{"id":67242,"date":"2022-03-20T14:33:09","date_gmt":"2022-03-20T14:33:09","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67242"},"modified":"2022-03-20T14:33:09","modified_gmt":"2022-03-20T14:33:09","slug":"somaliland-hayad-ka-hadashay-weriyeyaal-xidhan-iyo-kuwo-jidh-dil-ka-cawday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/20\/somaliland-hayad-ka-hadashay-weriyeyaal-xidhan-iyo-kuwo-jidh-dil-ka-cawday\/","title":{"rendered":"Somaliland: Hay&#8217;ad Ka Hadashay Weriyeyaal Xidhan Iyo Kuwo Jidh-dil Ka Cawday"},"content":{"rendered":"<p style=\"font-weight: 400;\"><u>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Xarunta xuquuqal iinsaanka Madaxa-banaan ee HRC oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadashay Jidh-dil la sheegay In Hargeysa loogu geystay laba Suxufi.<\/u><\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay HRC oo soo gaadhay War-qabadka Warbaahinta Arabsiyonews.com, ayaa u qornaa sidan &#8220;Xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland, waxay cambaaraynaysa xadhiga iyo jidhdilka loo gaystey suxufiyiinta.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">06\/02\/2022, waxay ciidamada sirdoonka Somaliland xidheen Jamaal Ibraahim Maxamed, oo ah suxufi madax bannaan, xadhigiisa ayaa yimid kadib marki uu bartiisa Facebook ku soo qoray in Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somalialnd, Abdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) Uu is casilayo, urur cusubna furanayo. marka waa la sii daayay waxaana dib loo xidhay 08\/02\/2022, xadhigiisa looma marin wado sharci, ilaa haddana waxa uu ku xidhan yahay xarunta denbi baadhista ee CID mana jiro wax denbi ah oo lagu soo oogey.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Sidoo kale waxa isna 12\/03\/2022, ciidamada sirdoonku qabteen Axmedqani Jaamac Xirsi Tulux, oo ah suxufi ka tirsan Start TV, iyadoo muddo laba cisho ah lagu hayey meel aan la geranayn. 14\/03\/2022, ayaa dib loogu soo xidhay xarunta CID, walina maxkamad lama horgeyn, denbina laguma soo oogin.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Axmedqani waxa la xidhay kadib markii uu bartiisa Facebook ku soo qorey qoraal uu kaga hadlayey arrimaha sicir-bararka iyo abaaraha waddanka ka jira.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Xadhigga Jamaal iyo Axmedqani waxa uu lidi ku yahay Dastuurka Jamuuriyadda Somaliland iyo xeerar ka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. Qodobka 32 (1) ee dastuuka Somaliland waxa u damaanad qaadayaa \u201cin qofku xaq u leeyahay inuu rayigiisa ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah, gabey ah ama qaab kale<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Sidoo kale Dastuurka Somaliland qodobka 27(4) waxa uu dhigaya \u201cwaxa reebban in qofka lagu xidho meel aan xeerku banneyn\u201d.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Dastuurka Somaliland waxa uu sidoo kale dhigayaa in aan qofka xorriyaddiisa si aan sharci ahayn looga qaadi karin. Sida ku cad qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland \u201cqofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bannayn\u201d<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Dhanka kale, waxa Jidh-dil loo gaystay laba weriye oo kale ah Cabdisalaan Maxamed Jaamac (Germany) Iyo Calimahdi Jibriil Hasan Sheekh, iyagoo laga \u00a0qaatey Laabtob iyo telefoon, sidoo kalena khasaare la soo gaadhsiiyey gaadhigii ay wateen, sida ay weriyayaashaasi warbaahinta la wadaageen.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Arintani waxay xadgudub weyn ku tahay dastuurka iyo xeerarka dalka, Dastuurka Jamuuriyadda Somaliland qodobkisa 24 (2) (3) waxa uu sheegayaa\u201c qofku waxuu xaq u leeyahay in la nabadgaliyo jidhkiisa; \u00a0in waxyeelo loo geystaana way reeban tahay.\u201d<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">\u201cQof kasta waxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo, sharaftiisa, sumcaddiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed\u201d.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Xaruntu waxay walaac weyn ka qabta arrimaha soo noqnoqaya ee la xidhiidha cabashada dadweynuhu ka cabanayaan Ciidamada Sirdoonka Qaranka Somaliland iyo xadhigga lagula kaco dadka aragtiyahooda cabira.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Ugu danbayn xarunta xuquuqal insaanku waxay ku baaqaysaa in xorriyaddooda loo soo celiyo suxufiyiinta xidhan iyo in sidoo kale sharciga la horkeeno ciddii jidhdilka u gaysatay labada suxufi ee kale lana xaqdhowro xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniintaas.&#8221;<\/p>\n<p>War-saxaafadeedkan waxa ku saxeexa Y<u>aasmiin Cumar\u00a0 Xaaji Maxamuud oo ah\u00a0<\/u><u>Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka<\/u><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h2><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office<\/strong><\/h2>\n<p style=\"font-weight: 400;\">\n<p style=\"font-weight: 400;\">\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Xarunta xuquuqal iinsaanka Madaxa-banaan ee HRC oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadashay Jidh-dil la sheegay In Hargeysa loogu geystay laba Suxufi. War-saxaafadeed ka soo baxay HRC oo soo gaadhay War-qabadka Warbaahinta Arabsiyonews.com, ayaa u qornaa sidan &#8220;Xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland, waxay cambaaraynaysa xadhiga iyo jidhdilka loo gaystey [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67243,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67242","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/download-20.jpeg?fit=225%2C225&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-huy","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67242","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67242"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67242\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67244,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67242\/revisions\/67244"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67243"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67242"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67242"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67242"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}