{"id":67267,"date":"2022-03-21T14:24:41","date_gmt":"2022-03-21T14:24:41","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67267"},"modified":"2022-03-21T14:24:41","modified_gmt":"2022-03-21T14:24:41","slug":"somaliland-waxay-cadaysay-in-ay-tahay-deegaan-xasiloon-horumarsan-dimoqraadiya-senetor-chris-van-hollen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/21\/somaliland-waxay-cadaysay-in-ay-tahay-deegaan-xasiloon-horumarsan-dimoqraadiya-senetor-chris-van-hollen\/","title":{"rendered":"\u201cSomaliland Waxay Cadaysay in ay Tahay Deegaan Xasiloon, Horumarsan Dimoqraadiya\u201d Senetor Chris Van Hollen"},"content":{"rendered":"<p>Senatarrada Maraykanka ee kala ah Jim Risch, oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Senate-ka, Chris Van Hollen iyo Mike Rounds, oo ah xubin ka tirsan guddi-hoosaadka Afrika ayaa todobaadkan soo bandhigay Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka, kaas oo dhigaya in Wasaaradda Arrimaha Dibedda USA ay warbixin ka siiso Congress-ka la macaamilka Somaliland.<\/p>\n<p>Senetarradan ayaa sidoo kale soo gudbiyey in iyada oo lala tashanayo wasiirka difaaca Maraykanka la sameeyo daraasad la xidhiidha sidii loo samayn lahaa xidhiidh iskaashi oo dhex mara Maraykanka iyo Somaliland.<\/p>\n<p>Xildhibaan Jim Risch oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi \u201cWaqtigan adag ee arrimaha caalamiga ah iyo Geeska Afrika, Maraykanku waa inuu sahamiyaa dhammaan xidhiidhada suurtagalka ah ee faa\u2019idada u leh labada dhinac, , oo aynaan isku koobin habab siyaasadeed oo duugoobay iyo qaab-dhismeed diblomaasiyadeed oo aan ku habboonayn xallinta caqabadaha maanta taagan.\u201d<\/p>\n<p>Chris Van Hollen oo ka mid ah senetarrada soo bandhigay Xeerka Iskaashiga Somaliland, ayaa isna sheegay in \u201cIyadoo Geeska Afrika uu wajahayo xaalad deggenaan la\u2019aan ah, kor u qaadista iskaashiga aan la leenahay kuwa gobolka ee qiimeeya maamulka dimuqraadiga ah iyo xorriyaadka aasaasiga ah ayaa fure u ah horumarinta danaha Mareykanka, hagaajinta xasilloonida gobolka, iyo taageeridda ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha.<\/p>\n<p>Senetor Chris Van Hollen oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas u daray in \u201cMuddo tobannaan sano ah, ay Somaliland caddaysay in ay tahay deegaan xasilloon, dimoqraadiyad horumarsan iyadoo isla markaana ku dhex jirta bad colaadeed\u201d.<\/p>\n<p>Van Hollen ayaa intaas ku daray in taasi ay tahay sababta loo kordhinayo fursadaha la macaamilka Mareykanka ee Somaliland oo ay macnaha u yeelanayso \u201cSharcigayagu waxa uu gacan ka gaysan doonaa hubinta in Maraykanku uu sahamiyo fursadaha waaweyn ee xidhiidhkan faa\u2019iidada leh.\u201d<\/p>\n<p>Hay\u2019adda The Heritage Foundation ayaa ah hay\u2019ad kor u qaadda siyaasadaha guud ee ku salaysan mabaadi\u2019da ganacsiga xorta ah, dawlad xaddidan, xorriyadda shakhsi ahaaneed, qiyamka Maraykanka ee soo jireenka ah, iyo difaac qaran xooggan.<\/p>\n<p>Hay\u2019addan ayaa sidoo kale qaabilsan cilmi baarista, midaynta dhaqdhaqaaqa muxaafidka si ay u wada shaqeeyaan iyo tababarka Hogaamiyayaasha \u2014si loo diyaariyo jiilalka mustaqbalka ee hogaamin doona Ameerika.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Hay\u2019adda The Heritage Foundation oo ah hay\u2019ad ka shaqaysa arrimaha kor u qaaddista siyaasadaha guud ee ku salaysan mabaadi\u2019da ganacsiga xorta ah, xidhiidhada caalamiga ah, qiyamka Maraykanka ee soo jireenka ah, iyo arrimaha difaaca ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka mid tahay meelaha ugu istiraatijisan Afrika.<\/p>\n<p>Ha\u2019yadda ayaa sidoo kale Somaliland ku ammaantay in soddonkii sanno ee la soo dhaafay ay dhisatay dimuquraadiyad weli sii xoogaysanaysa iyada oo sidoo kale qayb weynna ka qaadatay xasilloonida gobolka.<\/p>\n<p>Heritage Foundation ayaa waxyaabaha kale ee Somaliland ay ku ammaantay ku soo dartay in sannadkii 2020-kii, ay xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysatay Taiwan.<\/p>\n<p>Hay\u2019addan ayaa boggeeda ku daabacday in aanu jirin dal ka mid ah caalamka oo wali u aqoonsaday in Somaliland ay madax-bannaan tahay, inkasta oo si madax bannaan ay ku dhaqmi jirtay soddonkii sano ee la soo dhaafay.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Senatarrada Maraykanka ee kala ah Jim Risch, oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Senate-ka, Chris Van Hollen iyo Mike Rounds, oo ah xubin ka tirsan guddi-hoosaadka Afrika ayaa todobaadkan soo bandhigay Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka, kaas oo dhigaya in Wasaaradda Arrimaha Dibedda USA ay warbixin ka siiso Congress-ka la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67169,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67267","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/maxresdefault-22.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-huX","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67267","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67267"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67267\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67269,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67267\/revisions\/67269"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67169"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67267"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67267"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67267"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}