{"id":66922,"date":"2022-03-06T16:22:13","date_gmt":"2022-03-06T16:22:13","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=66922"},"modified":"2022-03-06T16:22:13","modified_gmt":"2022-03-06T16:22:13","slug":"putin-oo-u-hanjabay-jiritaanka-dalnimo-ee-ukraine","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/06\/putin-oo-u-hanjabay-jiritaanka-dalnimo-ee-ukraine\/","title":{"rendered":"Putin oo u hanjabay jiritaanka \u2018dalnimo\u2019 ee Ukraine"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hanjabay jiritaanka dalnimo ee Ukraine xilli duulaanka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka deriska la ah uu wajahayo iskacaabin xooggan, isla markaana dhaqaalaha dalkiisa ay cunaha qabteen cunaqabateeno sii kordhaya.<\/p>\n<p>Dadaalladii ugu dambeeyey ee Mosow looga hakinayo dhaqaalaha adduunka, ayaa shirkadaha nidaamka lacagaha la isugu gudbiyo ee Visa iyo Mastercard ee fadhigeedu yahay Mareykanka waxay ku dhowaaqeen inay hakinayaan howlahoodii Ruushka.<\/p>\n<p>\u201cMas\u2019uuliyiinta Ukraine waa inay fahmaan in haddii ay sii wadaan waxay ay sameynayaan, inay su\u2019aal gelinayaan mustaqbalka dalnimo ee Ukraine,\u201d ayuu yidhi Putin.<\/p>\n<p>\u201cHaddii ay sidaas dhcadana, ayagaa ayaa si buuxda mas\u2019uul uga noqon doona.\u201d<\/p>\n<p>Kyiv ayaa ugu baaqday Reer Galbeedka inay sare u qaadaan kaalmada militari ee ay siiyaan, oo ay ka mid yihiin diyaraadaha dagaalka.<\/p>\n<p>Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale ka codsaday dalalka dersika la ah ee Yurubta Bari inay siiyaan diyaaradaha ay Ruushka sameeyeen oo duuliyayaasha Ukraine loo tababaray inay duuliyaan.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa werisay in Washington ay ka shaqeyneyso heshiis ay la galeyso Warsaw, kaasi oo Poland ay Ukraine ku siineyso diyaaradaha dagaalka ee xilligii Soviet-ka, looguna beddelayo kuwa F-16 ee Mareykanku sameeyo.<\/p>\n<p>Isla markaana, Putin ayaa xoojiyey digniinta uu ujeedinayo NATO, isaga oo ku hanjabay dagaal baaxad weyn, haddii aag duulimaadyada ka caagan la hirgeliyo.<\/p>\n<p>Ayada oo Zelensky uu NATO ku dhalleeceeyey inay meesha ka saareen aag duulimaadyada ka caagan, ayaa Putin wuxuu ka hadlay \u201cCawaaqib musiibo oo baaxad weyn, oo aan ku dhici doonin oo kaliya Yurub balse sidoo kale dunida oo dhan,\u201d haddii tallaabo noocaas ah la qaado.<\/p>\n<p>\u201cDhaqdhaaq kasta oo loo qaado jihadan waxaan u arki doonnaa ka qeybgal dagaalka hubeysan ah oo uu sameeyey dalkaas,\u201d ayuu yidhi Putin.<\/p>\n<p>Isaga oo cambaareynaya xayiraadaha Reer Galbeedka, hoggaamiyaha Ruushka ayaa yidhi \u201cIn badan oo ka mid ah waxa nalagu sameynayo waa hab dagaal loogu qaadayo Russia.\u201d<\/p>\n<p>\u201cCunaaqabateenada ka dhanka ah Ruushka waxay la mid yihiin iclaamin dagaal. Balse nasiib wanaag heerkaas ma aynan gaarin,\u201dAyuu yidhi Putin.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale ku gacan saydhay warar la isla dhex-marayo oo sheegaya in Kremlin-ka uu qorsheynayo in xeer militari uga dhowaaqo Ruushka.<\/p>\n<p><strong>AFP<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hanjabay jiritaanka dalnimo ee Ukraine xilli duulaanka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka deriska la ah uu wajahayo iskacaabin xooggan, isla markaana dhaqaalaha dalkiisa ay cunaha qabteen cunaqabateeno sii kordhaya. Dadaalladii ugu dambeeyey ee Mosow looga hakinayo dhaqaalaha adduunka, ayaa shirkadaha nidaamka lacagaha la isugu gudbiyo ee Visa iyo Mastercard [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66741,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-66922","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/maxresdefault-36.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hpo","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66922","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=66922"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66922\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66926,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66922\/revisions\/66926"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66741"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=66922"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=66922"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=66922"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}