{"id":67163,"date":"2022-03-16T10:38:31","date_gmt":"2022-03-16T10:38:31","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67163"},"modified":"2022-03-16T10:38:31","modified_gmt":"2022-03-16T10:38:31","slug":"talowadaagga-congress-ka-marakanka-iyo-xukuumaddiisa-ee-arrinta-somaliand","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/16\/talowadaagga-congress-ka-marakanka-iyo-xukuumaddiisa-ee-arrinta-somaliand\/","title":{"rendered":"Talowadaagga Congress-ka Marakanka iyo Xukuumaddiisa ee Arrinta Somaliand"},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaano ka tirsan Guddida Arrimaha Dibadda ee Aqalka Hoose ee Maraykanka, oo u badan Xisbiga Jamhuuriga ah, ayaa maanta si wadajir ah kula taliyay Xoghayaha Maraylanka ee Arrimaha Dibadda, Mr. Blinken. Taladaas oo tarjumiddeedu tahay sidan:<\/p>\n<p>&#8220;Waxaan u qornay inaan ku boorinno Maamulka Biden inay ka fiirsadaan kordhinta iyo sii wadida xiriirka qotoda dheer ee ay la leeyihiin Somaliland arrimaha ku saabsan danaha diblomaasiyadeed, dhaqaalaha, iyo amniga. Sharci dajiyayaasho iyaga oo dhan labada xisbi Maraykanka waxay xuseen:<br \/>\n1. Goobta juquraafi ahaaneed ee Somaliland ay kaga taalo Gacanka Cadmeed<br \/>\n2. Taageerada joogtada ah ee Somaliland u hayso Dimuqraadiyadda.<br \/>\n3. Is kaashiga ka hortagga argagixisada, budhcad-badeedda, iyo khataraha kale ee amniga ee gobolka.<br \/>\n4. Xidhiidhka Somaliland la yeelatay Taiwan,<br \/>\n5. Fursadaha dhaqaale ee sii kordhaya, oo Maraykanku kula shuraakoobi lahaa Somaliland.<\/p>\n<p>&#8220;Dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Geeska Afrika, waxay xoojiyeen xasilloonida daciifka ah ee gobolka. Waxayna sii xumeeyeen rajadii laga qabay in si nabad ah lagu xalliyo arrimo badan oo gobolka ah iyo mid gaaraba. Iyadoo dagaal sokeeye uu ka socdo Itoobiya, oo ay Eritrea ku lug leedahay; ku soo noqoshada xukunka milatari ee Suudaan; dib u dhac ku yimid doorashada iyo isqabqabsiga siyaasadeed oo sii hurinaya xasilooni darada sii kordheysa ee Soomaaliya. Taas oo ay wehiliso dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee Al-Shabaab. Iyo abaartii ugu xumayd ee uu gobolku soo maray in ka badan afartan sano. Maraykanku waa in uu dib uga fikiraa istiraatijiyadayada hawlgelinta, si wax looga qabto caqabadahan baaxadda leh iyo khataraha ku wajahan danaha amniga qaranka Mareykanka.<\/p>\n<p>&#8220;Somaliland waxay si madaxbanaan u shaqaynaysay muddo soddon sannadood ah. Waxay dhawrtaa amnigeeda, nidaamkeeda maaliyadeed, iyo xidhiidhkeeda ganacsi. Dhowr waddan oo gobolka ah, oo ay ku jiraan Jabuuti, Itoobiya, iyo Kenya, ayaa xidhiidh diblomaasiyadeed iyo ganacsi la leh Somaliland. Inkasta oo dalalkaasi aanay si rasmi ah u aqoonsan madax-bannaanideeda. Qaarkood waxay u muuqdaan inay kordhiyeen xidhiidhkooda sannadkii u dambeeyay.<\/p>\n<p>&#8220;Tusaale ahaan Itoobiya waxay dhawaan cusboonaysiisay wakiilkeeda dublamaasiyadeed, iyadoo dalacsiisay wakiilkeeda Hargeysa, oo la gaadhsiiyay darajada safiirnimo. Kenya waxay Somaliland ka furtay xafiis xidhiidhiye sannadkii hore. Ingiriiska, Midowga Yurub, Imaaraatka Carabta iyo Turkiga ayaa iyaguna wakiilo ku leh Hargeysa.<\/p>\n<p>&#8220;Wada-shaqeynta istiraatijiyadeed ee Somaliland, waxay noqon doontaa mid culus, oo miisaan weyn ku yeelan doonta maalgashiga sii kordhayay ee Shiinuhu ku samaynayo Geeska Afrika. Jabuuti, oo muddo dheer ahayd goobta uu Maraykanku ka soo abaabulo hawlgallada milatari ee Maraykanku ka fuliyo gobolka, ayaa noqotay mid nugul tan iyo markii Shiinuhu hawlgaliyey saldhiggooda badda oo siddeed mayl u jira Camp Lemonnier sannadkii 2017. Hal sano ka dib, laba duuliye oo Maraykan ah ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen weerarkii Laysarada ee Shiinuhu ku ganay. Taas oo hoosta ka xariiqday, khatarta weyn ee loo soo bandhigay hawlgallada Mareykanka, iyo gelitaanka gobolka ee sii socda.<\/p>\n<p>&#8220;Deynta Jabuuti ee Shiinaha ayaa lagu soo waramayaa, inay kor u kacday in ka badan 70 boqolkiiba wax soo saarka guud ee gudaha (GDP) dalkaas. Shiinuhu wuxuu haystaa awood ku filan, oo uu ku heli karo fursada kale oo dalka ah. Waxaana macquul ah inuu ku cadaadiyo Djibouti faa&#8217;iidooyin kale oo siyaasadeed iyo istaraatiijiyadeed oo sii wiiqaya hawlgallada milatari ee Maraykanka.<\/p>\n<p>&#8220;Waxa aad iyo aad muhiim u ah, in dawladda Maraykanku ay raadiso fursadaha kale oo istaraatiijiyadeed, sida gelitaanka madaarka iyo dekedda Berbera ee dib-u-habaynta lagu sameeyay, si aan u ilaalino yoolalkeena dhaqaale iyo amni, ee Geeska Afrika. Si aan uga hortagno maal-gashi kale oo Shiinuhu ku sameeyo Jabuuti. Somaliland waxa ay soo bandhigtay hab dimuqraadi ah, kaas oo si joogto ah iskaga caabiyay ku xad-gudbida Shiinaha. Oo xaqiijin kara joogitaanka Maraykanka ee Gacanka Cadmeed.<\/p>\n<p>&#8220;Somaliland waxa kale oo ay xidhiidh laba geesood ah la samaysatay Taiwan, bishii Sebtember 2020.Taas oo markiiba ay isweydaarsadeen wakiilo . Somaliland iyo Taiwan waxa ay yeesheen xidhiidh dhow, intii lagu jiray xanuunka COVID-19. Taiwan waxay Somaliland siisay tallaalka COVID-19 oo ay ugu deeqday. Maraykanku waa inuu qaado tillaabooyin lagu taageerayo xidhiidhka qotada dheer ee ay samaysteen Somaliland iyo Taiwan.<\/p>\n<p>&#8220;Sida looga baahan yahay Xeerka Ilaalinta Caalamiga ah ee Ilaalinta iyo Kobcinta Xulafada Taiwan (TAIPEI) ee 2019, (PL. 116\u2013135), Xeerkaas oo ugu baaqaya dawladda Mareykanka inay tixgeliso ka-qaybgal dheeraad ah, oo ay la yeelato wadamada xoojiya xidhiidhka Taiwan. Dhanka kale dowladda federaalka Soomaaliya uma jeeddo inay xidhiidh ay la leeto Taiwan.<\/p>\n<p>&#8220;Maamulkan ayaa sheegay in xoojinta dimuqraadiyadda, iyo sare u qaadida Xisbiyada Dimuqraadiga ahi, ay tahay mudnaanta koowaad ee caalamka. Somaliland waxa ay si isdaba joog ah u muujisay awooda ay ku qaban karto doorasho nabad ah, lagu kalsoonaan karo, oo lagu tartamo, waxaanay muujisay inay ka go\u2019an tahay dimuqraadiyada iyo dawlad matalaysay tobaneeyo sano.<\/p>\n<p>&#8220;Hay\u00e0dda USAID waxay iskaashi la samaysay Machadka Caalamiga ah ee Jamhuuriga iyo hay&#8217;adaha kale ee bulshada rayidka ah. Si ay wada jir u taageeraan diyaargarowga doorashada, kor u qaadista daahfurnaanta iyo wacyi gelinta codbixiyayaasha iyo in la geeyo Goobjoogayaal Doorasho. Run ahaantii doorashooyinka Somaliland ee 2021 waxay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee adduunka, ee lagu sugo amniga iyo noqnoqosho la\u00e0an lagu fuliyay habka qiyaasta noolaha ee indhaha (biometric iris scans). Hargeysa waxay samaysay horumar muhiim ah, oo lagu horumarinayo dimuqraadiyadda iyo dawladnimada wax-ku-oolka ah. Maamulka Maraykanka waa inuu raadiyaa sidii loo xoojin lahaa, loogana abaal-marin lahaa, marka gobalku ku noqdo nidaamka dimuqraadiga ah.<\/p>\n<p>&#8220;Anagoo niyadda ku hayna arrimahan siyaasadeed, dhaqaale iyo amni, waxaanu maamulka u soo jeedinaynaa inay kordhiyaan xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay la leeyihiin madaxda Somaliland, safarrada madaxda sare, iyo inay tixgeliyaan joogitaan joogto ah oo Hargeysa ah. Kordhinta iskaashiga ay la leedahay Somaliland waa in ay noqotaa mudnaanta koowaad, oo ay ka wada faa\u2019iidaysan doonaan danaha Maraykanka iyo Somaliland. Waxaan kaaga mahadcelineynaa dareenkaaga muhiimka ah&#8221;.<\/p>\n<p>Xigasho: Somaliland Chronical<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaano ka tirsan Guddida Arrimaha Dibadda ee Aqalka Hoose ee Maraykanka, oo u badan Xisbiga Jamhuuriga ah, ayaa maanta si wadajir ah kula taliyay Xoghayaha Maraylanka ee Arrimaha Dibadda, Mr. Blinken. Taladaas oo tarjumiddeedu tahay sidan: &#8220;Waxaan u qornay inaan ku boorinno Maamulka Biden inay ka fiirsadaan kordhinta iyo sii wadida xiriirka qotoda dheer ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67164,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67163","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/FB_IMG_1647426163310.jpg?fit=515%2C337&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hth","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67163","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67163"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67163\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67165,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67163\/revisions\/67165"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67164"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67163"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67163"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67163"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}