{"id":67057,"date":"2022-03-12T08:54:27","date_gmt":"2022-03-12T08:54:27","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67057"},"modified":"2022-03-12T08:56:36","modified_gmt":"2022-03-12T08:56:36","slug":"ukrain-ruushka-oo-magaalooyin-cusub-weerar-ku-qaaday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/12\/ukrain-ruushka-oo-magaalooyin-cusub-weerar-ku-qaaday\/","title":{"rendered":"UKRAIN: Ruushka Oo Magaalooyin Cusub Weerar Ku Qaaday"},"content":{"rendered":"<p>Ukrain (Arabsiyo) &#8211; Qiimeyn dhanka sirdoon oo cusub ayaa lagu xaqiijiyay in miltariga Ruushka ay weerar ku qaadeen dhowr jiho oo cusub oo ka tirsan Ukraine<\/p>\n<p>Shirkad dayax-gacmeed oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in militariga Ruushka ay geeyeen unugyo cusub meel u dhow caasimadda Kyiv.<\/p>\n<p>Sawiradii ugu dambeeyay ayaa muujinayay ciidamada Ruushka oo madaafiic ku garaacaya xaafado ku yaala duleedka caasimadda.<\/p>\n<p>Dhismayaal dhowr ah ayaa lagu soo waramayaa in ay gubanayaan. Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay in Ruushka uu duqeymo dhanka cirka ah ka geystay magaalooyinka Lutsk iyo Ivano-Frankivsk ee galbeedka Ukraine.<\/p>\n<p>Duqeymaha dhanka cirka ah ayaa sidoo kale waxyeelo kasoo gaadhay dad rayid ah oo ku sugan bariga magaalada Dnipro, halkaasi oo ugu yaraan hal qof uu ku dhintay.<\/p>\n<p>Ruushka ayaa balaadhiyay weerarada uu ku hayo Ukraine, isagoo weeraray magaalooyinka Lutsk, Ivano-Frankivsk iyo Dnipro.<\/p>\n<p>Maamulka magaalada Mariupol ee koonfurta Ukraine ee muddada dheer go&#8217;doonka ku jirtay ayaa sheegay in in ka badan 1500 oo qof oo rayid ah lagu dilay 12 maalmood oo duqeymo ay geysanyeen ciidamada Ruushka.<\/p>\n<p>Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa xaaladda magaalada ku tilmaantay mid halis ah; waxa ay ku eedaysay Ruushka in uu hor istaagay isku dayo lagu doonayay in lagu gaadhsiiyo gargaar bini&#8217;aadantinimo.<\/p>\n<p>Magaalada kale ee istaraatiijiga ah ee koonfurta Mykolaiv, ayaa waxaa duqeynaya ciidamada Ruushka.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Madaxa hay&#8217;adda quwadda atomikada Qaramada Midoobay ayaa beeniyay eedaymaha Ruushka ee ah in Ukraine ay qorsheynaysay inay samaysato hub Niyukleer ah iyaga oo gacan ka helaya Maraykanka.<\/p>\n<p>Izumi Nakamitsu ayaa u sheegay golaha ammaanka inaysan jirin wax caddaynaya in Ukraine ay qorsheynaysay sameysashada hubka wax gumaada.<\/p>\n<p>Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in haddii uu Ruushku geeyo Ukraine dagaalyahanno u dhashay Suuriya Ukraine ay taasi sii sii kordhin doonto xiisadda iyo gardarada aan geedka loogu soo gaban ee Moscow.<\/p>\n<p>Afhayeen u hadlay Ned Price ayaa sheegay in ay sidoo kale muujin doonto in madaxweyne Putin uu sameeyay xisaab-xumo aasaasi ah oo uu ku doortay dariiqa dagaalka isaga oo ka leexanaya diblomaasiyadda.<\/p>\n<p>Balse, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku celceliyay in dalkiisa aanu si toos ah aanu militari ahaan u faragelin doonin dagaalka ka socda Ukraine.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa mar sii horeysay fasaxay in dadka mutadawaciinta ah ee ka imaanaya Bariga Dhexe ay ku biiraan ciidamada Ruushka ee ka dagaallamaya Bariga Ukraine.<!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_220312_115117_274.sdocx--><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h2><em><strong>Arabsiyonews.com\/Hargeisa Office<\/strong><\/em><\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ukrain (Arabsiyo) &#8211; Qiimeyn dhanka sirdoon oo cusub ayaa lagu xaqiijiyay in miltariga Ruushka ay weerar ku qaadeen dhowr jiho oo cusub oo ka tirsan Ukraine Shirkad dayax-gacmeed oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in militariga Ruushka ay geeyeen unugyo cusub meel u dhow caasimadda Kyiv. Sawiradii ugu dambeeyay ayaa muujinayay ciidamada Ruushka oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67058,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67057","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/123648299_f9d508f1-7b58-4b91-82f0-e24ad75d213d.jpg.webp?fit=800%2C544&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hrz","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67057","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67057"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67057\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67060,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67057\/revisions\/67060"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67058"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67057"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67057"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67057"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}