{"id":67251,"date":"2022-03-20T19:54:01","date_gmt":"2022-03-20T19:54:01","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67251"},"modified":"2022-03-20T19:56:41","modified_gmt":"2022-03-20T19:56:41","slug":"madaxweyne-biixi-oo-la-waydiiyey-in-maraykanku-uu-waydiistay-saldhig-ciidan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/20\/madaxweyne-biixi-oo-la-waydiiyey-in-maraykanku-uu-waydiistay-saldhig-ciidan\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Biixi Oo La Waydiiyey In Maraykanku Uu Waydiistay Saldhig Ciidan"},"content":{"rendered":"<p>WASHINGTON (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmahanba socdaal hawleed ku jooga dalka Maraykanka, ayaa xaflad xalay ka dhacday magaalada Arlington ee gobolka Virginia ee duleedka Washington DC kula hadlay dadweynaha Somaliland oo iskaga kala yimi gobolada Maraykanka iyo dalka Canada.<\/p>\n<p>Waraysi uu madaxweyne Biixi laanta Af Soomaliga ee VOA siiyay ka hor munaasibadaasi ayuu ku sheegay inay Maraykanka in badan ka wada hadleen sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen.<\/p>\n<p>Waraysiga waxa kale oo uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xidhiidhka Taiwan, wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland\u00a0 iyo in Itoobiya iyo Somaliland ay ka wada hadleen dekedda Saylac iyo waliba qodobo kale oo qodista shidaalka Somaliland uu ka mid yahay.<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo sidoo kale la waydiiyey in Dawladda Maraykanku kala hadashay inay Saldhig Ciidan ka samaysato Somaliland oo ay xuduud wadaagaan Jabuuti oo quwadaha Adduunka ee Shiinuhu ka mid yahay ay saldhigyo Ciidan ku leeyihiin, ayaa ku jawaabay &#8220;Horta Waddanku markuu xor yahay, Cidda ay wada-hadlayaan ee ay wada gaadhayaan Go&#8217;aamo cid kale dhibaato ku ahayn waa u xor, markaa diyaar baanu u nahay inaanu cid walba wada-hadalno, heshiino oo aanu wax wada qabsano, laakiin heshiiskaa Cid waxba ku yeeli mayno, Jabuutina waa dal aynu jaar nahay, walaalo nahay, wixii iyaga u kordhaa annagana wuu noo kordhay, wixii Annaga noo kordhaana iyagana wuu u kordhay, markaa Jabuuti wanaaggeeda iyo wax wax u Tara mooyaane wax kale ma wadno, iyaduna waa sidaas oo kale, dhulkuna wuu inagu wada filan yahay..&#8221;<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo mar kale la waydiiyey in Maraykanku kala hadlay Inuu Saldhig Ciidan ka samaysto Somaliland iyo in Somaliland arrintaa diyaar u tahay, ayaa ku jawaabay &#8220;Marka la nagala hadlo ayaan kaaga jawaabi..&#8221; ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>Madaxweyne Biixi oo la waydiiyey in Shiinaha oo ka mid ah Quwadaha Adduunku uu ka cadhooday xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland, maaddaama oo uu aaminsan yahay In Taiwan dhulkiisa ka mid tahay, ayaa ku jawaabay inaanu Shiinuhu xaq u lahayn Inuu u cadhoodo Somaliland, maaddaama oo Somaliland tahay dal xaq u leh inuu cidda uu doono xidhiidh la samaysto, marka taa laga yimaaddana uu Shiinuhu u baahan yahay Somaliland, Somaliland-na u baahan tahay Shiinaha &#8220;Shiinuhu wuu u baahan yahay Somaliland, Somaliland way u baahan tahay Shiinaha..&#8221; ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Madaxweynuhu wuxuu sheegay In Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ka socon waayeen dhinaca Muqdisho.<\/p>\n<h3><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office<\/strong><\/h3>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>WASHINGTON (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmahanba socdaal hawleed ku jooga dalka Maraykanka, ayaa xaflad xalay ka dhacday magaalada Arlington ee gobolka Virginia ee duleedka Washington DC kula hadlay dadweynaha Somaliland oo iskaga kala yimi gobolada Maraykanka iyo dalka Canada. Waraysi uu madaxweyne Biixi laanta Af Soomaliga ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67185,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67251","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/FB_IMG_1647467975127.jpg?fit=719%2C480&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-huH","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67251","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67251"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67251\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67252,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67251\/revisions\/67252"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67185"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67251"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67251"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67251"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}