{"id":66981,"date":"2022-03-08T17:48:10","date_gmt":"2022-03-08T17:48:10","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=66981"},"modified":"2022-03-08T17:51:52","modified_gmt":"2022-03-08T17:51:52","slug":"xukuumadda-oo-sheegtay-in-doorashada-ururrada-loo-adeegsanayo-xeer-uu-cirro-ka-shaqeeyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/08\/xukuumadda-oo-sheegtay-in-doorashada-ururrada-loo-adeegsanayo-xeer-uu-cirro-ka-shaqeeyay\/","title":{"rendered":"Xukuumadda Oo Sheegtay In Doorashada Ururrada Loo Adeegsanayo Xeer Uu CIRRO Ka Shaqeeyay"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay hadal uu Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku sheegay in aan doorashada Furista Ururrada siyaasadda laga soo horraysiin karin ta Madaxtooyada.<\/p>\n<p>Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Mudane Cirro oo Daba socday hadal uu Doraad Madaxweyne Biixi ku sheegayn in doorashada Madaxtooyadu ka dambaynayso doorashada furista Ururrada siyaasadda, ayaa Shir-jaraa\u2019id oo uu Maanta ku qabtay Xarunta Xisbigaasi ee Hargeysa, wuxuu ku sheegay in aanay suurto-gal ahayn in doorashada Madaxtooyadu ka dambayso ta ururrada siyaasadda, Sharci-jebina u arkaan hadalka Madaxweynaha.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" data-attachment-id=\"66977\" data-permalink=\"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/08\/somalilandcirro-oo-cadho-hadlay-jawaabta-wasiir-kaahin\/attachment\/66975\/\" data-orig-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/maxresdefault-15.jpg?fit=1280%2C720&amp;ssl=1\" data-orig-size=\"1280,720\" data-comments-opened=\"0\" data-image-meta=\"{&quot;aperture&quot;:&quot;0&quot;,&quot;credit&quot;:&quot;&quot;,&quot;camera&quot;:&quot;&quot;,&quot;caption&quot;:&quot;&quot;,&quot;created_timestamp&quot;:&quot;0&quot;,&quot;copyright&quot;:&quot;&quot;,&quot;focal_length&quot;:&quot;0&quot;,&quot;iso&quot;:&quot;0&quot;,&quot;shutter_speed&quot;:&quot;0&quot;,&quot;title&quot;:&quot;&quot;,&quot;orientation&quot;:&quot;0&quot;}\" data-image-title=\"66975\" data-image-description=\"\" data-image-caption=\"\" data-large-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/maxresdefault-15.jpg?fit=696%2C392&amp;ssl=1\" class=\"alignnone size-full wp-image-66977\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/maxresdefault-15.jpg?resize=696%2C392&#038;ssl=1\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"392\" srcset=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/maxresdefault-15.jpg?w=1280&amp;ssl=1 1280w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/maxresdefault-15.jpg?resize=300%2C169&amp;ssl=1 300w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/maxresdefault-15.jpg?resize=1024%2C576&amp;ssl=1 1024w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/maxresdefault-15.jpg?resize=768%2C432&amp;ssl=1 768w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/maxresdefault-15.jpg?resize=696%2C392&amp;ssl=1 696w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/maxresdefault-15.jpg?resize=1068%2C601&amp;ssl=1 1068w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/maxresdefault-15.jpg?resize=747%2C420&amp;ssl=1 747w\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/p>\n<p>Laakiin, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna ka jawaabay hadalka Musharraxa WADDANI, ayaa sheegay in Xeer Lr 14\/2011 uu jideeyay furista Ururrada iyo xilliga la furayo labadaba, sidaasi darteed aanay jirin diidi karta ku dhaqanka Xeerkaasi.<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi\u00a0 \u201cCirro wuxuu\u00a0 yidhi, Xisbiyada Maanta jiraa noqon maayaan Ururro-siyaasadeed, mana suurtowdo Urur ka qayb-galaya doorashada 13-ka November ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Sida Madaxweynuhu uga hadlay, Xisbigan Kulmiye-na u caddeeyay Madaxweynaha Somaliland marna lagama maqal doorashada dhacaysa 13-ka November dib ha u dhacdo, Madaxweynaha iyo Xisbiga KULMIYE waxay dhammaantood diyaar u yihiin in doorashadu xilligeedii ku dhacdo.\u201d<\/p>\n<p>Wasiir Kaahin waxa kale oo uu sheegay \u201cUrurrada siyaasadda, waxa qeexaya Xeer Lr 14\/2011, Xeerkaas waxa la ogolaaday xilligii uu Mudane Cabdiraxmaan-Cirro uu ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, goorma ayuu Xeerkaasi Cabdiraxmaan xaaraan ka noqday, wuxuu xaaraan ka noqday markuu Baarlamaanka ka baxay ee uu Musharraxa Xisbiga WADDANI noqday ayuu isaga iyo Xisbigooda ka xaaraantimoobay, Xeerkaasi waa Xeer Qarankan ka jira, Madaxweynaha ayaan baa\u2019biin karin, Xisbiga ayaan baa\u2019biin karin, Xisbi kale ayaan baa\u2019biin karin.\u00a0 Xeerkaasi wuxuu kaga bixi karaa halka uu Maanta Xeerarka Qaranka kaga jiro dariiqda loo maray ee uu Xeerka ku noqday marka dib loogu celiyo, Xisbiga KULMIYE iyadoo Xeerkaa la raacayo wuxuu ka mid noqonayaa Ururrada, WADDANI kuwaasi buu ka mid noqonayaa, UCID-na kuwaas buu ka mid noqonayaa, haddaanu KULMIYE nahay noqon mayno Xuurtii wedkeeda aragtay marka la yidhaahdo Ururraa ka furayaa oo qaylin mayno, Cabdiraxmaan-Cirro iyo WADDANI baa noqday Xuurtii Wedkeeda aragtay, maxay uga qaylinayaan, Shalay muxuu Xisbiga WADDANI ku noqday Xisbi, muxuu kaga soo gudbay ururnimo, muxuu doorashadii hore ee Madaxtooyada kaga qayb-galay, muxuu markuu Axmed-siilaanyo la tartamayey kaga qayb-galay, muxuu kaga qayb-galay markay Tartamayeen Muusahan Madaxweynaha ah, kaasaa la soo maray, kaasaa imikana la marayaa, mana jiro Nin odhanaya Xeerkaasi ma jiro, mana jiro nin odhanaya Xeerkaasi ma shaqaynayo.\u201d Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray \u201cQarankan Sharci-baa lagu Hagayaa, Qarankan Nina uga suurto-geli mayso inuu ku hanjabo ama inuu yidhaahdo Ururro siyaasadeed furmi maayaan, Qarankani wuxuu ku soconayaa Dastuurka iyo Xeerarka dheegma Sharcigan, markaa Saaxiibbadayo waxaanu leenahay Ninka doonaya inuu Qaranka Maamulo waa inuu noqdaa Qof u hoggaansan Qarannimada, Ninka doonaya inuu Qarankan Maamulo, waa inuu noqdaa Nin Sharciga Dalkan aqoonsan, ninka doonaya inuu berri Madaxweyne ka noqdo, ninka doonaya inuu berri Qarankan Maamulo, waa inuu ahaadaa nin ogol Qarannimada Somaliland, haddaad doonayso inaad wax xukuntu waa inaad Adigu ogolaataa in lagu xukumo. Saaxiibbadayo waxaanu leenahay Dal khalkhal-gelinta iyo Sharci ku gefka macnaheedu waxa weeyaan inuu dalkani burburo, macnaheedu waxa weeyaan inaynu isku dhex daadano oo Sharci jiri waayo, markaa sharci baynu ku heshiinay, Qawaaniintaas baa lagu soconayaa, taasaa Madaxweynaha qabanaysa, Xisbigiisa qabanaysa, Wasiirradiisa qabanaysa, Xisbiyada kalena qabanaysa..\u201d<\/p>\n<h2><\/h2>\n<h2><em><strong>Arabsiyo News\/Hargeisa Office<\/strong><\/em><\/h2>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay hadal uu Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku sheegay in aan doorashada Furista Ururrada siyaasadda laga soo horraysiin karin ta Madaxtooyada. Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Mudane Cirro oo Daba socday hadal uu Doraad Madaxweyne Biixi ku sheegayn in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66983,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-66981","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/Snapshot_1286.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hql","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66981","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=66981"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66981\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66984,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66981\/revisions\/66984"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66983"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=66981"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=66981"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=66981"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}