{"id":67124,"date":"2022-03-13T19:33:41","date_gmt":"2022-03-13T19:33:41","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67124"},"modified":"2022-03-13T19:34:08","modified_gmt":"2022-03-13T19:34:08","slug":"maxay-somaliland-ka-faaidaysaa-safarka-madaxweynaha-ee-maraykanka-oo-qaadanaya-19-maalmood","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/13\/maxay-somaliland-ka-faaidaysaa-safarka-madaxweynaha-ee-maraykanka-oo-qaadanaya-19-maalmood\/","title":{"rendered":"Maxay Somaliland Ka Faa&#8217;idaysaa Safarka Madaxweynaha Ee Maraykanka Oo Qaadanaya 19 Maalmood ?"},"content":{"rendered":"<h6>Hargeysa(Arabsiyo) &#8211; Wakiilka Somaliland ee Dalka Mareykanka Ambassador Bashiir Sheekh Cumar Good, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ahmiyadda Somaliland ugu jirta Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo fiidkii caawa si diiran loogu soo dhaweeyey dalka Mareykanka, isla-markaana waxa uu soo bandhigay masuuliyiinta sar sare ee dawladdaasi\u00a0 ee uu kulamada la yeelan doono.<\/h6>\n<p>Mar la weydiiyay Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Mareykanka Bashiir Sheekh Cumar Good ujeeddada Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Biixi ee lagu soo dhaweeyey dalka Mareykanka, ayaa wuxuu ku jawaabay \u201cSafarka Madaxweynuhu waxa uu daaran-yahay, waayadan-ba waxa soo korayay xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Mareykanka ilaa saddexdii sanno iyo dheeraadkii aan soo dhaafnay, marba heer ayuu soo marayay, laakiin si xawli ah ayuu u korayey. Waxa iyaduna soo korodhay duruufo badan oo ka jira Gobolka iyo adduunkaba, taasina oo ay keentay halgan weyn oo ka dhaxeeya Mareykana iyo Shiinaha, waxaana imika ku soo biiray Ruushka. Marka waxaas oo dhan la isku soo xorriyo Somaliland-na waxay tahay Meesha kaliya ee Geeska Afrika ay ka jirto nabad, dimuqraadiyad iyo fir-fircooni. Markaa Maraykanku aad u xiiseeyey Somaliland in la soo dhaweeyo oo wax lala qabsado, taasina ay ku xidhan tahay hawshii badnayd ee aanu gelinay\u201d.<\/p>\n<p>Safiirku waxa kale oo uu sheegay \u201cMarka dawladaha waa weyni uu hirdan Siyaasadeed ku yimaado, waxyaabaha ugu horeeya ee ay ku loolamaan waxa weeyaan meelaha Istaraatijiga ah iyo meelaha Maraakiibta Adduunku maraan ee dhaqaalaha, ammaanka iyo ganacsiga adduunka u muhiimka ah, Sidaasi awgeed waxaad ogtahay inay Somaliland ku taalo bogcad aad ugu muhiima dhinaca amniga iyo dhinaca ganacsiga adduunkaa, halkaas oo ah marinta gacanka cadmeed oo 40% (Boqolkiiba Afartan) ganacsiga adduunku uu maro. In ka baddan 20% (Boqolkiiba labaatan) ay marto saliida adduunka ama shidaalka adduunka lagu shido. Markaa mareykanku waxay Somaliland u arkaan meel ay Saaxiibtinimo dhow la yeeshaan oo aanay gacmo kale u soo waydaaran\u201d. Ayuu ku yidhi Wakiilka Somaliland ee Mareykanka Ambassador Bashiir Sheekh Cumar Good oo Wareysi dhinacyo baddan taabanaya siiyay Telefiishanka HCTV.<\/p>\n<p>Ambassador Bashiir Sheekh Cumar Good oo Ka Hadlayay faa\u2019iida Somaliland ugu jirta Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Biixi ee socdaalka ku tagay dalka Mareykanka, ayaa yidhi &#8220;Somaliland waxay Mareykanka la yeelan kartaa xidhiidh dhaqaale, maal-gelin ayaa imanaysa, waxa iman karta in la iska kaashado dhinaca istaraatijiyada, tababarrada iyo ammaanka, waxyaabo fara badan ayaa Somaliland uga soo kordhi karama inay xidhiidh fiican la yeelato Mareykanka.\u201d<\/p>\n<p>Ambassador Bashiir Good oo sharaxaya masuuliyiinta Mareykanka ee uu kulamada la yeelan doono iyo muddada uu joogi-doono dalkaasi Madaxweynuhu waxa uu yidhi \u201cMadaxweynuhu waxa uu maalinta Isniinta abaaro 11:00 subaxnimo uu ka jeedin doona hadal taariikhiya Heritage foundation oo ah meelaha rayi\u2019ga laga curiyo kuwa ugu waa-weyn dalka mareykanka uguna hantida badan. Markaa dadka la soo casuumay waxay isugu jiraan laba qeybood, dad Internet-ka ka daawanaya iyo dad imanayaa, dadka la soo casuumay waa dad ka tirsan dawladda waa dad aqalka baarlamaanka (Congress-ka) shaqaalihiisa, waa dad ka tirsan khubarada Gobolka iyo meelo kale-ba wax ka qora, aqoonyahanka iyo saxaafaddaba way imanayaan. Markaa had iyo jeer Madaxweynayaashu iyo ra\u2019iisal-wasaarayaashu marka ay yimaaddaan Mareykanka waxa mar-walba geed ka go\u2019ana, meelaha rayi\u2019ga laga curiyo (Think Tank) inuu ka hadlo, markaana meelihii ugu wanaagsana ayuu ka hadlayaa. Madaxweyunuhu waxa uu joogayaa ilaa 19 cisho.\u201d<\/p>\n<p>Waxa kale oo uu sheegay \u201cMadaxweynuhu waxa uu shirar kala duwan la geli doonaa dawladda Mareykanka, maamulka Madaxweyne Biden qeybihiisa kala duwan, Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Golaha amniga aqalka cad ee Mareykanka, waxa kale oo uu la shiri-doona guddiyada arrimaha dibadda ee labada aqal ee Mareykanka ee \u201cSenate-ka Iyo Congress-ka\u201d iyo kuwa u qaabilsan cimilada iyo ilaalinta duur-joogta, dabadeed meelo kale ayuu ka hadlayaa iyo doodo kale oo ay Jaamacado ka mid yihiin iyo meelaha kale ee rayi\u2019ga laga curiyo (Think Tank), waxa kale oo uu la kulmayaa NGOs-ka waa-weyn ee dalkan sida UICD-da iyo mid la yidhaahdo National Endowment for the Democracy\u201d.<\/p>\n<p>Bashiir Sheekh Cumar Good oo ka hadlayay kulanka uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi la yeelan doono Jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaasi, waxaanu ku jawaabay\u201c19 March Madaxweynuhu waxa uu qeybgeli doonaa shir uu la yeelan doono bulshada reer Somaliland ee ku dhaqanka Mareykanka oo ka bilaabmaya 8:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo, waxaana lagu naaqishi doono arrimo badan, habeenimadana casho maamuuseed ayaa la sameyn doonaa, halkaas ayuu bulshada Mareykan kala hadli doona\u201d.<\/p>\n<h2><em><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office\u00a0 \u00a0<\/strong><\/em><br \/>\n<!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_220313_223025_912.sdocx--><\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyo) &#8211; Wakiilka Somaliland ee Dalka Mareykanka Ambassador Bashiir Sheekh Cumar Good, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ahmiyadda Somaliland ugu jirta Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo fiidkii caawa si diiran loogu soo dhaweeyey dalka Mareykanka, isla-markaana waxa uu soo bandhigay masuuliyiinta sar sare ee dawladdaasi\u00a0 ee uu kulamada la yeelan doono. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67128,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67124","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/IMG-20220313-WA0016.jpg?fit=1080%2C607&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hsE","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67124","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67124"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67124\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67131,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67124\/revisions\/67131"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67128"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67124"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67124"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67124"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}