{"id":67034,"date":"2022-03-10T17:37:17","date_gmt":"2022-03-10T17:37:17","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=67034"},"modified":"2022-03-10T17:37:17","modified_gmt":"2022-03-10T17:37:17","slug":"madaxweyne-biixi-oo-baasaaboorka-somaliland-ugu-safraya-maraykanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/10\/madaxweyne-biixi-oo-baasaaboorka-somaliland-ugu-safraya-maraykanka\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Biixi Oo Baasaaboorka Somaliland Ugu Safraya Maraykanka"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa Sabtida soo socota Safar ugu baxaya dalka Maraykanka.<\/p>\n<p>Weftigan oo la sheegay inuu ka kooban yahay 17 xubnood, ayaa dalka Maraykanka ku tagaya Baasaaboorka Somaliland oo sida la sheegay loogu soo saaray Viisaha dalka Maraykanka.<\/p>\n<p>Xogo Warbaahintu heshay, ayaa tibaaxay In Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo ka kooban Masuuliyiinta Xukuumadda qaarkood, sida Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha gudaha, Warfaafinta, Ganacsiga, xubno Ganacsato ah iyo aqoonyahano matalaya Ururrada Bulshada rayidka ahi ay si rasmiya u Heleen Viisaha Maraykanka, kaasi oo loogu soo saaray Baasaaboorka Somaliland.<\/p>\n<p>Warku wuxuu intaa ku daray, In Safaaradda Somaliland ee Jabuuti oo ka shaqaysay arrintani ay Viisayaasha soo gaadhsiisay Hargeysa.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu dalka Maraykanka kula kulmi doono Madaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka, Wasaaradda Difaaca iyo Hay&#8217;adda Maraykanka u qaabilsan deeqaha dibedda ee USAID, sidoo kalena uu khudbad ku saabsan qadiyadda Somaliland ka jeedin doono Mac-hadka deraasaadka Siyaasiga ah ee &#8216;The Heritage&#8217; oo fadhigiisu yahay Maraykanka.<\/p>\n<p>Weftiga Madaxweynaha waxa Washington kaga sii horreeya Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, kaasi oo u sii gogol-xaadhaya.<\/p>\n<p><!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_220310_203401_301.sdocx--><\/p>\n<h2><em><strong>Arabsiyonews\/Hargeisa Office<\/strong><\/em><\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa Sabtida soo socota Safar ugu baxaya dalka Maraykanka. Weftigan oo la sheegay inuu ka kooban yahay 17 xubnood, ayaa dalka Maraykanka ku tagaya Baasaaboorka Somaliland oo sida la sheegay loogu soo saaray Viisaha dalka Maraykanka. Xogo Warbaahintu heshay, ayaa tibaaxay In Madaxweynaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":67035,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-67034","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/FB_IMG_1646932770851.jpg?fit=720%2C405&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hrc","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67034","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=67034"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67034\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":67036,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/67034\/revisions\/67036"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/67035"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=67034"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=67034"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=67034"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}