{"id":67248,"date":"2022-03-20T17:07:03","date_gmt":"2022-03-20T17:07:03","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67248"},"modified":"2022-03-20T17:07:03","modified_gmt":"2022-03-20T17:07:03","slug":"dawladda-somaliland-oo-ku-dhawaaqday-dacwad-ka-dhan-ah-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/20\/dawladda-somaliland-oo-ku-dhawaaqday-dacwad-ka-dhan-ah-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Dawladda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Dacwad Ka Dhan Ah Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>USA (Arabsiyo) &#8211; Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay sheegtay inay kiiskeeda Madax-banaanida u gudbinayso Maxkamadaha Caalamiga ah ee Adduunka.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay dacwadda madax-bannaanida Somaliland u gudbinagso maxkamadaha caalamka.<\/p>\n<p>Wasiirka oo khudbad u jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka, ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya ka dacwaynayaan Maxkamadaha waa weyn ee caalamka &#8220;Somaliland waxay leedahay kiis ka adag kii Kosovo ay ku baxday, waxaynu u baahan nahay in aynu dowladda Soomaaliya gayno Maxkamad kasta oo Adduunka ah..&#8221;. Ayuu yidhi Wasiir Ciise Kayd Maxamuud, waxaanu intaa ku daray in Maxkamadaha Afrika, ICJ iyo Carabta ay gaynayaan doodda Somaliland, si ay uga garnaqaan dacwadda Madax-banaanida Somaliland oo uu sheegay inay tahay mid sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba adag.<\/p>\n<p>Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u sheegtay in ay doodda qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland u gudbinayso baarlamaanada dowladaha caalamka, ka dib markii Wasaaradda arrimaha dibeddu bishii hore ee sannadkan iskugu yeedhay wakiillada Somaliland ee dalalka Caalamka.<\/p>\n<p>Hadalka Wasiir Kayd, ayaa ku soo beegmaya xilli Dawladda Maraykanku diyaarinayso heshiis iskaashi oo dhex mara Somaliland.<\/p>\n<p>Guddiga arrimaha dibedda ee Aqalka Sanet-ka Maraykanka, ayaa Khamiistii soo saaray Sharci jidaynaya in Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanku uu Aqalka Congress-ka Maraykanka u gudbiyo war-bixin ku saabsan sida ay iskaashi u yeelan karaan Somaliland iyo Maraykanku.<\/p>\n<p>Arrimahan ayaa ku yimid, safar shaqo oo Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku joogaan Magaalada Washingto DC, kuwaasi oo halkaa kula kulmay Guddiyada arrimaha dibedda ee Sanet-ka iyo Congress-ka Maraykanka iyo sidoo kale Guddiga Amniga Qaranka Maraykanka ee uu guddoomiyaha u yahay Madaxweynaha dalkaasi Joe Biden.<\/p>\n<p>Weftiga Somaliland oo weli ku sugan Magaalada Washington, ayaa sidoo kale la kulmay Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, gaar ahaan waaxda arrimaha Afrika.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h2><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office<\/strong><\/h2>\n<p><!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_220320_200214_878.sdocx--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>USA (Arabsiyo) &#8211; Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay sheegtay inay kiiskeeda Madax-banaanida u gudbinayso Maxkamadaha Caalamiga ah ee Adduunka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay dacwadda madax-bannaanida Somaliland u gudbinagso maxkamadaha caalamka. Wasiirka oo khudbad u jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67249,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67248","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/download-23.jpeg?fit=199%2C166&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-huE","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67248","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67248"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67248\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67250,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67248\/revisions\/67250"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67249"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67248"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67248"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67248"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}