{"id":6732,"date":"2015-02-23T12:16:11","date_gmt":"2015-02-23T12:16:11","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6732"},"modified":"2015-02-23T12:16:11","modified_gmt":"2015-02-23T12:16:11","slug":"hargeysa-garabyadii-sonyo-oo-qabsaday-munaasibad-ay-isku-laab-xaadheen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/23\/hargeysa-garabyadii-sonyo-oo-qabsaday-munaasibad-ay-isku-laab-xaadheen\/","title":{"rendered":"Hargeysa Garabyadii SONYO Oo Qabsaday Munaasibad Ay Isku Laab-xaadheen"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/DSC00800-150x150.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-6733\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/DSC00800-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"DSC00800-150x150\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a><\/h2>\n<h2>Dalladaa ururrada dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa habeen hore xaflad ballaadhan ku qabatay xarunteeda Magaalada Hargeysa, taasi oo ujeeddadeedu ahayd in la iclaamiyo heshiis rasmi ah oo ay gaadheen labadii garab ee ku kala qaybsamay shirwayinihii 7aad ee dalladdaasi.<\/h2>\n<h2>Munaasibadan ayaa ahayd Mid kulmisay madaxda xisbiyada Mucaaradka iyo Mucaafidka Somaliland, Xildhibaano, Wasiirro, Hogganka iyo ururada dhalinyarada Sonyo oo midaysan. Waxaana goobtaasi ay hoggaanka Ururka dhalinyarada SONYO ku soo bandhigeen kalsooni iyo isu tanaasul ay u sameeyeen jiritaanka daldadda, iyagoo goobta ka sheegay in ay gacmaha isu qabsan doonaan sidii looga shaqayn lahaa musaqbalka iyo Midnimada dhallinyarada Somaliland<\/h2>\n<h2>Ugu horay waxa xafladaasi ka hadlay Agaasimaha SONYO Siciid Maxamed Axmed\u00a0 waxaanu yidhi\u201d Waxanu madaxda iyo bulshada halkan iskugu timi ka codsanaynaa inaad nagu taageertaan duco hambalyo iyo bogaadin kaliya oo intiina siyaasada diyaarka u ahi aad naga daysaan si aynu hoolka uga baxno inaga oo faraxsan oo midaysan sidaa maantaba ay Sonyo umidaysantahay.\u201c ayuu yidhi agaasime siciiid.<\/h2>\n<h2>Waxa isna goobta ka hadlay Cabdicasiis Xirsi Warsame, Agaasimaha Sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland, kaasi oo hore u hoggaaminayey\u00a0 garab ka mid ah garabadii ay Sonyo u kala jabtay isla mar ahaantaasina ah shaqsiga tanaasulka sameeyey \u201cWaxa sharaf noo ah inaanu u dabaal dagno maalinta dhalinyarada somaliland anagoo ugu talo galnay xus iyo xasuus lagu xasuusanayo dhalinyaradii ufo ee halganka dheer soo gashay ee diiday dulmigii badnaa ee dalka lagu hayey , sidii dadkii iga horeeyey ay sheegeen Sonyo waxa weeye madal midnimo madal walaalnimo madal isjcayl madala waxyaabihii Sonyo aanu u aasaasnay laga heli doono , inadan baa la sheegayey markii hawlaha sonyo socdeen xisbiyada, xisbiyada waxanu ukala jecelnahay sida ay dhalinyarada u kala jecel yihiin waxaanu u kala taageeridoonaa sida ay dhalinyarada u soo kala dhawaystaan.\u201d<\/h2>\n<h2>Waxa isna goobtaasi khudbad ka jeediyey gudoomiyaha cusub ee dallada dhalinyarada Sonyo, Siyaad Cumar Cali po ka hadlay milgaha iyo qiimaha ay dhalinyarada iyo guud ahaanba dadka somaliland u leedahay maalinta xuska dhalintii UFO ee dulmiga ka dhiidhiday waxaanu u mahad celiyey cid kasta oo ka qayb qaadatay midnimada iyo walaaltinimada ay Sonyo ku wada fadhido \u201dWaxan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dadkii muujiyey dadaalka lagu midayayey ee laysugu soo dhawaynayey dalada SONYO haday noqoto bulshada rayidka ah ganacsatada iyo xubnaha dawladaba aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa. Taariikhdana waxad kaga suntan tihiin baal dahab ah, waxanan ilaawi karayn Hubaashii maalinta ku beegan 20 Febaury Geesiyaashii diiday ee go,aansaday inay tuuraan heeryadii gumaysiga xuskaa qiimaha leh ee aanu ku xusayno waxan umalaynayaa waa markii koowaad ee uu xuskani gaadho Ugu yaraan 13 Magaalo oo ka mid ah magaaloyinka somaliland Laga bilaabo saylac ilaa badhan xalay gabilay bay ka qabsoontay waxay ka socotaa Boorama, Berbera, Burco, Laascaanood maanta (Doraad) ayey ka dhacday markaa dadaalkii ay halyeyeadaasi muujiyeen inaanu anaguna halkaa ka sii qaadno oo aanu gaadhsiino somaliland dagmo ilaa gobal ayaa naga go,an\u201d ayuu yidhi gudoomiyaha Cusub ee dalada Dhalinyarada Sonyo.<\/h2>\n<h2>Dhinaca kale waxa iyaguna ka hadlay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin gudoomiyeyaasha Xisbiyada Qaranka, xildhibaano iyo xubno kale oo kale oo marti sharafta ka mid ahaa\u00a0 Dhinaca kale waxa iyana goobta ka hadlay Boobe yuusuf ducaale oo ka mid ah dadka ku abtirsada dalada dhalinyarada Sonyo isla mar ahaantaasina in badan la shaqayn jiray dhalinta dalada Sonyo \u201cHalkan waxan taagnahay aniga oo ah dadka saaxiibka la ah SONYO\u00a0 waxan iskugu keen danbaysay habeeenkii aynu ku kala dhaqaaqnay 28 Actobar Markii aynu ku kala dhaqaaqnay Huteel Ambassador waxaana isugu keen xigtay Caawa (habeen hore) oo aad isku timaadeen. Waxaan halkan ka hanbalyeynayaaa cid alaala cidii ka hawl gashay isu soo dhawynta dalada SONYO\u00a0 inay horgasho kuwaasaynu u hadinaynaa ilaahayna haka abaal mariyo\u00a0 oo uu ugu horeeyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada sidii halkan laga ssheegayey anagu Sonyo-dii hore ayanu ka mid nahay\u00a0 waxaanan ognahay dareemada dadkii barigaa dagaalamayey ee aad maalintoodan suntateen oo intii noolaydna ay maalmahan oo dhan ciil la seexan lahayd intii dhimatayna ay luxudka qaban wayday imaatinkaa aad isku itimadeen marna waxa uu guul uyahay sonyo marna ileen waydikan tahribayee qaarna taangi bay halkan ku soo galeeyeen oo kulaynayey wax alaale waxay ku dhimanayeena garanmayno \u201c ayuu yidhi Muj Boobe Yuusuf Ducaale.<\/h2>\n<h2>Waxa iyana hadal gaaban oo amaan iyo bogaadin ubadan goobta ka jeedisay Marwo faadimo siciid oo iyana ka mad ahaa dadkii laf dhabrta u ahaa daladan Sonyo\u00a0 iyo badi ururada dhalinta somaliland.\u201d Marka doorasho la eego doorashadii ugu danbaysay ee aan anigu ka soo qaybgalay waa taan gacantayda\u00a0 ku qabtay waxay ahayd tii wacays iyo axmed abakor\u00a0 waan xasuustaa inbadan baad kala xanaaqdeen waa tii qaar aan ampsador aan la galay Waan xasuutaa\u00a0 in qaaar xanaaqeen\u00a0 oo yidhaahdeen waan ka baxaynaa Maxaa yeelay waanu ku dulmanahay (Reer Burco) oo waanu ka baxay naa\u00a0 Waxan ku idhi ma waxad doonaysaan in dadku yidhaahdaan dhalinyaradii way arin san kari waayeen\u00a0 ma waxad doonaysaan in layidhaahdo sonyo way baaba,day, waxan ku qasbay inay doorashadii dhacdo\u00a0 waxaanan ku idhi\u00a0 walhi inaydaan baxayne waad fadhiisayanaysaan oo intii la odhan lahaa qoladaasaa cadhootay ha codaynina laakiin fadhiya\u00a0 dabadeedn waajibkiina mara\u00a0 waxaanan ka dagaalamaynay in halkaa lagu kala dareero oo la yidhaahdo\u00a0 waa lakala cadhooday \u201c<\/h2>\n<h2>Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro\u00a0 Iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland dhamaantoodna waxay ku dheeraadeen muhiimadda ay leedhay maalinta dhallinyarada Somal;iland iyagoo dhanka kalena xusay in Midnimadu ay tahay qaabka ugu haboon ee loo horin marin karo dhallinyarada somaliland waxaanay duco iyo hambalyo u direen dhinacyada ku heshiiyey hogaanka Sonyo.<\/h2>\n<h2>Gabo gabdii waxa munaasibada ka hadlay wasiika dhalinyarada iyo ciyaaraha cali siciid raygal oo si wayn uga hadlay qiimaha ay leedahay maalintan xuska dhalinyarada somaliland ee ufo hambalyona udiray midnomada dalada dhalinyarada sonayo\u201d waa maalin taariikh leh waa maalin ubaahan in mar walba la xuso oo la xasuuto\u00a0 somlalilnad waa maalin xasuus badan leh halkan madaxdii\u00a0 ka hadashay nin waliba waxa uu cadeeyey dhibaatadii ay muteen dhalinyaradaasi\u00a0 waa wax aad iyo aad looga murugoodo laakiin waxa inoo farxad ah oo inoo nasiib wanaag ah\u00a0 inaynu kuwaa iyo kuwii ka danbeyey ee dagaalamayeyeba\u00a0 inay inoo horseedaan inaynu helno nbada galyo iyo madaxbanaani\u00a0 iyo horumar dalkeenii iyo dadkeenii uu ku noolyahay taasaana faraxad inoo ah\u201d<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dalladaa ururrada dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa habeen hore xaflad ballaadhan ku qabatay xarunteeda Magaalada Hargeysa, taasi oo ujeeddadeedu ahayd in la iclaamiyo heshiis rasmi ah oo ay gaadheen labadii garab ee ku kala qaybsamay shirwayinihii 7aad ee dalladdaasi. Munaasibadan ayaa ahayd Mid kulmisay madaxda xisbiyada Mucaaradka iyo Mucaafidka Somaliland, Xildhibaano, Wasiirro, Hogganka iyo ururada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6733,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6732","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1KA","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6732","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6732"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6732\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6732"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6732"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6732"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}