga Af-urur uu haleelay mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Puntland.<\/p>\n<h6>Waa markii labaad oo Al-shabaab ay weerar toos ah\u00a0 ku qaadaan deegaanka Af-urur oo 70km u jira magaalada Boosaaso.<\/h6>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h2><em><strong>Arabsiyonews Desk<\/strong><\/em><!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_220327_231528_125.sdocx--><\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Puntland (Arabsiyo) &#8211; Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa sheegtay inay 12 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab ay ku dileen weerar ay saaka waaberigii ku soo qaadeen deegaanka Af-urur oo ka tirsan Gobolka Bari. Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in khasaaraha dhinacooda uu gaadhayo dhimashada shan askari iyo dhaawaca ku dhawaad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67353,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-67352","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/2022327637839901513238928.jpg?fit=640%2C407&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hwk","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67352","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67352"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67352\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67355,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67352\/revisions\/67355"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67353"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67352"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67352"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67352"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}